|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Ayaa Si Adag Uga Hadlay Warar Been Abuura Warbaahinta Qaar Lagu Baahiyay
February 11, 2015 - Written by Editor:SUldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan oo kamida Madaxdhaqameedka somaliland ayaa ka hadlay warar been abuura oo warbaahinta qaarkamidihi ka faafiyeen isagoo ku tilmaamay mid ka baxsan anshaxa sixaafada ayaa War sixaafadeed uu soo saaray kaga hadlay arimo dhawra nuqulka midihi oo soo gaadhay SHAKABAKA WAJAALENEWS ayaa Wuxu u dhignaa sidan,
Bismilaahi RAXMAAN ALXAMDULILAAHI RABICALAMIIN
Walalayaal waxaa qoraalkan igu kalifay in an cadeeyo in aanay waxba ka jirin qoraalo dhawr ah oo saxaafada qaarkamida kusoo baxay Mudooyinkii udanbeeyay oo layga been abuuray ANIGOO AH SULDAAN ISMAACIIL SULDAAN CABDIRAXMAAN Waxaa baryahan danbe soo baxay dad aan ILAAHAY Ka cabsanayn Aakhiro in latagayana aan xisaabtaba ku darsan ay caadaysteen in ay Maalin walba been cad oo aan geedna loogu soo gabanayn ay Saxaafada ku fidiyaan, iyagoo cidaydoonaan ka fidiya wax ala waxay Doonaan ka sheegaya iskuna arka in ay wax wanaagsan oo magac iyo Sharaf ay helayaan. sidii qoladii ‘reer bini israail ee marka lagu Yidhaahdo Arlada Hafasahaadinina Odhan jiray manihi kuwo wax fasahaadiye ee waxaan nahay kuwo wax islaaxiya” Waxa kale oo iyana wax lalayaabo ah in masuuliyiin sixaafada Qarkamida ah ay gacan siiyaan dadka aan kor kusoo xusay iyagoo meel Kaga dhacaya waajibaadkii ka saarnaa masuuliyada ay hayeen iyo Dhawrsanantii mihnada sixaafada, Hadaba waxaan masuuliyiinta saxaafada leeyahay,walaalayaal waxaad Tihiin masuuliyiin umada xilka saaran yahay ee bal dib iskugu noqda oo Ficilka qaldan ku badala ficil wanaagsan Qodaladan iyagu caadaystay waxaan leeyahay hanoqonina reer bini Israailkii habowsanaa wixii hore ee aad ka been abuurteena madaxdana Waxaa laydiinka fadhiyaa cadaynteeda’ Waayo way muuqataa in damiirkiinii idinka qaban waayay oo aad ka Xishoon waydeen,caadana aad ka dhigateen,ilahayna aad ka biqi Wayden umalaynmaayo in aad wax kale ka baqaysaane sharciga dalka Ayaynu ku kala bixiye halaydinka helo cadayteeda, Wixii damiir lena waxaan leeyahay Ilaahay ka cabsada oo aakhiradiina haku seegina been iyo dhaleecay Markaan intaa dhaafo waxaa dhawr jeer saxafada qaarkeed lagu Faafiyay Arimo aniga SULDAAN ISMAACIIL ahaan laygaga been abuurayo, Waxaana ugu danbaysay Maqaal 10,02,2015 kuna soo baxay OODWAYNENEWS Oo uu ku qoran yahay ninka lagu magacabo MUSTAFE SH ABUUBAKAR, Hadaba waxaan cadaynayaa in aan wax alaale wax ka jiraan aanay jirin qoraalkaasi A,Arinta badhasaabka saraar loo magacaabay ee uu ka hadlayna waa mid been abuura waayo magacaabista badhasaabyada waxaa xaq u leh madaxwaynaha j,somaliland gobolka uu u magacaabayo iyo dhaqaalaha Uu siinayaba Beesha aan odayga u ahay iyo belaha kale toonawax uyaala maaha ,beeshuna raali bay ku tahay . B, Arinta xusbiga kulmiye ee uu sheegay in ay jiraan garabyo kala qaybsan xusbiga kulmiye gudihiisa waxaan leeyahay malaha waad garan ladaye anigu ma ihi siyaasi ee waxaan ahay madax dhaqameed kulmiyana wax yarmaaha ee waa xusbig qaran suldaanbaanan u ahay kulmiye iyo labada xusbi qaran ee kalaba Arinta kale ee uu ninkaasi ku dhaleeceeyay maqaalkiisa waxan leeyahay waa aflagaado iyo cay uu isaguun u badheedhay madaxda dhaqanka iyo masuuliyiinta kaleba waxay iga mudan yihiin ixtiraam iyo qadarin waxaasina maaha afkayga, waanan ka raali galinayaan xaalna waan kasiinayaa aflagaadadaa uu kula dul dhacay, ayuu hadalkiisa kaga baxay suldaan ismaaciil,
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|