Obama Oo Ka Fikiraya Qorshe Uu Ukraine Hub Ugu Gudbiyo iyo Dedaalada Yurub Oo Diblamaasiyad Ku Salaysan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Obama Oo Ka Fikiraya Qorshe Uu Ukraine Hub Ugu Gudbiyo iyo Dedaalada Yurub Oo Diblamaasiyad Ku Salaysan.
February 10, 2015 - Written by Wariye:

obamaWashington(Wajaalenews):-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka fikirayo in uu hub u diro dowladda Ukraine, si ay uga hortagto xooggaga gooni u goosadka ah ee uu Ruushka taageero “Suurto galnimada Hub difaac ah oo Ukraine loo gudbiyo wuxuu ka mid yahay Qorsheyaasha Marayku lafogurayo laakiin, wali maanu go’aansan” ayuu sheegay Mr Obama

Mr Obama ayaa sheegay in haddii uu guul dareysto dadaalka diblomaasiyadeed ee ay wadaanka hoggaamiyayaasha Jarmalka iyo Faransiiska, aanu dalkiisa dhowran doonin xuduudaha Yurub oo qori caaradii lagu qaato “Waxaanu heshiis buuxa ku nahay inaan qarniga 21-aad aanan iska daawan doonin ama aanan Ogolaan Karin Soohdimaha Yurub Oo Dib loo bedelayo

Madaxweyne Obama ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel. Labada hogaamiye ayaa wada jir u sheegay in falalka Ruushku ka wado Ukraine ay dib u xoojinayso midnimada Yurub iyo Maraykanka.

Hogaamiyaha Jarmalka AngelaMerkel ayaa sheegtay in ay ka horjeedo cudud milateri oo loo adeegsado xal u raadinta dagaalka bariga Ukraine, waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay dadaal dheeri ah oo lagu bixiyo diblomaasiyada “Isbahaysiga Maraykanka iyo Yurub wuu sii socon doonaa waanu sii adkaan doonaa” ayay sheegtay Merkel.

Maraykanka iyo Yurub ayaa ku kala aragti duwan Hub Maraykanku si toos ah u siiyo Ukraine oo keeni kara dagaalo Washington iyo Moscow si toos ah ugu lug leeyihiin, balse Maraykanka ayaa arrintaasi ku adkaysanaya, halka Yurub doonayso in xal diblamaasiyadeed la helo.

Ruushka ayaa isna si adag uga soo horjeeda Cunaqabataynaha Reer Galbeedku saaray iyo qorshaha ay ku doonayaan in Ukraine loogu daro Midawga Yurub. Ruushka iyo maraykanka ayaa isku eedaynaya in la jabiyay heshiisyo amniga dunida lagu sii wadi lahaa.
 

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS