Maxay tahay shaqada dhabta ah ee Hogaanka Dhaqanka?By Eng ibraahim | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay tahay shaqada dhabta ah ee Hogaanka Dhaqanka?By Eng ibraahim
February 13, 2015 - Written by Editor:

Waa maxay macnaha dhabta ah ee Suldaan ama madax dhaqameed?

Suldaan waa hogaanka qabiil leeyahay ama degaan kaasi oo loogu talo galay in la miideyo xooga, xirfadaha iyo xoolaha umad ama beeli leedahay, taaso u doortaan hogaan mida oo leh milgo iyo karaamo umadaa qofka Suldaanka noqonayaa uu dheer yahay inta wakhtigaa la nool,

Waana in uu noqdaa mid lagu xusho caqliyad iyo aminimo uu Alle siiyey taaso uu bari ku dhaqi karo umada uu Madexda u noqon karo. Hogaamintaa umada uu masuulka ka noqonayo waa in uu yahay nin lagu bartay waxkasta oo wanaagsan karti iyo isku soo dhawayn dadka ah.sidoo kale wuxuu masuul kayahay wax kasta oo beeshaasi gaysato ama laguyeesho sida

bixinta daymaha,

magaha hormuudna uu kayahay dhamaan khasaare iyo faaidoba sidoo kale Waana in aanay beeshu marnaba ku kala tagin kuna kala jabin in ay mid waliba gaarkii u yeesho Suldaan taasina noqon Gaaradow Gaarad ka lehi akhirkana ay keento in Beeshu kala dhaqaaqdo oo mid waliba Suldaan iskeed u yeelato taasina hadii ay dhacdo in jilib waliba Suldaan samaysto ha la ogaado in wada jirkii wax isku ahaanshii uu sii baabayo hadhowna beeshaasi cid waliba hungarayn karto kaaramaduna kuma jirto Suldaan la yeesho balse waxay ku jirtaa Midnimada oo la xoojiyo bal aan dib u jacleecno wax yaabihii hore ee taariikhiga ahaa ee Somalidu lahayd xaga dhaqanka soo martay iyo wakhtigii dahabka ahaa ee dadkeenu ay beel waliba lahayd Hogaan Alle iyo dada yaqaan ah oo intii uu noolaa ka tagay taariikho badan oo maanta aynu hayno iyo guulo badan oo maanta aynu hadhsanayno hadii ay tahay dhul iyo sharafba.

Balse wajiga cusub ee aynu galnay ee Siyaasadii lagu dhex milay Saldanadii waxay inoo keenaysaa aafo aan hore gayigeena uga dhicin, waxay inoo keenaysaa nacab iyo qabyaalad ka sii xoog badan kana xanuun badan tii aynu naqaanayn, waxay ina gaynaysaa meesha ugu liidata bulshada, waxay dhabarka ka jabin doontaa aqoon yahanada Somaliland, waxay kala furfuraysaa midnimadii iyo wada jirkii dadkii walaalaha ahaa ee isku beesha ahaa. Waxay iyana ka hor imanaysaa nolosha cusub ee magaalda ee aynu qaadanay.

Lasoco qaybaha danbe

Qore: Eng Ibrahim

Email:engibrahim247@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS