“Umaddani Waxba Garan Maysee Afduubo, Aniga Iga Suuro Geli Mayso Laakiin Mid Iga Dambeeya Ayaa Yeeli Doona” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Umaddani Waxba Garan Maysee Afduubo, Aniga Iga Suuro Geli Mayso Laakiin Mid Iga Dambeeya Ayaa Yeeli Doona”
February 19, 2015 - Written by Editor:

“Hadii aanu dadku garaad siyaasiya oo bisil lahayn oo aanuu awooda uu leeyahay isticmaali karin dimuqraadiyaddu socon mayso”

“Shacbigu haddii aanuu xeeladda khaayinka garanaynin, nin halkaa intuu isa soo taago, anigana ku dhahoo, idin odhanaya wax baan xumaynayaa ma jiro”

“Wax kasta oo la maamulayaa habkooda haddii laga duwo, way xumaadaan, foolxumo iyo ceeb bay keenaan”

Hargeysa (Wajaalenews) Afar iyo labaatan sano oo ay haatan cimri ahaan baarka ka goysay, haddana, weli waxay u muuqataa siyaasiyan saqiir raad barad ah oo aan qaan gaadhin. Da, ahaan way koran tahay, laakiin garaad ahaan shacbigu ma yahay mid u bisil danihiisa?. Ma yahay mid garan kara awoodda uu leeyahay?. Maxaa ku dhaca marka aanuu dadku umad ahaan garanaynin awoodda uu leeyahay?, marka aanuu lahayn garaad siyaasiya oo bisil?, marka aanuu kala garanaynin wuxuu dawladda u dirtay, waxa isaga xaq loogu leeyahay iyo wuxuu xaq ugu leeyahay?.

Maxay dimoqraadiyadu noqonaysaa, marka aanuu shacbigu garanaynin doorkiisa?, ma soconaysaa, mise way dhimanaysaa?, maxaa dhacaya haddii hogaamiye umaddiisa oo badow ah oo aan u bislayn waxa socda, uu siduu doono ka yeelo ama casaabad kaleba awoodda afduubto?.

cigaal 5

Taariikhdu way is qoraysaa, inkasta oo la maydhaamana runtu way nooshahay, oo iyadaa qof kasta oo is biday dantu ku soo celisaa. Hogaaamiyihii xorriyada dalwaynaha India ee Mahatma Gandhi, halku dhegyada taariikhda u galay waxa ka mid ahaa, “Xitaa haddii aad keli ku noqoto oo ay dadka oo dhami kaa hor yimaadaan, ha daynin sheegista runta”.Hogaamiyuhuna sidiisaba waa macalin, isla markaana hogaamiyaha curin siyaasiya lihi wuxuu ka tagaa, halku dhegyo iyo casharo raaddeeya maskaxda umaddiisa. Ilaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu ahaa Madaxweynihii labaad ee Somaliland, isla markaana intii uu ku jiray ololaha dhidib u taagista haykalka dawladnimo, wuxuu ahaa macalin meeshu kula kulmaba dadkiisa wax u sheegi jiray.

Sidaa darteed wargeyska Ogaal, wuxuu halkan idiinku soo gudbinayaa weedho kooban, oo ka mid ahaa khudbad uu dadka reer Hargeysa uga jeediyay fagaaraha Khayriyadda. Weedhahan wuxuu marxuumku ku iftiiminayaa, waxa dhaca markaanay umaddu lahayn garaad siyaasiya, oo suurayn kara khaayinka. Wuxuu yidhi;

“Wax kasta oo la maamulayaa habkooda haddii laga duwo, way xumaadaan, foolxumo iyo ceeb bay keenaan. Mambaca awood bixiyaa waa shacabka. Doorasho uu galo oo ay axsaabi mid waliba soo hordhigto waxay mabda’ leedahay iyo waxay qabanayso iyo waxay qaban doonto, markaa isaga ayaa wakaaladda siiya. Markaa shacabkaasi haddii aanu garaad siyaasiya oo bisil lahayn, haddii aanuu xeeladda khaayinka garanaynin, nin halkaa intuu isa soo taago, anigana ku dhahoo, idin odhanaya wax baan xumaynayaa ma jiro. Mid waliba wuxuu idin leeyahay wax baan hagaajinayaa, sideed u hagaajinaysaa shacabkii soomaalilaand, qarankii awoodda lahaa, ee isaga laga sugaayay haddaan wax wadi kari waayo inaan iska tago, laakiin in aan idinku soo jeesto, oo aniga iyo ragga aanu wax wadda haynaa aanu nidhaahno dadka aynu afduubano, way inoo dihin yihiine, waxba garan maayaane aynu afduubano, aniga iga suuro geli mayso laakiin mid iga dambeeya ayaa yeeli doona. hadii aanu dadku garaad siyaasiya oo bisil lahayn oo aanu isagu awooda uu leeyahay isticmaali karin dimuqraadiyaddu socon mayso”.

COMMENTS
LINKS