MUCJISO- DAAWO OO AKHRISO- Huteelkii U Horeeyay Dunida Ee Casriga Ahaa Oo Ay Ka Shaqayn Doonaan Kumbuyuutaro U Samaysan Qaabka Dadka Oo Kale Oo Japan Laga Furayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUCJISO- DAAWO OO AKHRISO- Huteelkii U Horeeyay Dunida Ee Casriga Ahaa Oo Ay Ka Shaqayn Doonaan Kumbuyuutaro U Samaysan Qaabka Dadka Oo Kale Oo Japan Laga Furayo
February 9, 2015 - Written by Editor:

Tokyo-(HWN)- Huteelkii u horeeyay dunida ee casriga ah, oo ay ka shaqeeyaan Kumbutuutaro casri ah oo lu samaysan qaabka dadka oo kale, ayaa markii u horaysay taariikhda caalamka laga furi doona dalka Japan, badhtamaha bisha July, ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka.

Hutelkan casriga ah ee la yaabka leh oo lagu magacaabo Henn-na Hotel, oo macnaheedu tahay (Huteelkii la yaabka lahaa), ayaa waxa gebi ahaanba fulin doona dhammaan adeegyadda kala duwan ee loogu tallo-galay dadka macaamiisha ah Kumbuyuutaro aad u casri ah oo u samaysan qaabka dadka oo kale, kuwaas oo awood u leh in ay qabtaan dhammaan edeegyada ay uga baahdaan dadka macaamiisha ahi, waxaanay kombuyuutaradani awood u leeyihiin in ay si
mucjiso-daawo-oo-akhriso-huteelk-300x225

dhoola-cadayn ah u salaamaan macaamiisha, una qaadaan alaabta iyo shandahaha ay sitaan macaamiisha Hutelku iyaga oo u geynaya qolalkooda, sidoo kale waxay awood u leeyihiin diyaarinta, samaynta, iyo qaadista shaakha, Kofeega, iyo cuntada.

Kombuyuutaradan dadka oo kale ahi, waxa ay sidoo kale awood u leeyihiin in ay ku hadlaan luqadaha afafka Japanese-ka, Chinese-ka, Korean-ka, iyo English-ta, waxaana Hutelkan casriga ahi ka kooban yahay laba qeybood, oo midkiiba uu ka kooban yahay 72 qol, waxaana qeybta u horaysa la furi doonaa sida uu qorshuhu yahay 17-ka, bisha, July, ee sannadkan 2015-ka, halka qeybta labaad-na la qorsheeyay in xadhiga laga jari doono marka la gaadho badhtamaha sannadka 2016-ka, waxaanu Huteelkan casriga ahi u si weyn u dhimi doonaa qiimaha kharashkii aadka u badnnaa ee ku bixi jiray shaqaalaha iyo hawl-wadeenada ka hawl-gala Huteelada waaweyn ee casriga ah.

Qiimaha qolalka Huteelkan ayaa noqon doona kuwo ka bilaabmi doona oo qiimahoodu uu isugu jiri doono7,000 Yen, oo lacagta dalka Japan ah oo u dhiganta (USD 60) , halka qolka kali ahi uu noqon doono, 18,000 Yen, oo u dhiganta (USD

COMMENTS
LINKS