|
|||||
WAJAALE NEWS
MUCJISO- DAAWO OO AKHRISO- Huteelkii U Horeeyay Dunida Ee Casriga Ahaa Oo Ay Ka Shaqayn Doonaan Kumbuyuutaro U Samaysan Qaabka Dadka Oo Kale Oo Japan Laga Furayo
February 9, 2015 - Written by Editor:Tokyo-(HWN)- Huteelkii u horeeyay dunida ee casriga ah, oo ay ka shaqeeyaan Kumbutuutaro casri ah oo lu samaysan qaabka dadka oo kale, ayaa markii u horaysay taariikhda caalamka laga furi doona dalka Japan, badhtamaha bisha July, ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka. Hutelkan casriga ah ee la yaabka leh oo lagu magacaabo Henn-na Hotel, oo macnaheedu tahay (Huteelkii la yaabka lahaa), ayaa waxa gebi ahaanba fulin doona dhammaan adeegyadda kala duwan ee loogu tallo-galay dadka macaamiisha ah Kumbuyuutaro aad u casri ah oo u samaysan qaabka dadka oo kale, kuwaas oo awood u leh in ay qabtaan dhammaan edeegyada ay uga baahdaan dadka macaamiisha ahi, waxaanay kombuyuutaradani awood u leeyihiin in ay si dhoola-cadayn ah u salaamaan macaamiisha, una qaadaan alaabta iyo shandahaha ay sitaan macaamiisha Hutelku iyaga oo u geynaya qolalkooda, sidoo kale waxay awood u leeyihiin diyaarinta, samaynta, iyo qaadista shaakha, Kofeega, iyo cuntada. Kombuyuutaradan dadka oo kale ahi, waxa ay sidoo kale awood u leeyihiin in ay ku hadlaan luqadaha afafka Japanese-ka, Chinese-ka, Korean-ka, iyo English-ta, waxaana Hutelkan casriga ahi ka kooban yahay laba qeybood, oo midkiiba uu ka kooban yahay 72 qol, waxaana qeybta u horaysa la furi doonaa sida uu qorshuhu yahay 17-ka, bisha, July, ee sannadkan 2015-ka, halka qeybta labaad-na la qorsheeyay in xadhiga laga jari doono marka la gaadho badhtamaha sannadka 2016-ka, waxaanu Huteelkan casriga ahi u si weyn u dhimi doonaa qiimaha kharashkii aadka u badnnaa ee ku bixi jiray shaqaalaha iyo hawl-wadeenada ka hawl-gala Huteelada waaweyn ee casriga ah. Qiimaha qolalka Huteelkan ayaa noqon doona kuwo ka bilaabmi doona oo qiimahoodu uu isugu jiri doono7,000 Yen, oo lacagta dalka Japan ah oo u dhiganta (USD 60) , halka qolka kali ahi uu noqon doono, 18,000 Yen, oo u dhiganta (USD Related posts:''Markii Afar Isku Reer Yihiin Madaxweyuhu Iga Xidhay Wakhtigii Doorashada, Ana Waxa Laygu Yidhi Wax... “Maxamed Cali Bile Waxqabadka Uu Inoo Sheegay Wax Baa Ka Jira, Laakiin Dhamaantood Waa Intii Lagu Qa... Daawo: "Dalkan Waxbaynu Ku Leenahay Daawadayaalna Ka Noqon Karimayno".Xildhibaan Cabdiqadir Jirde COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|