“waxan soo jeedinayaa in laga hawl galo sidii beesha….looga soo reebi lahaa siilaanyo oo umuuqda inuu la rabo sidii beeshii Mareexaan oo la ogaa halkuu Siyaad Barre dhigey” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“waxan soo jeedinayaa in laga hawl galo sidii beesha….looga soo reebi lahaa siilaanyo oo umuuqda inuu la rabo sidii beeshii Mareexaan oo la ogaa halkuu Siyaad Barre dhigey”
February 26, 2015 - Written by Editor:

waxaan soo jeedinayaa in laga hawl galo sidii beesha Habar jeclo looga soo reebi lahaa siilaanyo oo ay ka muuqato inuu la rabo, sidii beeshii Mareexaan oo la ogaa halkuu Siyaad Barre dhigey.

waxaynu u soo joogney waxyaalo fara badan oo soo dhacay saan saanta colaadeed ee Axmed siilaanyo dalka ka wado, nin kastoo wax garada way u muuqataa, ninkiise is diidsiinaya isagay jirtaa maraka laga soo bilaabo dagaalkii Kalshaale, dagaalkii ceerigaabo, dagaalkii Seemaal, dagaalkii Xaqsoor, dagaalkii Bali Diiriye, dagaalka Boorame iyo Suldaan wabar iyo dagaal kan imika uu ka hurinayo Berbera.

markaynu intaas oo qudha soo qaadano halka uu ku socdo nin ragina wuu garanayaa,nacasna loo sheegi maayo, waxa magaaladan Hargeysa jooga rag qurbaha ka yimi, kana soo jeeda beesha Habar Jeclo, isla markaana ku lebisan direyska ciidamada oo derajooyina ku sita garbaha, hadaba waxaan ku talin lahaa inta aanu dhiig gacmaha u gelin inay is urursadaan odayaal, salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda dhammaan beelaha reer Somali land, ka dibna la kulmaan salaadiinta iyo cidey talo ku tuhmayaan marka laga reebo Saleebaan Gaal, Maxamed Kaahin iyo Cali Mareexaan, sida aan qabo way jiraan rag badan oo layaabsan xumaanta uu Axmed siilaanyo dalka ka wado, haddaan intaas ka gudbo waxaanu meel ku kulanay ninka la yidhaahdo Maxamed Kaahin, runtiina muddada aanu is naqaaney waxay ku dhawdahay sodon sanadood, dabeeto waanu kaftanay waxaan si kaftana uugu idhi “maxaa ku kala duwantihiin adiga iyo ninkii la odhan jirey Maxamed Xaashi Gaani”.

intuu Maxamed Kaahin is bedeley oo uu aad u xanaaqay ayuu igu yidhi “sideed su’aashaa aad ii weydiisaa”.

markaas ayaan hadana ku idhi “ha iga xanaaqine waxaad iiga jawaabtaa sidan aad adeerkaa Axmed siilaanyo uugu dagaalamayso, ayuu isaguna adeerkii Maxamed Siyaad uugu dagaalamayey markaa maxaad kaga duwantahay. sida dad badani ogyihiin Maxamed Kaahin dawladii Cabdiraxman Axmed cali wuu ka soo hor jeedey, dawladii Cigaalna wuu ka soo hor jeedey, dawladii Daahir Riyaalana wuu ka soo hor jeedey, dawladan Axmed siilaanyana gundhada ayuu uugu jiraa markaa akhriste maxaad odhanaysaa.?

 

W/Q:Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)

COMMENTS
LINKS