Talladii Siilaanyo Iyo Faysal Cali Waraabe Lix Sanno Ka Hor Iyo Meertada Maanta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talladii Siilaanyo Iyo Faysal Cali Waraabe Lix Sanno Ka Hor Iyo Meertada Maanta
February 17, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews)- Amintan aminteedii lix sanno ka hor waxay Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe oo ahaa hogaamiyayaashii labada xisbi mucaarid, waxay dagaal adag kala hor tageen muddo kordhin loo sameeyay madaxweynihii hore, isla markaana waxay ku tilmaameen in aanay aqbalaynin.

siilaanyo iyo faysal

“……… wixii la wada gaadhay oo dhan way ka boodeen oo waxay ku khasbeen hogaankii golaha guurtida in uu deg deg u soo dhigo oo ay ku dhuftaan mudo sannad qaadanaysa kordhintii madaxwaynaha maanta jooga, taasina wax suurtoobaysa maaha, sharciga ayay ka soo horjeedaa, maslaxada ayay ka soo hor jeedaa, taariikhda Somaliland oo dhan bay ka soo horjeedaa, waa baabi,in dalka iyo Umada ah”, sidaa waxa yidhi Madaxweynaha maanta Axmed Siilaanyo, lix sano ka hor, waqtigaas oo uu ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo amintaa mucaarid ahaa. Waqtigaa Axmed Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayay wuxuu abaabulay mudaharaado waawayn oo uu kaga soo horjeeday muddo kordhin loo sameeyo Daahir Rayaale.

Xilligaa labada xisbi mucaarid waxay ahaayeen Ucid iyo Kulmiye. Waxay isu kaashadeen ka hor taga muddo kordhintii loo sameeyay madaxweynihii hore, weliba madaxweynaha maanta Axmed Siilaanyo wuxuu ku adkaa, in muddo kordhintu sideedaba tahay, astaan keli talisnimo oo lid ku ah dimoqraadiyadda.

Faysal Cali Waraabe isna dhiniciisa weedhihii waqtigaa laga duubay ee dhigaalka ku jira wax aka mid ahaa oo uu yidhi; “Waxa weeyaan waa dawlad bilaa sharci ah waxaanu nahay sadex xisbi oo tartamaya haduu xisbi iska samaysto muddo kordhin anigu waxaan ku talinayaa hadaan faysal ahay in aanu anaguna dawlad samayno oo labadayada midkood madaxwayne u yahay waliba aan ka codsanayo aniga siilaanyo ina uu ii daayo “.

Xaaladdani mar kale ayay maanta hor taagan tahay socodka dimoqraadiyada Somaliland. Mar kale ayay u eg tahay inuu u baahanyay hogaamiyihii shalay markuu mucaaridka ahaa u halgamayay koriinka dimoqraadiyaddu.Hase yeeshee waxa la eegayaa, Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo siduu maanta yeelo.

COMMENTS
LINKS