|
|||||
WAJAALE NEWS
Nin Soomaaliyeed Oo Gudaha Dalka South Afrika Ku Toogtay Saddex Qof Oo Soomaali ah Iyo Magacyadooda
February 12, 2015 - Written by Editor:Cape Town:,(Wajaalenews)-Nin Jinsiyaddiisa lagu sheegay Soomaali, ayaa Gudaha Magaalada Cape Town ee Dalka South Afrika ku Dilay Saddex qof oo soomaali ahaa. Dadka Dhintay ayaa la sheegayaa inay Dhammaantood rag ahaayeen waxana Goobtaas ku dhaawacmay Nin u dhashay Dalka South Afrika. Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa goobta soo gaadhay, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo muwaadin Soomaaliyeed uu ka geysto dalkaas tan iyo markii ay Soomaalidu dalkaas magan-galyada u tageen. Qofka toogashada geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Somalida ku nool deegaanka; iyadoo aan weli la ogeyn sababta ku kalliftay inuu dilkan geysto. Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa isugu soo baxay Soomaali badan oo aad uga xumaaday dilka, waxaana la sheegay in saddex muwaadin ee la dilay ay ahaayeen dad si weyn looga qadariyo deegaankaas. Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas ayaa ugu baaqay dadkii goobta isugu soo baxay in tani ay tahay musiibo lama filaan ah oo dhacaday, loona baahan yahay in la is-dajiyo. Saddex Soomaalida ah ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, C/wahaab Nus-liiro, Cabdi Madoobe iyo Maxamed Xasan maxamed, kuwaasoo maanta la aasi doono sida ay sheegeen Soomaalida deegaankaas ku nool.
Related posts:Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Jsl Oo Ka Xogwaramay Xaqiiqada Raadka Shidaal Ee La... War Deg Deg Ah: Mudaharaad Rabshado Wata Oo Lagaga Soo Horjeedo Xukunka Buurmadow Oo Ka Dhacay Burco Bulshada Casimada Hargeysa Oo la Ildaran Biyo La,aan Iyo Xukuumada Dhagaha ka huraysatay Cabashada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|