Ninkaan Adeerka U Ahay Ee Immika Wasiirka Ah Haddaan Cuslaado Maba Arko, Oo Nacfi Ma Leh, ” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninkaan Adeerka U Ahay Ee Immika Wasiirka Ah Haddaan Cuslaado Maba Arko, Oo Nacfi Ma Leh, ”
February 1, 2015 - Written by Editor:

“…Dardaaran Waa Inta La Nool-yahay Ee Waxaan Leeyahay Nin waliba cumaamad rushwaani ah oo uu qaatay baa uu suldaan ka dhigtay, laakiin sidaas ma noqonayso ee is dejiya oo Balloodhada ha ku diririna oo Caruurta dabada ha ka soo kicinina”

X.Cabdikariim Xuseen Yuusuf [Cabdi-waraabe]

Hargeysa (Wajaalenews)- “Nolosha Adduunyadu waa Nabad-gelyada, Garoonkuna Wuxuu garoon ku noqonayaa kolkuu nabad-gelyo helo, waxaanu garanaynaa garoonnada oo meel yaroo boodh leh oo ah halkaas Ay EDNI [Edna Hospital] ka dhisantay guryaha ee Baanku yahay” Sidaa waxaa yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) Oo Jimcihii la soo dhaafay khudbad ka jeediyey Munaasibad xadhiga lagaga jarayay Garoon loogu talo-galay ciyaaraha kubbadda cagta oo laga hirgeliye Magaalada Hargeysa. Waxaana Xaaji Cabdi oo ka hadlay arrimo kala duwan uu kaga sheekeeyey qiimaha ciyaaruhu leeyihiin asbaabta looga dan leeyahay xoojinteeda. Waxa kale oo uu ka hadlay xaalado ka jira dalka waqti xaadirkan, waxaanu intaa ku daray “Waxaa Ciyaarta Asalkeeda loo soo rogay in lagu walaaloobo oo laysku bartaa oo labad a dawladood ee wada ciyaaraya ay dhalinyaradoodu isku barato. Dawladuhu waxay isugu kellifayaan oo ninka ciyaari og ay 90-ka [sagaashan] Milyan u kala siisanayaan lacagta uun layska siisan maayee cilmi baa ku jira, [laakiin] sidaas maaha ee teenu tuur-tuur bay immika ku wada socotaa, waxaanan ula yaabin dadkeenu dawladnimada ayaanay baran”.

cabdi waraabe iyo cukuse

Isaga oo Xaajigu ku hal-qabsanaya Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo madasha ka hadlay waxaa uu yidhi “ Raga ciyaarta u madaxda ahi [Wasaaradda Ciyaaraha] dhalinyaro wanaagsan weeye ama halkan ha ka hadleen ama ha ka maqnaadee dhalinyaro wanaagsan weeye, laakiin rabbaayadda Somaliland baa xun!!!, oo ciyaarta macnaheedaba aan garanayn, horta waa inaad garataa macnaha looga jeedo Ciyaarta, waxaa looga jeedaa in lagu walaaloobo, in laysku jeclaadaa inaanay xaafad, xaafad noqon oo labada wada ciyaartaa ay dadka iska xigaan”.

Xaaji Cabdi-kariim, waxaa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo sida uu xog-ogaalnimadiisa, waxaanu yidhi “…Haddaan Cuslaado, Maba Arko Ninka Aan Adeerka U Ahay Ee Immika Wasiirka Ah, [Laakiin] Haddaan Fadhiisto Waxaa Ii Yimaada Ka U Baalleeya Ee Galbeed iyo Bari, Nacfi Ma Leh Adeerku, laakiin kaalintiisa hadduu kaalintiisa ka adkaado ayuu wax kugu taray”.

Khudbadda xaajiga oo dheerayd dhinacyo kala duwanna taabanaysay waxa uu ku soo gebo-gabeeyey, talo iyo dar-daaran waayeelnimo, waxaana uu yidhi “Dardaaran waa inta la nool yahay, ee ninka sakaraadka ah ee Jiifa talin mayo ee waxaan leeyahay, Rag waaweyn baa immika shiraya oo waxaad arkaysaa iyaga oo odhanaya salaadiintii reer Hebel baanu nahay ama cushaaqii reer Hebel baanu nahay. waxaan leeyahay Nin waliba cumaamad rushwaani ah oo uu qaatay baa uu suldaan ka dhigtay, laakiin sidaas ma noqonayso ee waxaan leeyahay waar dadka iyo dalka u sinma oo is dejiya oo Balloodhada ha ku diririna oo Caruurta dabada ha ka soo kicinina oo madaxda dawladda ha khilaafina. Dawladnimadu waa Sallaan, waxa ay ku dhismaysaa kolka ninka u sarreeya iyo ninka u hooseeyaa ay ninba derejadiisa isku ikraamaan.”

COMMENTS
LINKS