Wargeys Seeftii Cunsirnimadda Ku Jeediyey Masuuliyiinta Qaranka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeys Seeftii Cunsirnimadda Ku Jeediyey Masuuliyiinta Qaranka.
February 15, 2015 - Written by Editor:

Wargeyska Somaliland Today oo si qaawan u weeraray Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi, kaasoo uu ku sheegay dabeecad aanu lahayn, isla markaana ay markhaati uga yihiin shacabka reer Somaliland iyo shaqaalaha kala duwan ee Baanka Somaliland sida fiican ee uu had iyo jeer u gudto waajibaadkiisa qaran.

Somaliland Today oo ka mid ah Wargeys-yadda ka soo baxa caasimadda dalka ee Hargeysa, ayaa Guddoomiye Dirir ku weeraray cadadkiisii soo baxay maalintii sabtidii taariikhduna ahayd 14/02/2015. Kaasoo nuxurka qormo uu ka qoray ku sheegay inuu yahay Guddoomiyuhu nin dabeecad qalafsan kuna ad-adag shaqaalihiisa iyo shacabka uu masuuliyadda qaranka u hayo.

Dulucda iyo u jeedada qormaddan Today, maaha wax sal iyo raad toona leh, mana gayo masuulkani af-lagaadda iyo ceebaynta aan loo miidaandayin. Waxaana loo tur-juman karaa mid xambaarsan cunsuriyad qaawan oo hore-ba ugu caan-baxay.

Guddoomiye Dirir, haddii aan in yar ka taabto shaqsiyadiisa, wax-qabadkiisa iyo guddashadda waajibaadka ka saaran xilka uu qaranka.

1:   Guddoomiye Dirir, Waa shaqsi aqoon-yahan ah, isla markaana aqoon u leh shaqadda uu qaranka u hayo ee Guddoonka Baanka Dhexe, waxaanu leeyahay waayo-aragnimo iyo khibrad dheeraad oo ah mid uu ugu soo shaqeeyey mudo 35 Sanno ah Baanan kala duwan oo ku kala yaala dalalka Maraykanka, Canadda iyo Sucuudiga. Isagoo khibradaas iyo waayo-aragnimaddaas ayuu uga faa’ideeyey umadda Somaliland mudadaa uu hayey xilka baanka dhexe ee dalka.

2: Guddoomiye Dirir, waxa uu wax ka qabtay 1, badelaadii lacagihii Giimbaarka ahayd ee laga bedalay Gobolladda Tog-dheer iyo Sanaag. Waxaanu kor u qaaday khibradaha shaqo ee shaqaalaha baanka. Waxa uu kor u qaaday dakhliga iyo wax soo saarka baanka. Dhammaan arimahaas oo dhan waxa ka markhaatiya shaqaalihiisa iyo dhammaan ummadda reer Somaliland oo dhan guusha uu gaadhsiiyey wakhti xaadirkan baanka dhexe ee dalka.

Gunaanad, qoraal yar oo cunsuriyadaysan iyo shaqsi caayaa, waxba ka qaadi mayo Guddoomiye Dirir, waana halyey qaran. Wax-qabadkiisuna waxaa uu la mid yahay Cadeed miyaa sacab lagu qarin karaa?

Today-na waxaan leeyahay Qooley-Qoor-qabasho Biyo kuma cabto. Ka waantoow cambaaraynta iyo cunfiga aad la beegsanayso masuuliyiin gaara oo ka tirsan xukuumadda lagaa masruufo.

W/Q: Yuusuf Saalax Cawad.

E-mail: Yusufsalax1980@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS