URURKA SOLJA, Oo walaac ka muujiyay Xaaladda Wariye Yuusuf Maxamed Xasan, Oo Muddo Ku Xidhan Dalka Itoobiya; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
URURKA SOLJA, Oo walaac ka muujiyay Xaaladda Wariye Yuusuf Maxamed Xasan, Oo Muddo Ku Xidhan Dalka Itoobiya;
February 15, 2015 - Written by Editor:

War-saxaafadeed

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu walaac ka muujinayaa xaaladda Wariye Yuusuf Maxamed Xasan, kaasoo muddo ku dhow laba bilood ku xidhan Dalka Itoobiya, isagoo safar Dalxiis ku tagay dabayaaqadii bishii December.

Ururka SOLJA sida uu warbixino aan toos ahayn ku helay waxa Wariye Yuusuf Maxamed Xasan lagu wadaa in Maxkamadd ku taala magaaladda Addis ababa la soo taago, isagoo uu xadhiga ku weheliyo Nin Ajanabi ah oo aanay SOLJA illaa hada xaqiiqsan halka uu ka soo jeedo.

SOLJA waxay xidhiidho kala samaysay xadhiga Wariye Yuusuf  xukuumadda Somaliland iyo Xafiiska Dawladda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, hase yeeshee illaa ma muuqato talaabo wax ka qabasho leh oo ay xukuumadda Somaliland ka qaaday furdaaminta Wariyahaas.

Ururka SOLJA waxa uu Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya mar labaad ugu baaqayaa in Wariye Yuusuf laga bixiyo Xog dheeraad ah oo la xidhiidha sababta xadhigiisa isla markaana ay ka hawl-galaan sidii Wariye Yuusuf Xorriyadiisa loogu soo celin lahaa.

Ururka SOLJA waxa uu magacaabay laba guddi oo ka shaqayn doona difaacida suxufiyiinta iyo ilaalinata Anshaxa saxaafadda, sidaas daraadeed waxa uu Ururku uga mahadnaqayaa Xukuumadda Somaliland qaabka ay wax uga qabatay dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Wariyihii lagu xidhay Berbera Maxamed C/laahi Soo-fadhiiste iyo Barkhadle Maxamuud Geeddi oo lagu xidhay Sanaag, kuwaas oo Xorriyadooda loo celiyey.

Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu uga mahadnaqayaa, shirkaddaha, Wariyayaasha, shakhsiyaadka iyo masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda ee soo gaadhsiiyey cabashooyin la xidhiidha warar ay warbaahintu ka qortay bishii ugu danbaysay, kuwaas oo Ururku gacanta ku hayo.

 

Guddoomiyaha Ururka SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac

 

COMMENTS
LINKS