|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR;DEGDEGA: XIldhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya oo Maanta Toogasho Lagu Dilay
February 7, 2015 - Written by Editor:Nairobi (W.N): George Muchai oo ah xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya ayaa Sabtida maanta ah lagu dilay magaalada Nairobi. Xildhibaanka oo ka tiranaa xisbiga Kabete ayaa toogasho lagu dilay, isaga iyo labo ilaaladiisa ka mid ahaa iyo waliba wadihii baabuurkiisa. Mr. Muchai ayaa rag hubeysani ay weerareen, xilli uu ka soo noqday kulan ay qoyskiisu lahaayeen. nayroobi Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shegay in, sida hadalka uu u dhigay, uu aad uga argagaxay, kana murugooday, dilkii dhacay. Waxa uu sheegay in filayo in booliisku uu adeegsan doono dhamaan awoodiisa, si dableydii dilka geysatay sida ugu dhakhsaha badan loogu soo qabto. Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa cambaareeyey dilka xildhibaanka, isaga oo sheegay in uu qeyb ka yahay gacan ka hadal siyaasadeed oo baahsan iyo amni la’aan Kenya ka jirta. Kenya ayaa muddaba la il-darreyd rabshado lala xiriirinayey ururka Islaamiga ah ee Alshabab Related posts:DAAWO; Ex Wasiir Cadami Oo Waraysi Xasaasiya Lalayeeshay Muxuuse Ka Yidhi Shirka Golaha Dhexe Ee Kul... Daawo:Suldaan Maxamed C/qaadir Oo Sheegay Cida Ka Danbaysa Dagaalka Dharkayn Geenyo Baaq Nabadeedna ... Culimo Aw diinta Dalka Oo lafilayo In Ay khudbada Salaada Jimcaha Bulshada U Iftiimiyaan Khatart... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|