Suldaan maxamed Arinka Berbera ee uu ka Hadlayo Milgihiisa may ahayn, Waanuu ku Qaldan Yahay ,Waxa kaluu ku Gefey Bulshada Reer Saaxil iyo Guud ahaanba Ummadda S/land. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan maxamed Arinka Berbera ee uu ka Hadlayo Milgihiisa may ahayn, Waanuu ku Qaldan Yahay ,Waxa kaluu ku Gefey Bulshada Reer Saaxil iyo Guud ahaanba Ummadda S/land.
February 27, 2015 - Written by Editor:

Qormadan Maanta Si Kooban u Dul Mari Taariikhdii Beerta Suldaan Abdillahii ee Hargeysa:

lud

caaqil naqdiyay suldaanka guud

Taariikhda Saldanadda Guud ee Somaliland oo ku Suntan in Sannadlii 1722 Suldaankii ugu Horerey la Caleem Saaray, Suldaam Guleed Cabdi Ciise Sannadadii ( 1722-1782 ). Halka Suldaankii ugu Horeeyey ee Hargeysa lagu Aasayna uu ahaa Suldaan Hassan Suldaan Sukdaan Faarax Suldaan Guleed ( 1782-1785 ). Dulucda iyo Halka aan u Socday, Haddii aan Abbaaro   Waa Cahdigii Isticmaarkii Ingiriisku uu Dalka uu Haystay Gaar ahaan Xiligii Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diriye Suldaan Faarax (1942-1967 ).

Beerta Suldaanka – Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ( Hargeysa ):

Qormadaydan Maanta Dhawr Meelood ayaan Doca docayn Doonaa oo Iskug jira Taariik iyo Tilmaan, Dan Guud oo Dal iyo Lexejecladiisa iyo Sida ay igu Muuqato Jiritaanka Somaliland.

Beerta Suldaanka iyo Xafiiska DC ga Ingiriiska, Dooxa Hargeysa ayey Waqooyi iyo Konfur kaga kala yaaleen, Qadar kun Tallaaba ayaa u kala Dhaxaysay. Wakhtigan uu Xilka Suldaanimo uu Hayey iyo Muddo Dheer oo Ka Horeysay oo Ku-Sime ahaa Suldaan Cabdilaahi, Kuna Beegneyd Wakhtiyadii Qaaradda Afrika ay Gacanta Isticmaarka ay ku Jirtay, Sida Ambassador Axmed Maxamed   Adan ( Qaybe ) Allaah Yarxamu uu Qoraal Dhigidii Somaliland iyo Suldaan Abdiliahihi uu ku Sheegay, Suldaanku Ma Daneyn Jirin ag Jooga iyo Xafiis Tegista Gumaystha Dalkiisa ku soo weraray!!! Suldaanka ayaa Beertiisa Ingiriisku ugu iman Jiray ama uu Cid u Diri Jiray!!

Dhacdada Kale ee Tilmaanta Mudan, Oday Siciid Gees oo Saaxiib Dhaw ay Wada Ahaayeen Cabdiqadir Suldaan Cabdilaahi, Wuxu Yidhi waxanu ugu Tagnay Labadayaduba Beerta. Wiilkiisii Cabdiqadir ayaa Su’aal Weydiiyey ahayd ,, Aabbo Maxaad Waxkasta oo Ingirisku kuu soo Jeediyo ugu Jawaab Celisaa Maya!!! Wuxuu Suldaan Cabdilaahi Wiilkiisii Ugu Jawaabay, Aabo Gaalku Waa Khiyaamo Badan Yahay, Mana Aqaano Afkiisa, Idinku Marka aad Xilka Saldanadda Qabataan, Wax la Qabsada!! Waa Suldaan Caadil ah iyo Dhaqankii.

Ergay Gaar ah:

Waxan Golahan Sharafta Mudan ee Qoraalkan aan Wadaagno, aan ku soo Dhaweynayaa Shakhsiyad aad igu Qiimo Badan, Waa Wiilka aan Abtiga u ahay, Duriyaddii Aabahayna Wiilkii ugu Yaraa, Waa Hassan Ahmed Ibrahim Dirir Min Mawaalid 01/10/2009. Waxan Martinimada Hassan Ku Xusayaa Inaadeerkay Darwish Cabdi Xaaji Aadan ayaa Khamiis Kasta Shirka Beerta Suldaanka i geyn jiray ilaa 6 Jirkaygii, Sidoo Kale Hassan Yare iyo Faciisa Reer Somali land ayaan Mustaqbal Wacan u Rajeynayaa, Waxan Dhiirigelinayaa in Jiilka Soo Koraaya in Golaha Bushada laga Maamulo in lagu Barbaariyo, Si Jiil Saalixa looga soo Saaro.

Beerta Suldaanka ee Hargeysa:

Beertu Caam ahaan Waxay Ahayd Hoyga Hoggaan Dhaqmeedka Somaliland, Waxay ahayd Bar Kulanka Bulshada Dalka Waxgaradka,Ganacsatada. Aqoonyahanka iyo Rayidkaba. Waxa ka Hawl geli jiray Xeer Beegtiga iyo Dadka Samo Taliska ah. Waxa Beerta Suldaanka lagu Marti Gelin Jiray Dadka Socotada ah ama Danaba Hargeysa ka soo Gasho. Waxa Beerta Sulaanka, Maalinta Khamista, Khamiis Walba Galinka Danbe layskugu Iman Jiray oo Beelaha Deegaanka iyo Martida Dalkuba Ku Kala War Qaadan Jireen, Beerta Waxay ahayd Hoy Dhaqan,Ka Awoow Ka Awoow aynu kala dhaxalnay.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir Suldaan Cabdilaahi – Suldaan Guud ee Beelaha Somaliland Al Muxtaram:

Haddii aan u laabto Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir, Marka Hore waa Suldaanka Beesha Cidagale Weyne, Marka labaadna waa Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland. Suldaan Maxamed Waa Boqor Waa Ina Boqor Cabdiqadir Awawgiina Waa Boqor Cabdilaahi. Taasi Awgeed , Waxa uu Naga Mudan Yahay Xishmad, Qadariniyo Xurmo Gaar ah. Balse Waa Bashar oo Wuu Qaldami Karaa!!! Arrinka Berbera ee uu ka Hadlayna Milgihiisa may ahayn, Waana ku Qaldan Yahay . Waxa kale oo uu ku Gefey Bulshada Reer Saaxil iyo Guud ahaanba Ummadda Somaliland. Waana Marka uu Doonaayo in uu Xalaaleeyo Dulmi Baaxad leh oo Ummadda iyo Dalka laga Gelaayo. Beelaha Cidagale Waa Beel Da’ Weyn oo 300 yrs Ku Abtirsanaysa Saldanad, Ciidan Boqor iyo Madaxnimo. Zamanka iyo Duruufaha 40 Sanno ee u Danbeeyey ee Dalka iyo Mandaqaddu soo Martay ayaa Afooyinkanna Sababay. Sida warbaahinta dalka ku qeexan,Suldaan Mohamed Suldaan Abdulqadir ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Dekeda Berbera ee ku Saabsan in Shirkado laga kirayn doono.. Waxaa uu Suldaanku Taageeray Ujeedada Xukumadda ee Salka ku Haysa in Maamulka Dekeda lagu Wareejiyo Shirkado Shisheeye ah. Waxaa uu Weeraray Suldaanku Bulshada Deegaanka Saaxil iyo Odayaashoda asaga oo u eedeeyey

oo ay si gaar ah ummada uga yeesheen.

Waa Inoo Qaybta Xigta

Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan

Ludvika   Sweden

COMMENTS
LINKS