TOOYASHO IYO TOOGOBEEL: Gabay Abwaan Sacad Ku Cabiray Siyaasadda Qabyaaladda Ku Dhisan Iyo Saamaynta Taban Ee Ay Ku Yeelatay Bulshadda Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TOOYASHO IYO TOOGOBEEL: Gabay Abwaan Sacad Ku Cabiray Siyaasadda Qabyaaladda Ku Dhisan Iyo Saamaynta Taban Ee Ay Ku Yeelatay Bulshadda Somaliland
February 13, 2015 - Written by Editor:

Gabaygan tooyasho iyo toogobeel waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee  ay ku yeelatay bulshadda Somaliland, sida  ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahiba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaran oo ka guuran geeddi dheer. Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da dhinaca qaafiyadda,  waxaana ku jira in ka badan 500 oo ereyada Xarafka ta-da  ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasi oo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaal koodu yaraday in dhawayd; gunaanadka beydadka gabaygani waa duco,macnaha ereyadda ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhamaadka gabayga.Taariikhda:

Abwaan-Sacad-Roodhiile-

Cinwaanka Email: saadroodhiile@gmail.com

 

  1. Tixdii gabay beryahan maan tisayn,tuducyo dhaadheere
  2. Tigraar aan u dhigay waa hora, weli ku taagnaaye
  3. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
  4. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  5. Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay
  6. Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane
  7. Kolkii gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane
  8. Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay
  9. Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keenye
  10. Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey
  11. Meeshaan kolkii hore taglaa, tahan kolkaan dhaafay
  12. Tabaabushe anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye
  13. Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin
  14. Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi
  15. Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni
  16. Anigana tallaabadan dhuftaba,gabay i soo taabye
  17. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
  18. Afartaasi arartii tix-maal, togonkii ma u taagay
  19. Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe
  20. Tog-wajaale ilamaa taleex, golliska buur teedsan
  21. Badda xeeli taagyada sanaag, tokhoshi baasheeda
  22. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
  23. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  24. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
  25. Beershiyada iran tehran kuwaa, tuunis ku tacliima
  26. Badhkaa ganacsi taylaan u tagay, shiine iyo taywan
  27. Hiroshiima tokyiyo jabaan , moodhadhka tayoota
  28. Taaj-mahaal buumbayda hindiya, taamil sari laanka
  29. Talaabib iyo falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo
  30. Tennesiida maraykaan degiyo, beerihii taksaas
  31. Taliska quruumaha midoobay, tawarkii niyuuyok
  32. Togga webiga minasoota mara, tiimanka shikaago
  33. Niyuu jersii dheegay ku taal, tarenton caasimadda
  34. Xaruntaa tubeeka ee kansas, taaga koloraado
  35. Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay
  36. Mantoonana samiirow dhex tegay, buuraleey taxane
  37. Tallahaase faloriida iyo, joorjiya atlaanta
  38. Talyaaniga faraansiyo turkiga, jaalyaddii toronto
  39. Tirana iyo albaaniyada yurub, tanaladii noorway
  40. Tijagistaanida bari xigtee, tidicii ruush goysay
  41. Iglan goobta tootanham iyo hitrow, tagsigii biristool
  42. Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay
  43. Tansaaniya yugaandhiyo kiinya, toogo iyo maali
  44. Badda tooxle marinka jabuuti, ticisidaa yamani
  45. Itoobiya tigreega maqale , taana hara buuxa
  46. Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxdaase
  47. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
  48. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
  49. Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam
  50. Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe
  51. Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo soo maaxday
  52. Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay
  53. Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay
  54. Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye
  55. Waxaan taw guraa sidii amxaar, tiisi ma u raacay
  56. Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay
  57. Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay
  58. Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?
  59. Wuxu yidhi ta-da gabay turqaday, bixi tafaasiisha
  60. Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban
  61. Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye
  62. Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone
  63. Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye
  64. Marbaan idhi qallooc toosahayn, qalinka meel tiiri
  65. Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye
  66. Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin
  67. Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde
  68. Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruudde
  69. Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye
  70. Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo
  71. Wuxu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan
  72. Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey
  73. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  74. Afartaa tammuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray
  75. Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo
  76. Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane
  77. Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin
  78. Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini
  79. Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey
  80. Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan
  81. Xisbiyadan qabiil shaadhki tolay, tamarna aan yeelan
  82. Xisbiyadan ragii talin lahaa, tabashadii guuray
  83. Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay
  84. waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane
  85. Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday
  86. Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e
  87. Saddex taban mataanaysee ucid, waa tafiir qudha e
  88. Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e
  89. Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay
  90. Cidlay kaaga tegi maalintii, tooda gaadhaane
  91. Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo
  92. Sow cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalaay maaha?
  93. Wax tar malee qabyaaladde dadkay, kala tagsiisaaye
  94. Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene
  95. Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badane
  96. Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere
  97. kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane
  98. Tartan iyo hungurii kama hadhaan,tirsi ma daayaane
  99. Tuur iyo tarbiico isku yeel, tahar ma gooyaane
  100. Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane
  101. Middi middi ku taag iyo qabiil, taxadka gaadhsiiye
  102. Dadku inuu kasoo taagan yahay , taasna ya u sheega?
  103. Ma tognee hankaad damac tidhaa, waa tabceeyaane
  104. Ma toosne waxaay taabbagalin, taal horoo yaale
  105. Ninkaan taano lacag buuxa hayn, foodki ka tasoobay
  106. Tirtirsigii siyaasadan ligligan, la isku taag sheegtay
  107. Tiigaalid dheer iyo himilo, qaran tubtii waaye
  108. Taamilo kulmiye kuugu filan, turun-turoontiiye
  109. Tahlid waaye shirweynihii xisbigii, ugu tun waynaaye
  110. Tusmo iyo qabiilkii ergadii ,tuurta lagu qaatay
  111. Waa kaa la tiictiici weli, socodka taag waaye
  112. Tamuuxaay ka badan yihin ragay,tacab qasaarsheene
  113. Faro madhnaan inay taagan yahin, tollaw yaa u sheega?
  114. Tastuur xeer u yaal kuma dhaqmaan,waa tarjumad beene
  115. Kolba hebelka badhi taarayaan, loo tartar jeexye
  116. Turub iyo ciyaar tiro-mutuxan, teeriskii badiska
  117. Marna laba tagoogod may is duldhigin, tamani goodiiye
  118. Toobalcaare dimuqraadigiyo , tuhunkan beenoobay
  119. Sidii dhidar badh ay toociyeen, taas ma loo joogay?
  120. Bal aan taabto halkay boogtu taal, waad i tebayseene
  121. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  122. Maah-maah tiraabtii rag hore, taan ka soo gaadhnay
  123. Saddexdii ragga u tayo xumaa, tiro ka saareene
  124. Ma toshaha ma tashade iyo nimaan, kuu tashiilayne
  125. Saddex kaa tirtira madaxtinimo, taabideediiye
  126. Gacan gudhan dadkana aan wax tarin, tiyo ilaah siiyey
  127. Gudoon jilicsan taladii saxoo, teeda garan waydo
  128. Garta eexo tiiyood dulmiga, xumaha taageerto
  129. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  130. Tuduc kalena waxaan toogahayn, tagrifal koodiiye
  131. Hore tuug hadduu baraq nuglaa, cararka tuuraayey
  132. Habeen yimid tiriig wayn mid sidan, toos u soconaaya
  133. Dhulku taakin buur iyo bannaan, tafaqsigii roorye
  134. Tulud geel ma deeqaan taggani, tuushe xoolaha e
  135. Taaloog intuu goostay madax, kaa tun waynaaye
  136. Turuq wayn ma yeesheen nimaan, taadu saacidine
  137. Hadduu jaqafta toorrey ka siin, gacanta loo taagin
  138. Toojo ba ninkii maali jiray, wuu todraac garane
  139. Bal tabtaad ku qaban sheeg hadduu, kaaba tagi waayo?
  140. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  141. Afartaa siduu taangi riday,ma iska daba tuuray
  142. Afar kalena waa teeri gabay, tabobar kaygiiye
  143. Tuduc kale tilmaan waxaan holladay,taan u wada joognay
  144. Tagto hore mid taariikh dhacdiyo, tani hadeer taagan
  145. Dawladnimadda tiir waxaa dunshaa, tacaddi weeyaane
  146. Dad cadhooday dhagax tuur haddaan, toogo laga baajin
  147. Tarab-tarabka shicibkaa udhiman, lagu tacshiireeye
  148. Yaa bixin tacriiftii cashuur, tarango weeyaane?
  149. Haddii teello loo dhigan nafaha, taas mayeedheene
  150. Tiiranyooday dhibaatadan dhacde,turuqday laabtiiye
  151. Tacsi gabay togdheer waani diray, dhiigi tifiqleeyey
  152. Tubtay qaaday taniba ka daran, tawraddii hora e
  153. Askar tuuto xidhan oo wax miri, taas ma loo joognay!
  154. Ma tumaatiyin reer iyo nimaad, hebel tidhaahdaane
  155. Nin waraabe taagyadan arkaa, taash ma saareene
  156. Waa taallo beenaad kolkaan, toosh iftiin shido e
  157. Qof hadduu tabiino uu lahayn, tabar yar ood sheegto
  158. Tahna uu abaalkii ka guddin, shicibki taageeray
  159. Oo weli annaa taagan odhan, taniba waa yaabe
  160. Madax jecel tahniyad iyo ammaan, loo durbaan tumaye
  161. Turufoole yaal qayladiyo tookh, tunbuur yar moodayso
  162. Oo tawtawda hadal aan wax tarin, tiil ku dhimanaaya
  163. Tunbul reero maqashiinta qaw, taas ma loo joogay?
  164. Tacluusta qabyaaladdan fidiyo, tiih bulshadii haysta
  165. Qudhun huursan hogaan naga tirtira, tallow ayaa sheega?
  166. Tobanaan kan kune wada sharaxan, tooyashiyo reero
  167. Tabyaqaan siyaasiya lawaa, tammadin raac naaye
  168. Sidii timir xabaal taal hadday, kaa tukaansaniye
  169. Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye
  170. Tuulo tuulo reeraha u shiray, taas ma loo joognay!?
  171. Samatarow dad toodibo aan qabin, dabinka loo taaray
  172. Oo taxadder foojigo war helin, talada gaadhsiine
  173. Tijaarada haddii maalgashiga ,tuubo lagu nuugo
  174. Tabqasee dhaqaalaha fagmiyo, taddawur kaa baaqday
  175. Xukun iyo awood tasarrufkii, taas ma loo joogay!
  176. Tacliintay dhigtaan jaamacado, kuma tanaadiine
  177. Tacabkii dhaqaalaha ku baxay ,dayr la taagaayo
  178. May ku taamin tiro-koob shaqada , inay ka tiirshaane
  179. Saxaraha tahriib dheer hayaan, taniyo tiribooli
  180. Talyanigaa u sii dhaafayaan, yurub intay tiigsan
  181. Tahluukadii badweyn lagu haligay, taas ma loo joogay!
  182. Doorasha shinkeed taagan yahay, tebis hadduu mooday
  183. Sow ma tirino talaatiin bishii, tahanta aan guurno?
  184. Teeraanka ciyaar lagu tartamo, teesaro diyaarsan
  185. Tabkac kordhintii guurtida la sugo, taas ma loo joogay!
  186. Ninka foojignaa sida Tukaha, tuuryo lala waaye
  187. Goortuu tabaysigii tashaday, garay tabtoodiiye
  188. Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay
  189. Tiiftiifka hirigtay marsheen, taas ma loo joogay?
  190. Taakh hore ragii cadho takh yidhi,ciil taftaafeene
  191. Tamayuluq rag tii hore bursaday, taas ma loo joogay?
  192. Ninkaan galin turaabida wathtigu, wuu is tarayaaye
  193. Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo
  194. Tincad qodax gabowda tifbay, kaaga sii tagiye
  195. Mujin iyo taqsiin maalin qudha, loo tacaal badiye
  196. Tiyoo ruuxba ruux uu tasayn, taas ma loo joogay?
  197. Tifiiyadda dadkani taaganee, tororog laynaaya
  198. Ee tuban habeen iyo dharaar, timocaddii odayo
  199. Tiiqtiiqsi dhiiliyo colaad, tamadac weeyaane
  200. Tafantaaca hadal riiq taraa, toobbonaan malehe
  201. Taageeraday labo gacmood, tahan ku yeeshaane
  202. Taharow tiknoolajiyadaa, loo tartamayaaye
  203. Dalkeena wax badan tooyad reer,temmin ku miisaanay
  204. Tarwadhid qaran kolkii uu ku jira,waan tin guranaaye
  205. Maadhiin ina tuyuubow adduun, tooman weeyaane
  206. Foodkii kuwii naga tirtiray, wacadna noo toosin
  207. In tahniyad abaal looga dhigo, taas ma loo joogay?
  208. Afka tolan saxaafada la tigay, qufulka loo taagay
  209. Garsoorka tarxiil loo jarriyo,xukun tahbiib yeedhin
  210. Tarshad ceebay qarankii ku tahay, tiimbaro go’iine
  211. Kolba nimankan tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  212. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tabayseene
  213. Afartaa tacliiq gabay baxshiyo, taan u soo joognay
  214. Tuduc kale tagxeel fikir u dhigay, tawlanaan gabay dhe
  215. Marbay fari tog-dheer kula xushaa, tiigsi kaa dheere
  216. Marna taako kuu joogsataa, gacantu taabtaaye
  217. Marbaa xadhig taxii kaa murgaa, togidda diidaaye
  218. Marna tidicyo dheer kuu mudhaad, aad tafniidaaye
  219. Marbaad orodka taw aad tidhaa, taag ku soo celine
  220. Marna tawsta ciil kugu gudhaa, taag yaraataaye
  221. Marbaad tadhaq nin raga aad u dishaa, taada biiyaaye
  222. Marna geesi tabantaabisaa, toogada awdaaye
  223. Marbaad hilinka toobiye heshaa,iyo hoggaan toosan
  224. Marna hantaaq taraaraxa dib dhici, tootiro habaare
  225. Marbaad taqwoda iimaanka xoog, lagu tijaabshaaye
  226. Marna dunidan sidaan laga tagayn, taab ibliis cadawe
  227. Marbaad taad u dhaqaaqdaba danta, aad tudhsiisaaye
  228. Marna talaabo shay kuu jiraad, taabka gaabnaane
  229. Marbaad toggag barwaaqa ah dagtaa, midhaha tuushaaye
  230. Marna tafantoof cayd iyo haraad, gali tahriib dheere
  231. Marbaad dawlad taag weyn toolmoon,qarankii taabiciye
  232. Marna tuulo reer kiinu yaal, taaj yar kuu toliye
  233. Talanteel adduunyaa ku dhisan, taxad ilaa fooqe
  234. Ninka tiirka eebbe cuskadaa, tooggo-beel gaadhye
  235. Ku tuntuunso diintii islaam, tani intaan joogto
  236. Afartaa murtida taabagala, tax iyo weegaar dhe
  237. Tuduc kale ducadii toobad doon, eebbe tu’an tuugnay
  238. Eebbow calankan tawxiid ku yaal, dawladnimo taama
  239. Eebbow tafaafulka qabyaaladdu, tafarruqay keentay
  240. Eebbow qaranka towfiiqda maqan, tanaasul la waaye
  241. Eebbow tagaabodii na sii, tawakalkii raacnay
  242. Eebbow tusbaxan waxaan u rogi, waa tasbiixdaaye
  243. Eebbow tafsiirkiyo quraanka, nagu talaal laabta
  244. Eebbow taxliil awliyo dhigtiyo, geesi la tilmaanto
  245. Eebbow talaammiidan badan, tacabbir yaaceene
  246. Eebbow tufaaxaan tirsano, takliif soo yeedhe
  247. Eebbow ninkii taag yaraa, uma tudhaayaane
  248. Eebbow caddaaladdi ma taal, kuway taxaabeene
  249. Eebbow tahdiid cago jugladaa, gure taqsiir baase
  250. Eebbow badhbaa taariigoo, tayga soo xidhane
  251. Eebbow dhaar tallaahida guraan, taa’ib laga waaye
  252. Eebbow aday taada tahay dunidan, taagan amarkaaye
  253. Eebbow tamcaarodii baryada, ducada noo tiiri
  254. Eebbow miskiin badh aan taakulayn,toob u soo xidhaye
  255. Eebbow musheekh tabarruc badano, taqiya oo fiican
  256. Eebbow takbiirtiyo dikrigaa, taajud kuu gaara
  257. Eebbow tarbiyo iyo akhlaaq, dhawr taafiirtaayo
  258. Eebbow tabaalaha adduun, talaf ha noo keenin
  259. Eebbow ma tirin karo nimcadaa, taala dunidaaye
  260. Eebbow salaadaanu tukano, tiirkan ku hanuunay
  261. Eebbow danbigii toobay nidhi, khayrkii nagu toosi
  262. Eebbow khayraadkan tuushay dhulkani,taraqi weeyaane
  263. Eebbow tuubo caano ah na sii, lama tahriibeene

Aamiin, aamiin

Cinwaanka

Email: saadroodhiile@gmail.com

 

DHAMAAD

 

COMMENTS
LINKS