Qisada Heesta Cusub Ee ‘Been Go’ Lagu Deday!’ Iyo Abwaan Sidiiq Burmad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qisada Heesta Cusub Ee ‘Been Go’ Lagu Deday!’ Iyo Abwaan Sidiiq Burmad
February 15, 2015 - Written by Editor:

Afeef:

Abwaan sidiiq burmadWeligay hees kama samayn qiso qof ku dhacday oo uu iiga sheekeeyay, ka samee na iima qorshaysnayn. Sababtu waxa weeye

abwaan-sidiiq-burmad

qof baa kuu warramaya, arrinta uu kaaga warramayaana laba qof ayay u dhaxaysaa. Markaa kollay qofkaasi wuxuu kuu sheegayaa waa dhiniciisa oo kollay wuu is gar siinayaa. Haddii qofka kale wax laga waydiin lahaana kollay isna waxaad ka garowdo wuu sheegi lahaa. Taas ayaan iskaga ilaalin jiray, bal se way dhacday oo markii qisadan la iiga warramay isma ogaynba goor aan heestan qoray.

Waxay noqotay heestii iigu su’aalaha badnayd oo dad tiradoodu laba boqol -haddaanan danbaabayn – gaadhayso ayaa i soo weydiiyay qisada aan ka sameeyay heestan. Dhib ayay igu noqotay inaan qofqof uga sheekeeyo, maadaama aanu Facebook ka wada hadlaynay. Markaas ayay igu dhalatay inaan wax yar ka qoro qisadii la iiga warramay ee heesta igu dhalisay waana tan:

Qisadii Heesta:

Aniga, Jaylaani, Daa’uud Xanfar, Cirro, Xidhibaan Cagayare Abokor­diino iyo Laabsaalax, ayaan ka xasuusnahay dadkii aanu habeenkaa wada joognay. Intaas laakiin waanu ka badnayn. Waxaanu kolba mawduuc ka sheekaysanaba, illeyn sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxa noo bilaabay Abwaan Cabdiweli Saxardiid Xirsi mid ka mid ah waayihiisii jacayl ee soo maray, Gabadh ay xidhiidh lahaayeen muddo saddex sannadood ah.

Jacaylka baaxadda leh ee uu u qabo ayaa ku waajibiyay in aanu habeen qudha ka maqnaan la cawaynteeda oo gurigooda ayuu ugu tagi jiray. Inyar markuu sheekada wadaba dhaar ayaa la socota uu noogu muujinayo inta uu jeclaa inta ay gaadhsiisnayd, waxa se uu hubay inaanay iyadu jacaylkiisa habeen ku seexan, subaxna ku soo toosin.

Marka uu fiidkii ku soo socdo waxa ku badnayd muddada kooban ee uu jidka ku sii jiro. Yaa ku duuliya ayuun baa niyaddiisa ka buuxday. Habeen kasta oo uu ka soo hoyanayana isaga oo qalbigu jaban yahay oo haddii soddon nabar oo hore ku yaaleen la soo hoyday shan iyo soddon nabar ayuu ka soo carraabi jiray. Agteeda wali farxad kalamuu kulmin, kamanuu maqnaanin.

 

Waa nin aftahan ah, xigmaawi ah oo sheeko badan. Haddaad dhegaysato marlay waad qoslaysaa, waana sababta ay saddex sanno xidhiidh-ku-sheegga ugula jirtay ninkan iyada oo aan jeclayn. Waxay ka heli jirtay sheekooyinkiisa qosolka leh.

 

Inta ay dhagaysanayso sheekadiisa ee ay qoslayso mooyee inta kale ee uu sheekada yar joojiyo runta ayaa markiiba soo bixi jirtay oo wax uu eedo ayuu kala kulmi jiray. Waayo isla markaba waxay garaacaysaa innammo kale oo Somtel sita, muddo ayay ninkii ku dul sheekaysanaysaa, barnaamijyo dhallinyaranimo ayaa lagu dul faaqidayaa, waa la qoslayaa intaa oo saacadood lagu dul haasaawayaa, haddii aanay ii kaalay odhanba ninka ay la hadlayso.

Waabay dhacday taasi oo habeen wax uu sheekada waddoba markii dambe Telefoon ayaa ku soo dhacay heblaayo! Bariido iyo sheeko kadib waxaabay ninkii tidhi ii kaalay gurigii ayaan joogaaye! oo yaa kula jooga? Cidna yaa ila joogi lahaa, waar ii kaalay waan kuu baahnahay Wallaahi ii kaalay! Hadda hadalka sidaas ayay u leedahay, ninkii wax jeclaa wuu maqlayaa, oo dhagaha waxba loogama duwayo, Oo waayo? Bal adba!

Ninkii telefoonka looga yeedhay markiiba soo gal gurigii, iyana kal iyo laab u soo dhawaysay oo meel qurux badan la fadhiisi, sharaab iyo barkimooyin aanu Cabdi habeen qudha aragna loo soo dhig. Cabbaar markii la wada fadhiyay, Heblaayo hadashay oo Cabdi ayay ku tidhi “caawa waad raagtee miyaanad hoyanayan?…..”

Habeen kale isagoo sii ordaya, oo halkee ku ordaya? Ma meel kale ayuu ku ordaaba meel baa u muuqatee, intii uu jidka ku soo jiray ayuu telefoonkeedii garaacay si uu ugu sheego inuu soo socdo, Markuu garaacay waxay tidhi “caawa hay imman waan xanuunsanayaaye”!.

Qalbigiisu kuma qancin oo iyada oo xanuunsanaysa inuu ka ag maqnaado kuma calool sama, waase amar oo kama daba hadli karo, haddii kale balaayo ayaa ka dhacaysa meeshaa, isna wuu qabatimay. Iska noqoy oo is yidhi Madaxtooyada oo xafladi ka jirtay caawa wakhtiga isku soo dhaafi.

Markii uu cabbaar dhex joogay xafladdii Madaxtooyada waxa dhagihiisa soo jeediyay, qalbigiisana soo jiitay qosolka gabadh meel wax yar u jirta ka qoslaysa. Qosol iskuma jiree qosolka heblaayo waxa uu ahaa quudka laabtiisa oo caawa ka qatan. Qosolku qosolkii u ekaa! Degdeg markuu dhinaceeda u eegayba waaba lafteedii! Waar malaha waa indhahaaga waa tii iyadu xanuunsanaysaye!.

Araggiisii ayaa damay sidii qof dawakhay, buuqii xafladdana maqliwaa oo dhagihiisa kaliya waxa u baxayay garaaca wadnihiisa oo kor u kacay, maqaarkiisa oo dhan dareenkii ayaa ka guuray. Hadii la sari lahaa malaha dhiig kama yimaadeen, Kamuu soo jeedsan dhankeedii mana arkayo waxba oo aragii ayaa tushuush kaga furmay, xabbad ku dhacda xaaladan uu la kulmay ayaa kaga xanuun kululayd, waa daqiiqado darnaa oo soo maray. Ilaahayoow riyo iiga dhig ayuu niyada ka lahaa. La dhib yaraa, iyadabaa gacanta halkaas kasoo taagtay oo salaantay iyadoo Nin ay wada socdeen uu dhinac fadhiyo.

Laa shidda!. Caadigeedii ayay iska tahay oo lurba iyada kuma hayso beenta ay sheegtay iyo barta ay joogto ee uu Cabdi ugu yimi. Kacyoo u tag, Waxay is bartay saxiibkeeen iyo wiilkii iyada la socday oo midba midka kale ay ku tidhi waa asxaabta ee barasho wangsan. Barashadaaba dhacdaye laba nin oo bakhtiisan ayaa is gacan qaaday.

 

Cabdiweli waxba kama waydiin sida ay wax u jiraan iyo beenta ay u sheegtay midna. Oo muxuu ka waydiin ma isagaa kuba dhaca. Wuu ogyahay hadduu badahaas galo in xidhiidhka yar ee beenbeenta ah ee ay kula jirtaana meesha ka baxayo. Isagaa ku futo xun, Waligiiba tabashadiisa waxba kama waydiin jirin oo xaaladdu sidan uunbay habeen walba iska ahayd.

Waxase dhacay wixii dhici jiray. Oo maxay ah? Dee inay iyadu daalac u raacdo. Markii xafladdii laga soo baxay ayay soo garaacday.

“Waryaahee nin xun ayaad tahay, Wallaahi sidan kuma moodeyn, annigana waad I lugoysay” ayay tidhi. “Oo maxaa dhacay” ayuu yidhi?

“Jacaylka aad sheegto oo dhan waa been waxba kama jiraan markaasaad mushaki-nimo ku darsasatay” ayay ugu jawaabtay. “Oo waayo maxaan sameeyay?” ayuu waydiiyay?

“Maxaad wajiga la giiraysay ee aad Innamadd aanu asxaabta nahay uga hinaasaysaa, wajigaagaanu ka garanaye”, ayay tidhi.

“Walaal! Wallaahi raalli ahow, Maan hinaasin, Waan kugu naxay uun. Wallaal macaan ha iga cadhoon waan ku jecelahay, imika ma nabad hoyatey waan kaa werwerayee?” ayuu yidho.

“Waanan raalli galiyaa, bal inaan la kala go’in”

Erayada heesta:

Go’e caashaq kaligaa

kuu galay qof kula galay

axdiyoo misana gabay;

anna wayga go’an tahay

iyaduna gub mooyee

qalbigiisa gooyoo

gurmad caashaq may noqon!

caashaqa guyaal jiray

waa goof dhankeedoo

waa bishima guudkood

iyo been go’ lagu deday.

garna wali kamaan helin

waxan guudka saartaa

 

eed aanan wali galin

waanan raali galiyaa

bal inaan lakala go’in.

inkastooy gaf badan tahay

hadalkeedu gudin yahay

meelgoysa daran yahay

gubashana ibada yahay

ma jiraan waxaan galay

waa haygu garan iyo

ka galgalo xaqiiqada.

jacayl lagu gabood falay

ileen waa gumaysiye

waxan ahay nin gacan galay

oo cadaawe loo gigay.

Abwaan Sidiiq M. Burmad

Kala xidhiidh Halabuurka Bogga Facebook:

Sidiiq Burmad ama Bogga Sidiiq Burmad

COMMENTS
LINKS