Muwaadin Somaliyeed oo xaaskiisii lix caruur ah u dhashay ku dilay dalka Norway | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Somaliyeed oo xaaskiisii lix caruur ah u dhashay ku dilay dalka Norway
February 4, 2015 - Written by Editor:

breaking-news

OSLO(W.N):Booliska dalka Norway, ayaa waxay xabsiga u taxaabeen muwaadin Somaliyeed oo 41 sano jir ah, oo galabta xaaskiisii ku dilay dalkaasi.
Ninkaan, ayaa hay’adaha ammaanka Norway ku wargeliyay in xaaskiisii uu ku dilay Degmada Midhordland ee Magaalada Hordaland, gaar ahaan xaafada Askøy.
Hay’adaha ammaanka oo durbaba ku dhaqaaqay hoygoodii, ayaa waxay ka helayn meydka haweeneydaasi, oo lagu dhex riday boorso, deetana la saaray qaybta dambe ee gaariga.

Hoygii ay lamaanahaan ay ka deganaayeen xaafada Askøy, ayaa albaabada loo laabay, ilaa iyo inta ay ka soconeyso baaritaanada la xiriira dilka haweeneydaasi.

Sarkaal u hadlay Booliska Norway oo lagu magacaabo Morten Kronen, ayaa sheegay inaanu kala cadayn waxa dhabta ah ee keenay dilka haweeneydaasi, laakiin wuxuu xusay inay wadaan baaritaano ku aadan.

Morten Kronen ma sheegin magacyada sayga iyo afadiisii, sababo ku aadan baaritaano oo bilow ah, isla-markaana aan weli la soo gaba gabeen.

Gudoomiyaha xaafada Askøy, Siv Høgtun waxa uu xaqiijiyay in Dowladda Norway ay la wareegtay lix caruur ah, oo lamaanahaasi Somaliyeed ay isku dhalleen, si loo xanaaneeyo.

Tani, ayaa waxay walaac ku beertay Somalida degan Magaalada Hordaland.

COMMENTS
LINKS