U Fiirso: Tilmaanta Uu Bixinayo Qoraal Ku Qoran Walxo Diyaaraddi Ku Soo Gantay Dhul Ka Mid Ah Somaliland Oo Olol Iyo Dhawaaq Dheer Sameeyey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
U Fiirso: Tilmaanta Uu Bixinayo Qoraal Ku Qoran Walxo Diyaaraddi Ku Soo Gantay Dhul Ka Mid Ah Somaliland Oo Olol Iyo Dhawaaq Dheer Sameeyey!
February 15, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa,(Wajaalenews) Walxo aan la aqoonsan oo ay diyaaradi Cirka ka soo gantay oo dhaliyey olol iyo dhawaaq dheer oo cabsi galiyey dadweynaha ayaa toddobaadkii hore ku soo daatay deegaanka Laanta-qalloocan oo Koonfur-Galbeed ka xigta magaalada Balli-cabane oo ka tirsan gobolka Hawd.

WALXAHA-LAANTA-QALLOOCAN 1

Dadweynaha ku nool deegaanka Laanta-qalloocan oo Wargeyska Himilo la xidhiidhay, ayaa sheegay in dhacdo layaab leh la kulmeen. “Goor gellin danbe ah oo cadceedu sii dhacayso ayaa diyaaradi na soo dul-martay, ka dibna mar keliya ayey wax nagu soo tuurtay iyadoo samaysay sanqadh weyn oo aad qarax mooddo iyo olol ka kacay dhulka halkii waxaasi ku dhacay. Laakiin, wax khasaare ah ciddna umay geysan haddii ay tahay dadka iyo xoolaha toona, markii aannu tagnay goobtii ay ku soo dhaceen wixii diyaaraddu soo tuurtay, waxaannu ku aragnay waxyaalo badan oo aannu garan weynay, balse waxa wixiiba meeshii ka soo uruuriyey oo qaaday Maamulkii magaalada Balli-cabane.” Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah dadkii deegaanka walxahaasi ku soo dhaceen ku dhawaa ee goobta tegay oo Wargeyska Himilo u warramay.
Guddoomiyaha gobolka Hawd Ibraahin Xasan Cali oo Wargeyska Himilo khadka Taleefanka kula xidhiidhay, waxna ka weydiinnay dhacdadan, ayaa ku jawaabay; “Dadweynaha ayaa markiiba nala soo xidhiidhay oo noo sheegay in diyaaradi wax ku soo daadisay aanay garanayn, sidaas awgeed ayaan u diray Maayerka magaalada Balli-cabane, isna wuu tegay oo wuu soo xaqiijiyey, waannu soo uruuriyey walxihii oo wuu soo qaaday, waxaanu soo kaxeeyey dadkii goob-joogga ahaa, kuwaasoo noo sheegay inay arkayeen diyaaradda walxahani soo gantay iyo ololkii ka baxay markii walxahani dhulka soo gaadheen iyo shanqadhii ka baxdayba.”

WALXAHA-BALLICABANE 2
“Intaas ka dibna waxaannu u soo gudbinnay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana la gudo-galay in baadhitaan lagu sameeyo walxahaasi, illaa haddana maannu helin natiijada baadhitaankaasi, waayo? baadhitaankii ayaa wali socda.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Hawd oo jawaabta su’aasha kor lagu weydiiyey sii watay, waxaanu intaas ku daray oo uu xusay in baadhitaan hordhac ah oo ay la kaashadeen khuboro aqoon u leh oo walxahan ku sameeyeen ku ogaadeen in aanay walxahani dhibaato u lahayn dadka, Xoolaha iyo deegaanka toona, balse tilmaamaha ku qoran qaarkood muujinayaan in walxahaasi yihiin qalab Ciidan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo gacanta ku haya hawsha baadhitaanka walxahani aan la aqoonsan oo aannu isku daynay inaannu la xidhiidhno oo aannu wax ka weydiinno halka ay marayso hawsha baadhitaanka walxahani aan la aqoonsan iyo diyaaraddii soo gantay dalka laga lahaa iyo inay Xukuumad ahaan hore hawlgalka diyaaraddaasi wax uga sii ogaayeen, ayaanay noo suurto-gelin inaannu helno, ka dib markii uu Taleefankiisa gacanta oo aannu marar badan wacnay naga qaadi waayey ama naga qaban waayey muddo laba maalmood ah, jawaabna lanaga siin farriimo aannu u dirnay, mararka qaarkoodna uu xidhnaa taleefankiisu.
Walxahan aan la aqoonsan ee diyaaradda aan la garaneynin ku soo gantay deegaanka Laanta-qalloocan, ayaa la sheegayaa inay yihiin walxo Ciidammada Cirku isticmaalaan.
Intaasi kaddibna Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland oo aannu la xidhiidhnay si aannu wax uga ogaanno waxaannu khadka taleefanka kala hadalnay labada Guddoomiye ee Guddi-hoosaadyada joogtada.
Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo aannu wax ka weydiinnay ayaa ku jawaabay; “Waxba kalama socdo oo waxba kama ogi, Wasaaradda Arrimaha guduhuna waxba nagumay soo wargelin, balse wuxuu waajibku ahaa in haddba wixii soo kordha Golayaasha Qaranku ka wada socdaan.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka jawaabayey su’aasha aannu ka weydiinnay waxay Guddi ahaan kala socdaan walxahan diyaaraddu daadisay, waxa uu ku jawaabay; “Waxba kama ogin, oo Golaha Wakiilladu kama war-hayo, Wasaaradda arrimaha guduhuna waxba noomay soo sheegin, ee waa ii maqalkiinna.”
Deegaanno kala duwan oo dalka Somaliland ka tirsan sida deegaanno ka mid ah gobolka Hawd oo Balli-cabbane ku jiro, degmada Sheekh ee gobolka Saaxil iyo kuwo kale, ayaa hore looga helay waxyaabo Diyaarado sidan oo kale ugu soo daadiyeen, waloow ay kala duwanaan karaan, haddana midna ma jirto natiijo sax ah oo ay dawladdu ka soo saarto, keliya waa la baadhayaa, ayaa lagu dhaafaa, halka meelaha qaar waxyaabaha diyaaraduhu ku ganaan ay burburaan, kuwaasoo walxo caafimaadka deegaanka, dadka iyo duunyada ku dhaqan-ba dhibaatayn kara.

 

COMMENTS
LINKS