WAR DEGDEGA: RAYSAL WASAARE XIGEENKA SOOMAALIYA MAXAMEDCUMAR CARTE OO KU DHAAWACMAY QARAX MUQDISHO KA DHACAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEGDEGA: RAYSAL WASAARE XIGEENKA SOOMAALIYA MAXAMEDCUMAR CARTE OO KU DHAAWACMAY QARAX MUQDISHO KA DHACAY
February 20, 2015 - Written by Editor:

M CARTE
Moqdisho(W.N):Raysalwasaare kuxgeenka Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ahna sii hayaha xilka Raysalwasaaraha ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmey weeraradii al-Shabaab ay ka fuliyeen qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho xilli lagu jiro Salaadii Jumcaha.

Raysalwasaare kuxigeenka ayaa la geeyey isbitaalka Digfeer waxaana soo gaarey dhaawac fudud oo dhanka lugaha ah. Qaalib ayaa ku dhaawacmey banaanka masaajidka Hotelka Centrel waxaana uu ka mid ahaa dadkii soo daahey oo dhanka daaradda ku tukadey, marka qaraxu dhacaayey.

Qaraxa ayaa loo adeegsadey gaari, waxaana uu dhacay xiligii salaadda laga baxay sida uu sheegey Salaad Cali Jeele oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmey.

Masaajidka ayaa derbigiisu dumey waxaana ku dhaawacmey dad uu ka mid yahay Cali Axmed jaamac Jiingeli oo dhaawac fudud soo gaarey isagana.

Dadka dhintey waxaa ka mid ah Xil Cumar Cali Nuur (Furdug), Xildhibaankii bedalay Saado Cali Warsame oo mahiciisa lagu sheegay Xaaji kafaay, Waxaa ku dhaawacmey Xildhibaano iyo Wasiiro tirada dhimasdhada ayaa ah mid ka badan 20 qof. Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Dekadaha iyo Kheyraadka Badda Amb. Nuur Faarax uu u dhintey dhaawac soo gaarey, warkaas Horseed Media weli ma xaqiijin.

Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu mid si weyn ay ururka al-Shabaab u soo qorsheeyeen kaas oo ku soobeegmaya xilli la sheegey in la adkeeyey nabadgelyada magaalada Muqdisho, iyada oo maalinta Berri la qorsheeyey in ay Muqdisho booqasho ku yimaadaan madaxweynaha dalka Jabuuti iyo madax kale.

COMMENTS
LINKS