Qaadkii Somalia Kenya Uga Iman Jiray Oo Maalintii Labaad Maqan iyo Qaadka Hargeysa Oo Muqdisho La Geeyay+Boob Lagula Kacay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaadkii Somalia Kenya Uga Iman Jiray Oo Maalintii Labaad Maqan iyo Qaadka Hargeysa Oo Muqdisho La Geeyay+Boob Lagula Kacay
February 16, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Qaadka Nairobi uga iman Jiray Dalka Somalia ayaa gabi ahaanba maalintii labaad taagan kadib markii Shalay Ganacsatada qaadku joojisay keenista Qaadka oo Qiimihiisu cirka isku shareeray. Gabi ahaanba Kolayada Qaadka lagu Iibin jiray ayaa maanta haawanaya, marka laga reebo Jawaanno yar oo Hargeysa laga qaaday lana geeyay Muqdisho.

qaadka somaliya 22

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegay inuu indhihiisa ku Arkay Askarta Dawladda oo Xoog ku qaadanaysa Qaad Hargeysa laga qaaday oo Muqdisho lagu Iibinayay “Waxaan Indhahayga ku Arkayay Askari Kolay kala baxay Kiiloo Qaad ah kadibna markuu Lacagta Bixi is yidhi ayaa lagu yidhi waa Lixdan Dollar Kiiloogu($60), kadibna intuu iskala dhaqaaqay ayaa markii Lacagta la waydiiyayna uu iskaga reebay Xabad oo uu xoog ku qaatay” ayuu yidhi Wariyaha BBC-du.

Haweenayda Qaadka Ethiopia Hargeysa ka qaaday ee Muqdisho gaysay ayaa sheegtay in Si sharci ah qaadka ay u gaysay halkaasi islamarkaana laga cashuuray balse halkii ay ku Iibinaysay lagaga boobay qaybo kamid ahna xoog lagu qaatay.

Sababta Qaadka loo joojiyay

Ganacsatada Qaadka ka dhoofiya Nairobi ee Somalia geeya ayaa Sheegay in Beeralayda Kenya labanlaabtay Qiimaha ay halka Bag kaga Iibin jireen Ganacsatada, islamarkaana gaadhsiiyeen $600 Dollar, sidoo kale waxay sheegeen in Somalia labanlaabtay Cashuurta kana dhigtay $200 Dolar, sidaasi darteedna ay joojiyeen Dhoofinta Qaadka.

16 Diyaaradood oo Qaadka ka soo qaadi jiray Nairobi, keeni jirayna Muqdisho ayaa haatan joogsaday, sidoo kale kuwo kale ayaa Puntland qaadka gayn jiray. Somalia ayaa qaadka ka heli jirtay Kenya balse haatan waxaa la sheegayaa in Maanta guud ahaanba la waayay Qaadka.

 

COMMENTS
LINKS