Waa kuma Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac (Falay) ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa kuma Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac (Falay) ?
February 8, 2015 - Written by Editor:

Madaxweynaha JSL Somaliland oo habeenkii xalay ahaa soo saaray Digreeto Madaxweyne islamarkaana ku sameeyey isku bedel Badhasaabada Gobolka Magaaabic iyo xilka ka xayuubin ayaa Gobolka Sanaag u magacaabay Axmed Cabdi falay oo hada noqday Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag, qormadan waxaan ku ogaan doonaa kuu yahay Axmed Cabdi falay oo warbaahinta raqiiskaa iyo kuwa fadhi baradkaahiba ka qoreen qoraalo macno daro ah oo isu jira aflagaado, ka xumaansho xilka qaranka ee loo igmaday iyadoo ay daba ka riixayso qabyalaad suxufiyiin isku sheeg kasoo haajiray Deegaamadoodii ka dib markii noloshu ku agkaatay Hargeysana ka noqday dhuuni raadis.

Cabdi-Falay

Hada waxay su,aasha is waydiinta mudan tahay waa kuma Axmed Cabdi Falay? Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdi Jaamac (Falay) waa siyaasi reer somaliland ah islamarkaana ah ruug cadaa siyaasadeed oo usoo joogay waayo badan, hasa ahaatee Mudanahani marka aynu ka bixino Taariikh kooban wuxuu ka mid ahaa Muajaahidiintii SNM ee dalka usoo halkan tay hadana wuxuu kasoo qeyb qaatay dhismaha iyo seeska Dalkan Jamhuuriyada Somaliland, waxaana uu kamid yahay Xubanaha golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, wuxuu kasoo mid noqday Ganacsatadii ugu caansanayd Gobolka Togdheer.

 

Mudane Axmed Cabdi Falay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu horeeyey ee dhidibada u taagay Xisbiga Kulmiye, waxaana uu kamid ahaa Raggii qaaday Calanka iyo Fikirka Xisbigaasi ee ka dhaadhiciyey Bulshada balaadhan ee ku dhaqan Hawdka Gobolka Togdheer, wuxuu ahaa Maayir ku xigeenkii Degmada Burco, isagoo ahaa sideed sanadood Maayirka keliya ee Degmooyinka ka ahaa Kulmiye, Mr Falay waxaa bulshada reer burco ku mahadisaa wax qabadkii balaadhnaa isagoo ahaa ninkii dajiyey nidaamka iyo habka ay maanta ku shaqayso dawalda hoose ee burco, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii keliya ee ku dhiiraday inuu baabiiyo oo cagta mariyo goobtii ay ku fashilmeen dawladaha badani ee dhiigu ku daadatay isaguna wuxuu cagta mariyey maalin gelinkeed iyadoo aanay qofna qodaxi kasoo gaadhin sidoo kale wuxuu ahaa Axmed ninkii inta badan baneeyey ee wadooyinka ugu badan magaalada burco oo hada qaarkood la dhiso Mudane Axmed cabdi falay isagoo Kulmiye ah islamarkaana ahaa Maayir ku xigeen Wakhti uu Daahir Riyaale Burco yimi waxay ahayd ninkii ay kusoo baxday ” Mabdiisuna Waa Gaar Danta Qarankuna Waa Gaar” sidaana waxaa yidhi Madaxweyne Riyaale oo wakhtigaasi u qushuucay Mudane Axmed Cabdi falay shaqada u qaranka u hayey.

 

Maanta Bulshada reer Sanaag ayaa nasiib u heshay in Taariikhda noaacaasi leh oo waayo arag ah uu Gudoomiye u noqda, waxaana Axmed Cabdi falay lagu yiqiin Kariti, Daacadnimo iyo hawlkarnimo, waana ta uu Madaxweyne siilaanyo ugu aaminay Gobol Baaxada leh oo la ogyahay dareenada ku xeeran Afarta beelood ee dega Sanaa, hasa ahaatee waxaa hubaal in Mudane Axmed Cabdi falay oo lagu yiqiin intaasi uu hanan karo xilkaasi, Saamynta uu Axmed Cabdi Jaamac ku dhex leeyahay Somaliland waata keentay in markii sidaa loo magacaaba warbaahinta fadhibaradkaa ee ay qoraan suxufiyiinta qabyaalada ku shaqeeyaa raadsanada dhuunigooda ay ka bixiyaan sifo khaldan, bals waxaasi ay sheegeenba waa aanu geyin Aqoonyahan Axmed Falay.

COMMENTS
LINKS