Suxufi ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo todobaadkii Labaad u Jiifa Xanuun kusoo Booday iyo Masuuliyiinta Xukumadda oo indhaha ka Qarsaday Xaaladiisa Caafimaad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suxufi ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo todobaadkii Labaad u Jiifa Xanuun kusoo Booday iyo Masuuliyiinta Xukumadda oo indhaha ka Qarsaday Xaaladiisa Caafimaad.
February 11, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wariye Siciid Faarax Cagjar oo ka mid ahaa Suxufiyiintii Idaacaddii Radio Horyaal ee ku hadli jirtay Afka Xisbiga Kulmiye haatan ka Tirsan Wargeyska Dowladda ee Dawan Media Group ayaa todobaadkii labaad xaaladda Caafimaad u jiifa Cusbitaalka Adna Aden Hospital ee Magaaladda Hargeysa.

wil1(1)

Suxufi Siciid Faarax Cagjar ayaa maalintii Arbacaddii ee todobaadkii hore la dhigay Qaybta Adeega Deg deg ah (Emergency)ee Cusbitaalka weyn ee magaaladda Hargeysa balse waxaa halkaasi looga qaaday kadib markii xaaladiisa caafimaad waxba looga qaban kariwayay waxaana loo wareejiyay cusbitaalka adna aden Hospital.

Xaaladda Caafimaad ee Wariye Siciid Faarax Cagjar oo ah mid aad u liidata isla markaasna u baahan in dalka debediisa loo wax looga soo qabto sidda ay ku taliyeen Dhakhaatiirta Xaaladdiisa Caafimaad gacanta Ku hayay muddaddii uu xanuunsanayay.

Balse Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee uu ka Tirsanaa ayaan wali xitaa masuuliyiinteedu booqasho ugu tagin Wariye Siciid Faarax Cagjar halka Wasiiro kale oo xaaladdiisa Caafimaad loo bandhigayna ay indhaha Ka qarsadeen xaaladda Wariye Siciid Faarax Cagjar.

Ehelka iyo Qaraabadda uu kasoo jeedo Wariye Siciid Faarax Cagjar ayaa ku kaliyaystay Waxka Qabashadda Xaaladda Caafimaad ee Wariye Siciid Faarax balse ilaa hadda ma jiro doorkii laga filayay Wasaaraddda Warfaafinta iyo Guud ahaanba Xukumadda Somaliland ee daryeelka shaqaalaha dowladda .Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Ilka Case iyo guddoomiyaha Wargeyska Dawan Media Group Mudane Maxamed Cismaan Mirre Sayid ayaan xitaa booqasho ugu tagin Wariyahani oo xaaladdiisa Caafimaad liidato mudadaasi.

COMMENTS
LINKS