|
|||||
WAJAALE NEWS
Weftiga Cuqaasha Buuhoodle Oo La Sheegay Inay Ku Kala Jabeen Sii Daynta Jaamac Kuutiye Inay La Hor Tagaan Madaxweynaha
February 14, 2015 - Written by Editor:Madaxtooyadda iyo balantii maanta ee qaabilaada weftiga Hawlgalka xubno Xukuumadda iyo Wakiiladda ka tirsan iyo saamaynta ay ku leeyihiin kala qaybinta weftiga Buuhoodle Isdiidka nidaamka dawliga ah iyo wargelinta labada Suldaan ee cidda ay la kulmayaan weftiga Buuhoodle Soo fool yeelashada Odayaasha beelo kale oo dalbanaya sii daynta rag falal argagixiso ula xidhan Jaamac Kuutiye Hargeysa, (Wajaalenews) Weftigii Cuqaasha iyo Odayaasha reer Buuhoodle ee wada xaajoodka u yimi Hargeysa oo lagu wado inay maanta gelinka hore la kulmaan Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inay isku qabteen waxa ay la hor tegayaan xukuumadda. Warar laga soo xigtay illo ku dhawdhaw weftiga ayaa tibaaxay, in weftiga la dejiyay Huteelka Iskaandaneefiyan ee Hargeysa, halkaas oo uu dejiyay Wasiirka Caafimaadka oo ah Wasiirka xukuumadda ugu jira Gobolka Buuhoodle. Hase yeeshee siday xogahaasi tibaaxeen markii weftigu halkaa degay kadib, sadex ka mid ah xubnaha weftigaa, ayaa laga raray huteelka oo loo wareejiyay Huteel kale, isla markaana waxay illahaasi sheegeen in talaabaddaa lagu kala jabiyay weftiga reer Buuhoodle loo aanaynayo inay lug ku lahaayeen xubno xukuumadda iyo wakiiladda ka tirsan oo ka soo jeeda gobolka Sool oo beryahanba loo tirinayo inay dagaal siyaasadeed ku hayaan Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye.
Warku wuxuu intaa ku daray, in dhacdadaa kadib, Wasiirka Caafimaadku shalay xubnaha weftiga oo tiradoodu gaadhayso dhawr iyo toban xubnood, sadexdaa ka guuray mooyee intoodii kale, uu u sheegay inay ka daba tagaan sadexdaa xubnood oo weftigu meel wada dego, si aan loo lumin midnimadda weftiga, sidaana ay isla qaateen cuqaasha iyo wasiirku. Hase yeeshee mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Wasiirka si aanu wax uga waydiino arrimahaa, telefoonkiisu wuu xidhnaa.
Dhinaca kale, xogaha uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun dalloola weftigu waxay tibaaxeen, in aragti ahaan weftigu ku kala aragti duwan yahay waxa ay la hor tegayaan Madaxweynaha, isla markaana badi cuqaashu waxa la sheegay inay isku raacsan yihiin, in xukuumadda ay kula garnaqsadaan oo kala hadlaan marka hore wixii suuragal ah, ee la xidhiidha danta guud ee umadda gobolkooda oo dhan kastaba ah iyo sidii turxaan bixin iyo nabadayn buuxda loo unki lahaa. Hase ahaatee sadex afar xubnood oo ka mid ah ayaa la sheegayaa, inay ku adag yihiin, in qodobka koowaad ee miiska la dhigayaa uu noqdo sii daynta nin lagu magacaabo Jaamac Kuutiye oo ka mid ah rag u xidhan falal argagixiso oo ay ka fuliyeen Somaliland. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in xubnaha sii daynta ninkaa in la horaysiiyo doonayaa, ay isku xidhan yihiin xubno xukuumadda ka tirsan. Hase ahaatee, xogahaasi may sheegin dhinaca ajandaha weftigu la hor tegayo Madaxweynaha maanta uu isugu lugo duwaday.
Sul. M. Xaaji Xuseen iyo Sul. Maxamuud Guuleed oo xoguhu sheegeen, inay qayb ka yihiin tabaabushaha hawsha nabada ee weftigu u socdo, ayaa iyana la tilmaamay inay u dhexeeyaan Madaxtooyada iyo weftiga, isla markaana waxay illo cuqaasha ku dhawdhawi tibaaxeen, inay ku wargeliyeen inay la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada oo keliya. Mar aanu khadka isgaadhsiinta kula xidhiidhnay si aanu arrintaa wax uga waydiinayna, maanu helin. Xogahaa ka sokowna ma jiraan warar madax banaan oo si toos ah uga soo baxay dhinacyadaasi.
Dhinaca kale, hadal haynta sii daynta Jaamac Kuutiye ee weftiga Buuhoodle ee u yimi ayaa u muuqata, mid soo kicisay odayaasha beelo kale oo rag falal argagixiso fuliyay ay ka xidhan yihiin, kuwaasoo la xidhan Jaamac Kuutiye, isla markaana warar Ogaal ka soo gaadhay gobolka Sanaag ayaa sheegay, inay jiraan Odayaal iyo madax dhaqameed la filayo inay Hargeysa u yimaadaan sii daynta nin lagu magacaabo Daa,uud oo la xidhan Jaamac Kuutiye.
XIGASHO WARGAYSKA OGAAL COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|