Somaliland Ma Run Baa Mise Waa Riyo?Qalinkii ;Eng Cabdiqaadir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Ma Run Baa Mise Waa Riyo?Qalinkii ;Eng Cabdiqaadir
February 15, 2015 - Written by Editor:

JAWAABTU WAA RUN, LAAKIIN SOMALILAND WAXAA KA BUUXA!

Haddaba markaynu manta Somaliland eegno waxaad arkaysaa wax yaabo badan oo ku cajab galinaya ama kaa yaabinaaya

wax yaabaha ku cajab galinaya waxaa ka mid ah:- sida dalka Somaliland loo dhisay daba iyo dacal quruxdiisa nabad galyadiisa shacabka xabeen iyo maanlinba xoogsanaaya waxbarashadiisa illaa heer mastar socota ee wadamadii kale lagaga maarmay ceelashan biyaha ah ee illahay ina siiyay ee gu iyo jiilaal ba socoda caalamka I na doonaya eel eh wadankiina wax ma ka qabsanaa

wax yaabaha kaa yaabinaya waxaa ka mid ah:- nin shaqaynaya oo hadana cabanaaya, nin xil loo magacaabay oo aad maalintii damba baa ad arkaysid isagoo gaadhi kala jiidan wata oo isagu leeyahay,madaxwayne shantii hore ka soo bixi la oo shan kale doonaaya,wasiir wasiirada kale xisaabinaaya, gudoomiye baarlamaan oo kursiga isku sii dhajinaaya wakhtigiina ka dhamaaday,nin mucaarad ah oo doorasho xildoonaaya oo caytamaaya,nin xisbi mucaarad ah ku jira oo eegaya afartan wasiir ee dawlada,siyaasi marka xilka laga qaado sheegaya waxay dawladu samayso ee la cuno intuu isagu cunayna aan sheegayn, nin gamacsi furtay oo hadana kiishkii raashinka ahaa wixii qaadayay isagu keen saday. Dad qurbo jog ah oo intay dibadii accounadoodii soo buuxsaday hadana shaqadii yarayd ee Somaliland taalay ku qabsaday dadkii aan dalka ka bixin.

hadaba dalkeena waxaa riyooday oo jooga waa kuwan:-

1.madaxwayne riyooday

2.wasiir riyooday

3.mucaarid riyooday

4.bilaa camal riyooday

5.prof.riyooday

6.soo galayti ku dhex dhaadhaamay oo riyooday

7.darbi jiif riyooday

8.wadaad riyooday

9.ganacsade riyooday

10.gurbo jog riyooday

Taban kaa riyooday oo faahfaahsan waxaad kale socon doontaan maqaalada dambe

Dhamaantiin waad mahadsan tihiin

 

COMMENTS
LINKS