Shirkad Garsoorka Maraykanka uga Cabatay LACAGO ay ku leedahay Somaliland oo aanay helin iyo Xukuumadda oo Bixinteeda Shuruud ku xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkad Garsoorka Maraykanka uga Cabatay LACAGO ay ku leedahay Somaliland oo aanay helin iyo Xukuumadda oo Bixinteeda Shuruud ku xidhay
February 17, 2015 - Written by Editor:

Washington(Wajaalenews) Xukuumada Somaliland ayaa sharraxaad ka bixisay lacago deyn ah oo shirkad Maraykan ah sheegtay inay ku leedahay Qaranka Somaliland oo aanay weli ka helin, taas oo ku ku saabsan khidbadaha hawlo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u dirsatay lixdii bilood ee u horreeyey sannadii 2014-kii, taas oo qoraallo ku saabsan cabashadeeda loo gudbiyey Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa bilowga sannadkii 2014 heshiis la saxeexatay shirkadda Mercury Public Affairs oo qaabilsan hawlaha Isku-xidhka dibloomasiyadda dalalka Caalamka, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii ay shirkaddani isugu soo dhawayn lahayd dawladda Maraykanka ugu qancin lahayd Aqoonsiga Somaliland.

Haseyeeshee, sida lagu baahiyey warbaahinta dalka Maraykanka, shirkadda Mercury Public Affairs, ayaa qoraal cabasho xambaarsan u gudbisay wasaaradda Cadaaladda Maraykanka 22-kii bishii Todobaad ee sannadkii hore, waxaanay ku sheegtay inay kharash gaadhaya $27,767.65 (Todoba iyo Labaatan Kun, Todoba Lixdan iyo Todoba Dollar iyo LIxdan iyo Shan Senti oo Dollar) ku leedahay Somaliland, taas oo ku saabsan khidmadaha hawlo ay qabteen lixdii bilood ee ugu horeeyey sannadkii 2014.

Haddaba, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey jiritaanka arrintan, ayaa qiray jiritaanka lacagta deynta ah ee shirkada Mercury sheeganayso, balse waxa uu meesha ka saaray hawlo shirkaddaasi u qabatay Somaliland, isaga oo ku dooday inay xukuumad ahaan ka sugayaan shirkadda caddeymo dheeraad ah oo muujinaya hawlaha ay qabteen.

“Way jirtaa lacagta ay sheeganayaan Mercury, balse ma jirto hawlo ay noogu qabteen. Waxaanu weli ka sugayaan caddeymo dheeraad ah,” sidaas waxa yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo intaas ku daray in Heshiis iyo wada-shaqayni ka dhaxayso shirkada Mercury. “Heshiis ayaa noo dhexeeya Mercury, xidhiidh fiicana waanu leenahay, waanu dhamaan doonaa arrinkani,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Shirkada Mercury oo waddamo badan oo Caalamka ah ka taageerta dhinaca dibloomaasiyadda, ayaa heshiis dhaqan-galkiisu bilaabmay bishii koowaad ee sannadkii hore kula gashay xukuumada Somaliland sidii ay ugu fududeyn lahayd xidhiidh dibloomasiyadeed oo dhexmaray Somaliland iyo Dawladda Maraykanka.

Tallaabada xukuumadda Somaliland ee Heshiiska Shirkada Mercury dhexmaray oo wax weyn ku kordhin kara dhinaca xidhiidhka dublamaasiyadda, ayaa sababtay in Dawladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ee dalkaasi kaga deydaan, heshiisyo kula galaan shirkado Maraykan ah oo ka taageera dhinacyo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo xukuumaddu xaq u leedahay inay caqiijiso Wax-qabadka loogu qabtay Deynta ay sheeganayso shirkadda heshiisku dhexmaray, haddana waxa kaaf iyo kala-dheeri ah oo aan lays-barbar dhigi karin karaamada iyo sharafka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xaddiga lacageed ee shirkaddu sheegtay inay ku leedahay Somaliland.

COMMENTS
LINKS