Wasaaradaha Degaanka,Macdanta, iyo Ganacsiga Oo Iska Kaashanaya Qorshe Muddo Kooban Lagu Joojinayo Isticmaalka Dhuxusha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradaha Degaanka,Macdanta, iyo Ganacsiga Oo Iska Kaashanaya Qorshe Muddo Kooban Lagu Joojinayo Isticmaalka Dhuxusha
February 14, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Wasaaradaha Degaanka,Macdanta iyo Tamarta iyo Ganacsiga,ayaa ka wada xaajoonayo qorshe lagu joojinayo isticmaalka Dhuxusha , islamarkaana loogaga guurayo Isticmaalka Shooladaha wax lagu karsado.

wasiirada denganka iyo macdanta

Wasiirada Wasaaradahaasi iyo Masuuliyiinta kale ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga waxay kaga wada hadleen sidii wasaarad walba doorkeeda uga qaadan lahayd Qorshahan ay waddo Wasiiradda Degaanka Marwo Shukri Xaaji Baandare.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarka Xuseen Cabdi Ducaale,ayaa sheegay inay Haboon tahay in Xaalufinta dhulka loo wajaho qaab dawladeed islamarkaana loo sameeyo Qorshe iyo siyaasad lagu bedelo “Arrintani waxay u baahan tahay in lagu soo jeediyo Indhaha dalka oo la muujiyo hoostana laga xariiqo dhibka ka taagan iyo sidii Dawladdu wax uga qaban lahayd, waxa weeye Hawshan taalaa Wasiirka degaanka oo kaliya way ka baaxad weyn tahay, waxayna u baahan tahay in wasaarado badan oo dawladda ahi arrintan iska kaashadaan. Dawladduna samayso Inkaaniyad iyo Qorshe Siyaasadeed oo arrintan wax lagaga qabto” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shukri ayaa sheegtay inay rajaynayaan in muddo kooban arrintan wax lagaga qabto “Maadaama Baarlamaankuna Xeerkii Kaymaha soo saaray waxaynu maanta taagannahay kama dambeystii iyo in muddo 6 Bilood ah lagu soo afjaro Isticmaalka Dhuxusha . In Wasaaradda tamartu ka hawl gasho sidii loogu guuri lahaa dhuxusha ee ay u keeni lahayd Shooladihii ama wax allaale wixii bedelaya Dhuxusha, iyo In Wasaaradda Ganacsiga aanu Marti uga nahay sidii ay Haan lagu shubo ugu banyan lahaayeen Gaasta Faynuusyada, iyo sidii ay ugu hagar bixi lahaayeen dadkii keeni lahaa, si muddo 6 bilood ah loogu soo afjaro Isticmaalka Dhuxusha, qunyar baa la guurayaaye ugu badnaana waxay noqon doontaa muddo sanad ah” ayay tidhi Wasiirka Degaanku.

Wasaaradda Degaanka ayaa muddooyinkii u dammbeeyayba walaac ka muujinaysay Isticmaalka Dhuxusha oo halis badan ku haya Degaanka,siiba dhirka qoyan oo haatan la garaaco, hase ahaatee Bulshada Magaalooyinka waaweyn ku nool ayaa shidashada dabka wax lagu kariyo u adeegsada Dhuxusha.

 

COMMENTS
LINKS