Telefiishanka Qaranku Sawir Nooceeya Ayuu Ka Gudbiyaa Xukuumada? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Telefiishanka Qaranku Sawir Nooceeya Ayuu Ka Gudbiyaa Xukuumada?
February 8, 2015 - Written by Editor:

Isha kaliyaata Ee umada war gelisa una bandhigta, gudbisa wax Qabadka xukuumada ayaa runtii ah telefiishanka qaranku leeyahay oo runtii U xilsaaran isku xidhka umada iyo xukuumada.

Hadaba marka xukuumadu si wayn ugu hagar baxdo Telefiishankeeda budget ka ay uqoondeysayna yahay mid dhan WALBA ka dhisi karaya telefiishanka,Lakiin noqdo mid dhan WALBA ka DUMIYAY telefiishankii QARANKU LAHAA AYAA runtii AH wax AAN aad ULA yaabey.

SAWIR qaadista telefiishanka AYAA runtii ah mid tayadiisu aad U liidato, codaynta AYAA IYANA AH mid anaad dhegahaba siin kareyn.

Horumarka somaliland gaadhay telefiishanka qaranku ma aha mid umada U muujin kara SABABTOO AH SAWIR saafi AH malaha oo xataa quruxda wadanku LEEYAHAY ee DEGAAN LEH, mi’yi LEH iyo maagaaloba LAGAMA dheehan karo telefiishanka qaranka.

Telefiishanka QARANKA shaqaalihiisu FURSADO BADAN AYAA helaan oo ka mid TAHAY seminaaro aad U BADAN oo ay AHAY in tayada iyo aqoonta shaqaalahaba labadaba in aay KOR ugu QAADAAN, LAKIIN hoos U DHAC UUN beey ka kororsadaan.

Anigu SHAKHSI AHAAN markaan EEGO wax YAABAHA iyo ilaha ka kowda AH dhaliilaha xukuumada ee umada ka fogeeyey WAXAA ka KOW AH telefiishanka qaranka. WAXAAN QABAA in telefiishanka qaranku la mid YAHAY ra’iislaha oo kale WAAYO ra’iislaha shaqadiisu waa in QOFKA UU qurxiyo oo tinta UU ka jaro halkaas oo qofku MARKUU ka BAXO BULSHADU il kale ku EEGTO IYAGOO markaba dareema isbedelka, LAKIIN HADII ra’iisluhu timaha UUN kuu maydho isagoon timaha kaa jarin oo UU kuu feedho uun maxuu kugu kordhiyey. Hadaba WAXAA SIDAA ka dhigan budget ka XUKUUMADU U astaysay Slntv OON WAXBA ku celin una SHAQAYN SIDII LAGA RABAY oo run AHAANTII ku dhaliilaayo in SHAQO XUMI doodu TAHAY halka

Saxaafad AHAAN wiiqitaanka BADAN iyo dhaliilaha UGU soo jiida XISBIGA iyo xukuumada aay TAHAY Slntv.

Umada WAXAA LAGU hantaa madadaalo iyo barnaamijyo wax ku ooleh KUWAAS oo ka YEELA in UMADU aad UGU xidhanto xukuumada, LAKIIN barnaamijyada ka BAXA slntv AYAA AH

 

1- QAAR aad moodo inaan LAGABA baran DEGIN

2- wariyeyaasha OON LAHAYN khibradii wareysi, oo AH HANAANKA iyo asluubta HADALKA LAGALA wareegayo ashkhaasta aay soo casuumaan iyago SI ADAG INTA BADAN UGA DHEX gala qofkoo WATAA hadalkiisa AMABA SI TOOS AH U YIDHAA soo gaabi iyadoon asluub iyo ANSHAX wacani ku dheehneyn.

3- masraxa oo mar WALBA AH mid AAN IFTIIN BADAN LAHAYN oo AH MADOW AAN qurxooneyna.

4- DHINACYADA kameradaha LAGAGA qabanayo oo mar WALBA dhinac U BADAN oo “angle”KALIYA AH.

5- tayada sawirka oo aad u liidata taaso ishu AANAY ku raaxaysan kana yeesha nooc WALBA oo U xiiso BADNAA barnaamijku in UU noqdo mid eber AH WAAYO sawirku waa shayga U HOREEYA ee ka YEELA daawadaha in UU daawado XATAA HADII AAN macne BADAN LAHAYN barnaamijkaasi.

 

Run ahaantii masoo koobi karo dhaliilaha tiro BEELAY ee telefiishanka qaranka waxaanan KUSOO KOOBAYA muraayada qaranka SI WAYN wax ha looga qabto

 

ADEN ABDI DAHER

COMMENTS
LINKS