|
|||||
WAJAALE NEWS
Sir Culus: Xukuumada Siilaanyo Iyo Midnimada Soomaliweyn!!!!
February 1, 2015 - Written by Editor:Madaxda Somaliland Daacad Maka yihiin Gooni isku Taaga Jamhuuriyada Somaliland?HARGEISA(Wajaalenews) Waxaanu barnaamijkan si taxane ah ugu soo bandhigi Doonaa, qoraallo taxane ah oo aanu daaha kaga rogayno Shirqoolo ka dhan qaranimadda iyo madax-banaanida JSL oo ku duugan distoorkii ay ummadu 97% ku ansixisay oo suurtogelinteeda naf iyo maal badan loogu soo huray, Hadeerna diyaar ay dadka reer Somaliland diyaar ugu yihiin. Arrinta af-ka-la qaadka ahi waxa weeyi in Shirqooladani aanay ahayn ku si dhuumasho ah meel Dibada Somaliland ah ka socda balse ay si cad oo aan Gabasha lahayn ugu socdaan wasaaradaha kala duwan ee Somaliland kuwaas oo wasaarad kasta lagu hoos gaynayo Wasaarad dalka Soomaliya ah si loo dhamaystiro hawlaha federaalaynta ee Soomaaliya ka horta inta aan la gaadhin 2016-ka doorashadda ka dhacaysa Soomaaliya sida ku cad “NEW DEAL-ka”. Arrintan ayaa ah shirqool ummada Somaliland loo soo maleegayay kaas oo ay wadaan dad, hay’addo, madax iyo shaqsiyaad somaliland u dhashay iyo kuwo Soomaaliya ah ku hawlan yihiin.Dhamaan shirqooladan ayaa bilaabmay intii ay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne siilaanyo xilka la wareegtay ,waxaana xusid mudan in ay meesha ka saartay tiirar bud dhig u ahaa ilaalinta jiritaanka somaliland Shabakadda wararka ee WAJAALNEWS ayaa Heshay Sir culus oo daaha ka faydaysa isdhexgalka meelo badan oo gudaha somaliland iyo xubno xilal ku helay barmaamijyo ay halkan ka fuliyeen, waxay so bandhigi doontaa warbixino ay dadka ugu soo bandhigayso wadeecooyinkaas. Waxaanu qoraalka koowaad ku soo bandhigi doonaa Hay’ad Aan Dawli Ahayn Oo Magaceeda La Yidhaa CONFLICT DYNAMICS INTERNATION (CDI). CONFLICT DYNAMICS INTERNATION (CDI): Soomaaliland Ma Doonayso Inay Go’ddo CDI waxa fadhigeedu yahay Dalka Mareykanka, Haayadan oo socodbarada waxay ka hawlgashaa wadamada (Somalia, Somaliland, South Sudan, Sudan, and Syria). waxayna ka shaqeeyaan arrimaha khilaafaadka.wadamada ay haayadani ka shaqaysa oo aan ahayn oo kaliya wadomo colaado ka jiraan ee ah wadomo khayraadka saliida (Patrol) leh. Hay’addan oo la aasasy sanadkii 2004 Waxay hore uga soo shaqaysay oo Koonfurta Suudaan,waxayna hadda gacanta ku haysaa oo ku hawlan tahay mashruuca la xidhiidha wada-hadaladda Soomaalilaan iyo Soomaliya. Mashruucan waxaa maalgelisay Wasaarada Arrimaha Dibadda Ee Norway iyo sido kale ta Swiisarlad . Warbixin ay dhawaan soo saartay CDI oo ka kooban 90 bog, oo ay ku sheegeen inay kadib markii ay shirar u qabten reer Soomaalilaan iyo Soomaliya ay soo ogaadeen in “ Lix hab Oo Soomaalilaan iyo Soomaaliya u midoobi karaan”. Warbixinta ayaa si toos ah iskaga indha-tirtay doonista shacabka reer Soomaalilaan ee ay ku doonayaan ‘ Inay noqdaan Qaran madax-banaan oo Iskii u taagan”. Warbixintu may sheegin cidda reer Soomaalilaan ee ay la kulmeen iyo goorta ay la kulmeen balse waxaa Wajaalenews warar aan la xaqiijin u sheegeen inay kulan la yeesheen waftigii Soomaalilaan ee wada-hadaladdii u dambeeyay ee turkiga ka dhacay kaas oo ka dhacay Addis Ababa ayna ka qayb-galeen waftigii shirka ka qaybgalay ee uu hogaaminayay Maxamed Biixi Yoonis. Kulankan ayay wasaaradda arrimaha dibaddu JSL ku sheegtay inuu ahaa “Tababar ku sahabsan Aqoonta Gorgortanka iyo Wada-xaajoodka”. Hadaba marka la eego warbixintan ay CDI soo saartay ayaa gabi ahaanba ka duwan tabobar una eg in waftiga lagu tababaryay LIX SIYAABOOD OO AY SOOMAALIYA ula midoobi karaan. Arrinkan ayaa noqonaya khayaamo qaran ku noqonaysa haddii la soo cadeeyo. Faahfaahinta warbixinta oo dhan waxaad kala bixi kartaa link-gan: http://www.cdint.org/documents/CDI-Cultivating_Consensus_full_report_Somali.pdf. Saddex xubnood oo qoray warbixintan ayaa mid ka mid ahi yahay muwaadin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaalilaan balse aaminsan Muqdisho. Ninkan oo magaciisa la yidhaa Mukhtar Ainashe wuxuu hore u ahaan jiray la-taliyihii arrimaha siyaasadda iyo xidhiidhka beesha caalamka ee Sheekh Shariif. Waxaa xusid mudan in hay’adda CDI ee arrimahaas ku jirtaa ay xafiis ku leedahay AKAADAMIGA NABADA IYO HORMARINTA (ACADEMY FOR PEACE AND DEVELOPMENT) isla markaan ay xidhiidh shaqo wada-leeyihiin hay’adda kale INTERPEACE oo iyadduna doorashooyinkeena gacanta ku haysa. INTERPEACE iyo hawlaheeda la xidhiidha Federaalaynta Somaliland qoraaladda dambe ayaan ku eegi doonaa. LASOCO XOGO DAAHA KA FAYDI DOONA WASAARADAHA SIDA TOOSKA UBILAABAY FADARAALAYNTA . EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Muj. Cali Guray Oo Bedka Soo Dhigay Taariikhda Madaw Ee Saleebaan Gaal“Oday Mooryaan ah Inu yahay Ma... Xukumada Somaliland Oo Jawaab kulul ka Bixisay Qoraal Ka Dhan Ah Somaliland Oo Loo Gudbiyey Qaramad... Daawo:Tobanka Habeen Ee ugu Danbeeya Ramadan Waa fursad Mudan In Laga faa’idaysto;Sheikh Siciid COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|