“Waxa La Sheegay In Xukuumaddu Ay Maalin Dhaweyd U Dabaaldegtay Guulaha Ay Ka Gaadhay Gacan Ku Dhigida….” W/Q:Mujaahid Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa La Sheegay In Xukuumaddu Ay Maalin Dhaweyd U Dabaaldegtay Guulaha Ay Ka Gaadhay Gacan Ku Dhigida….” W/Q:Mujaahid Cali Xaraaro
February 25, 2015 - Written by Editor:

Xukuumadda Siilaanyo saxaafadda madaxa-bannaan in way xidhay,in way iibsatay,ina iyadaaba iska leh,ina weerar iyo dagaal bay ku haysaa….ee bulshooy saxaafadda madaxa-bannaan waxay u baahan tahay in laga xoreeyo xukuumadda Siilaanyo

Baashe cawil oo ah qofka sedexaad ee uugu awooda badan xukuumada Axmed siilaanyo iyo ninka u qaabilsan dhinaca saxaafadda madaxa bannaan Xasan Xiis Liqe ayaa la sheegayaa inay maalin dhaweyd u dabaal degeen guulaha ay ka gaadheen gacan ku haynta saxaafadda madaxa bannaan.

Aynu dib u xusuusano xukuumadihii ka horeeyey xukuumadan maanta joogta siddii ay saxaafaddu wax uga qori jireen iyo sida ay u daba geli jireen markhaati ayeynu ka wada ahayn, arinta uugu muhiimsan ee dad weynuhu mar walba ku taageeri jiray waxay ahayd ilaalinta qaranimada somali land, hadaba maxaa ka jira hadalada ka soo baxay Baashe Cawil iyo Xasan Xiis Liqe ee sheegaya inay ku guuleysteen gacan ku haynta saxaafadda madaxa bannaan?, anigu Cali ahaan waxaan qabaa inay wax badani ka jiraan arrintaas, markaan soo qaato wargeys yada madaxa bannaan intooda badani gacanta ayey ugu jiraan hadaan si kale u idhaa wargeys yada Haatuf iyo Hubaal way u xidhan yihiin, wargeys yada kala somali land today, Dawan iyo Sahan xukuumada ayaaba iska leh, wargeys yada kala ah Waaheen, Jamhuuriya Saxan saxo lacag ahaan ayaa lagu siiyaa kolba inta ay daabacdaan oo haddii waxba laga iibsan waayo maba khasaaraan saddexda wargeys ee lagu tilmaami inaanay weli gacantooda gelin waxay kala yihiin

Haddaan u gudbo t.v.yada Horn cable waa halkii ugu horeysey ee la weeraray, xaruntoodana la qabsaday mar kalena mulkiilaha Farxaan Xaaji Cali ayaa saq dhexe gurigiisa loogu daatay, ilaa maantana dagaal iyo fara gelin ayaa lagu hayaa, sidaa awgeed ayuu wax badan u qariyaa,Tv-ga qudha ee xukuumadda runta ka sheegaa waa t.v.ga space channel.

Dhinaca web.site-yada, badan koodu wey madax bannaan yihiin waana meesha qudha ee ka shaqaysa ilaalinta qaranimada j.s.land oo iyagana aan u malaynayaa inay awood ay ku xidhaan u waayeen,maadaama aanay u diiwaan gashanayn,oo hawada ku jiraan,. hadaba waxa loo baahan yahay in laga hawl galo sidii saxaafada looga xoryn lahaa Baashe cawil iyo Xasan xiis liqe

Qalinkii: Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)

COMMENTS
LINKS