Nuxurka Kulan Dhexmaray Guddida Wada Hadalka U Qaabilsan Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran + Afkaarta La Is-dhaafsaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Kulan Dhexmaray Guddida Wada Hadalka U Qaabilsan Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran + Afkaarta La Is-dhaafsaday
February 24, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Guddida Wada hadalada Somaliland iyo Somalia u qaabilsan Xukumadda Siilaanyo, ayaa maanta kulan la yeeshay saddexda xisbi mucaarad ee Somaliland. Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii la iskaga xaal ogaan lahaa arrimaha wada hadalada iyo waxa guddidu ka qabto.

WASIRKA ARIMAHA DIBADA

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa saxaafadda u sheegay inay Xisbiyada u Casuumeen sidii ay afkaartooda iyo talooyinka ay hayaan uga qaadan lahaayeen islamarkaana iskula eegi lahaayeen Qorshaha Guddida. Waxa uu sheegay in Axsaabta qaar soo jeediyeen in la hakiyo wada hadalka inta ka hadhay doorashada “Maadaama doorashooyinkii soo dhaw yihiin Xisbi ayaa ku taliyay in la yara hakiyo laakiin, saddexda Xisbi qaran ba waxay isla waafaqsan yihiin in wada hadalku danta Somaliland yahay laakiin, waxay soo jeediyeen in la hakiyo inta doorashadu dhacayso” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku dooday inaan wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo Qabsoomida doorashada wax xidhiidh ahi ka dhexayn islamarkaana Cidda Kursiga fadhidaa wadayso wada xaajoodka labada dhinac “Waxaan qabnaa inaan doorashada iyo wada hadallada Somaliland iyo Somalia laba wax oo isku shaqo leh ahayn. Amma xukumaddan ha ahaato amma kuwa ka dambeeya ha ahaatee wada hadalladu way soconayaan, kolbana ciddii Kursiga ku fadhida ayaa hawlahaas ka qayb galaysa” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Doorashada Komishan baa jira, Hay’addaas baa loo xilsaaray, hawshoodii way socotaa, markaa Shaqo ay labadu isku leeyihiin ma jirto, haddii xataa doorashadu bari dhacayso oo Wada hadalku saadambe yahay waanu tagaynaa, markaas laba wax oo isku shaqo leh maaha ee waa Kaaf iyo Kala dheeri labadaasi, markaas nooma muuqato wax loo hakiyaa waayo? axsaab baa jirta”

Axsaabta Mucaaradka ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku doodayay in Xukumaddu isku duubtay wada hadalada oo arrin Qaran ah islamarkaana Mucaaradku aanu door ku lahayn, sidaasi darteedna ay haboon tahay in la joojiyo wada xaajoodka.

Cabdinaasir Qodax, Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, ayaa sheegay inay Guddida la socodsiiyeen inaan Turkigu dhex ka ahayn wada hadalka islamarkaana la safan yahay Somalia,kana so horjeedo gooni isku taaga Somaliland, sidaas darteedna ay haboon tahay in wada hadalka lagu celiyo dariiqii uu ku bilaamay ee wadamada Ingiriiska iyo kuwa kale ee arrintan dhexdhexaadka ka noqon karaa dhexdhexaadiyaan.

Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay inay Xukumadda ku waafaqeen wada hadalka islamarkaana raali ka yihiin in Guddidu u ambabaxaan Dalka Turkiga

 

COMMENTS
LINKS