|
|||||
WAJAALE NEWS
“Somaliland Waxay ku Taagan Tahay oo ka Dhiman Weyday ciddi teelo uma dhigan’e waa qabka (Pride) beelaha dhexe ama Isaaq, Intee qabku waddayaa haddii horumar la gaadhi waayo iyana waa su’aal?”
February 11, 2015 - Written by Editor:Dharaaro Xusuustood Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad Aroos weligiiba marin hawl leh buu ku majiiraaye Malahayn manaa baad ku noqon maalin dabadeed eh Maantana biyihii moon miyaan xamaraw kaa miijay Nuur Dhegay Sannadkan cusub ee 2015 bishii hore ayaan u socdaalay Dalka Yemen ee Gacanka Berbera inoo dhexeeyo. Baddaasi waxa la odhan jiray oo Muslimiinta iyo Carabtuba ku qoreen kuttubtii hore intaan Khawaajuhu dunida maskaxda ka qabsan “Gacanka Berbera” ama “Khaliij Berbera” isticmaarkii Ingiriiska ayaa ka dhigay “Gacanka Cadan” markuu halkaas qabsaday. Waxaan sii maray Magaalada Djibouti, Jamhuuriyadda Djibouti, halkaas oo aan diyaarad ka raacay. Waqtiga Duulimaadka diyaaraddu waxa uu dhammaa 45 daqiiqo ilaa Magaalada Tacis ee aan u socday. Sida ninka tixdan gabayga ihi lehi uu uga calaacalay faraskiisa ee ugu caloolyoobay socdaalkan buurta Manaa ee Calmadaw ee Laas-qoray ku dul taal iyo durdurada moon ee uu sii jibaaxayo, isaga oo aroos dhawr jeer baaqday ku socda, ayaan anna ka caloolyoobay socdaalka Yemen ee waqtigan aniga oo sidiisa ardaadhig u ahaa inankaygii u yaraa oo gabadh reer Yemen ah ay wada sheekaysteen. Xuutiyiinta shiicada ah iyo Al-qaacidda Yemen oo ay ku hirdamayaan dalkaasi iyo cir ka soo dhaca ama darooniska Maraykanka. Labada kooxood waxa la kala socda oo ku milmay dhallinyaro Soomaali ah, taasoo iyana khatarteeda lahayd. Waxa aan xusuustay aniga oo ka mid ahaa wefdi Somaliland ahaa oo dawladda Yemeni martiqaaday oo diyaarad Hargeysa ugu soo dirtay sannadkii 1999 bishii febarwari. Wafdiga waxa hoggaaminayey Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda Marxuun Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe), Wasiirkii Gaashandhigga Mudane Rashiid Xaaji Cabdillaahi iyo aniga [Maxamed Saciid Gees] oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xoghayihii Madaxweynaha Cabdiraxman Kubbaddo. Waxa aan gurigiisa kula barjaynay oo na martiqaaday Madaxweyne-ku-xigeenkii Yemen oo ahaa Cabdirab, Mansuur Al Hadi, oo mar dembe Madaxweyne ka noqday Yemen oo ayaan dhoweydna is-casilay markii jabhaddan Xuutiyiintu Sanca qabsatay. Isaga oo ay weheliyaan Wasiiro iyo madax kale oo dawladda Yemen ka mid ahaa. Waxa xusud mudan xubnaha wafdigayagu waxay aad u wada yiqiineen ku hadalka afka Carabiga aanu ku kala xariifsanaanee. Sidaas darteed sheekadu waxay ku socotay af-carabi. Marxuun Fagadhe oo reer Cadmeed ahaa ayaa aad uga sheekeeyey siyaasiyiintii iyo abwaanadii iyo joornaalladii Yemen, gaar ahaan Cadan oo uu ku noolaa muddo badan. Aroortii dembe waxaan la kulanay oo na qaabilay Madaxweyne Cali Cabdulle Salax oo dalkaas xukumayey muddo 33 sanno ah markii xilka laga fadhiisiyey sannadkii 2011. Waxa goob-joog fadhiga ka ahaa qoladii aanu habeenkii wada barjaynay. Madaxweyne Cali Cabdulle waxa uu ka yaabay ballaadhka iyo baaxadda xubnaha wefdigayaga oo waxaanu ahayn Marxuun Cigaal, Marxuun Fagadhe Rashiid iyo aniga [Gees]. Gedigayo waxaanu ahayn dad qaro waaweyn oo cayilsan. Waxa uu Cali Cabdule yidhi; “Waar Reer Somaliland Cayilaad badanaa.” Cigaal ayaa u jawaabay oo yidhi; “Xoollihii Carabtu naga xayirtay ayaanu ku cayilnay.” Markaas oo xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofin jiray dalkeeda ay xayiraad saartay Boqortooyada Sucuudigu. Haasawahaas ka dib waxa uu hadalkii ku soo koobay Madaxweyne Cali Cabdale “Aad ayey iigu warrameen qoladaydii aad xalay la kulanteen. Horena waa uga war hayey Arlada Soomaal (Somaliland). Waan la socdaa horomarka aad ka gaadheen, dhinaca dawlad dhisidda iyo nabadaynta, qolada reer Koonfureed (Soomaaliya) halkan ayaan madaxdooda ku qaabilay, nimankaasi ma ah kuwa dal iyo dawlad dhisaya ee waa kuwa dano gaar ah wata. Waxaan idiin sheegayaa Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku jiraa inaanay marna oggolaanayn in Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay kala go’do oo Somaliland la ictiraafo, waayo waxay taas horseedaysaa waddano badan oo Carab ihi inay kala go’aan oo aan maslaxadayada ama dantayada ahayn, sida dalkan Yemen, Ciraaq , Sudan iyo Libiya. Sidaa darteed, tallo odaynimo ayaan idin siinayaa. Idinka oo sidiinaa u dhisan sheegta Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee galabtay, deeto kursiga Jaamacadda Carabta ku fadhiista, Yemen ayaa ugu horreynaysa ictiraafkiina, dalalka khaliijkana dhaqaale aad dalka ku dhisataan ayaan idiin kala raadinayaa iyo ictiraaf. Arrintaas ka soo tashada oo kula noqda dalkiinii iyo dadkiinii ha ku degdegina hadda.” Wefdigii waxa uu u sii gudbay magaalada Qaahira iyo dalkaasi Masar oo iyana martiqaaday. Habeen aanu joognay Qaahira ayaa Madaxeyne Cigaal nagu martiqaaday saddexdayadii Wasiir casho huteelka aan ku jiray. Waxa uu na warsaday sida aanu u aragnay soo jeedintii Madaxweyne Cali Cabdulle Saalax ee ku saabsanayd masiirka Somaliland. Labadii Wasiir ee kale way ka gaabsadeen inay fikrad toos ah uga dhiibtaan arrintii. Anigu waa aan ku dhiiraday oo waxaan u sheegay sidaan taladaasi u arkayey anoo aan hadda dib u tafatirayn (Afartayadii xog-ogaalka u ahaa arrintaasi laba ayaan ifka ku joognaa aniga iyo Rashiid Xaaji Cabdillaahi. Hadalkayga oo dheera waxaan ku soo koobayaa sidan: Haddii taladaas la inagu raaco oo aan yeelno oo la inoo ictiraafo sida Cali Cabdle sheegay, qolada konfureed waa ka hor imanayaan. Inagu sharciyadii ayaan kala wareegaynaa, wada hadla ayaa la ina odhanayaa, deeto marka aan heshiin wayno iskala taga ayaa xigta inaga oo haysana ictiraafkii dunida. Haseyeeshee, Yemeni miisaan Siyaasadeed malaha, kafiil ka weyn ayaa loo baahan yahay haddii hawshaas la gelayo . Markii aan hadalkii iyo cashadii dhamaysanay ee qolalkii lift-ka u raacnay ayaa Marxuun Cigaal yidhi intuu xagaygii u soo jeedsaday. “ waa sidaad sheegatay geesaw’ sponsor’ ama kafiil weyn ayaa loo baahan yahay.” Waqtiga sheekadaasi dhacday waxa hadda laga joogaa 16 sanno, weli Somaliland ciddi ma ictiraafin, Soomaaliyana dawlad dhisan weyday, hadda oo 20 kun oo ciidan ajnebi ahi ay illaalinayaan ayaa dunidu waraaba-u-taag dawlad ah loo dhisay oo la ictiraafay oo dhaqaale la siiyaa welise fari kama qodna. Dalalkii Carabta ahaa ee uu Madaxweyne Cali Cabdule uu tilmaamay; Soodaan waa kala go’day, Ciraaq waa saddex dawladood oo dagaallamaya, Liibyaa waa gobol-gobal, Yemeni waa dildilaacday. Arrin shaqo ku leh Somaliland ma ahayn. Cali Cabdalle Saalax ka dhac xilkii weliba si fool-xun. Marxuun Cigaal iyo Marxuun fagadhe alleystee, Gees oo dhega – beelay ,iyo Mudane Rashiid oo jiifaa, ayaa joogaa. Somaliland waa tugtug leedahay itaalkeed, tol iyo taag la’aan ayaa heshay nabadda ayuun bay ka dedaashay, daryeelkii dadweynaha loo maara waa, biyo la’aan, Hargeysa waxa dadka badani dharka maydhaan oo carruurtu qubaysataan oo biyo heleen marka dooxu soo rogmado oo aad arkaysaa dharka oo dooxa hareerahiisa ku wadhan, sidii aan ahaan jirnay kontomaadkii markii habaarqabaha isticmaarku joogay ee biyo meelna waddanka ka soo saari waayey. Waxbarashadii iyo daryeelkii caafimaadku waa wagash wagash. Dugsiga sare ee lagu magcaabay aabbihii waxbarashadda Somaliland Marxuun Maxamuud Axmed Cali ee Airport-ka loo sii maro, ee cid waliba aragto ayaa kuugu filan xaaladda waxbarashada dalka. Waxa dalka intaas u dheer dibindaabyada ajnebiga, muslin iyo gaalba ay ku hayaan iyo qurba-joogta sida khaliifyada iyo wabarada hadda shiidka billaabay. Somaliland waxay ku taagan tahay oo ka dhimanweyday ciddi teelo uma dhigan’e waa qabka (Pride) beelaha dhexe ama Isaaq. Intee qab ku waddayaa haddii horumar la gaadhi waayo iyana waa su’aal? Related posts:Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Oo ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay 45Arday Oo ... DAAWO; Sheekh Aadam siiro' Oo Isbarbar Dhig Ku Sameeyay Xukuumadii Daahir Riyaale Tan Siilaanyo Mu... Halkan ka Daawo: Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Oo Dhaliilo Usoo Jeediyay Maayirka Caas... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|