|
|||||
WAJAALE NEWS
Masar Oo Soo Bandhigtay Qorshe Lagu Samaynayo Ciidan Carabta Ka Dhexeeya Oo Lagu Wajaho Khatarta Kooxda Daacish
February 23, 2015 - Written by Editor:Cairo:(Wajaalenews)-Xukuumadda waddanka Masar ayaa soo bandhigtay Qorshe lagu alkumayo Ciidamo ay yeeshaan Dalalka Carabtu, kuwaas oo ujeedadooda koowaad tahay sidii la iskaca caabiyi lahaa Xoogagga ISIS. Qorshahan oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Sisiga Masar, ayaa soo baxay maalmo kadib markii diyaaradaha Dagaalka Masaaridu ay weerareen Goobo ay degenaayeen Ciidamada ISIS oo ku yaalla Gudaha Dalka Libya, waxana arrintaas si weyn uga cadhooday Dalka Qadar oo u yeedhay safiirkii u fadhiyey Magaalada Qahira. Sisi ayaa warkan ku sheegay khudbad Axadii shalay lagasii daayey telefishinka dowlada Masar. Wuxuuna sheegay in dalalka Carabta looga baahan yahay inay iska kaashadaan ka hortagida kooxaha hubeysan ee kusoo badanaya dalalka Bariga dhexe. Waa markii ugu horeysay oo hogaamiye carbeed ku baaqo ciidamo Carabta ku mideysan yihiin, xili dowlada Masar ay la tacaaleyso dagaalka uga socda gobalka Siinaay ee bariga dalkaasi iyo waliba xoogaga ku biiray ISIS ee u sugan dalka Galbeedka uga beegan ee Liibiya. Madaxweynaha Masar ayaa ka hadlay duqeymihii diyaaradahooda dagaalka la beegsadeen dalka Liibiya, isagoo sheegay inay duqeeyeen 13 goobood oo si qoto dheer looga baadhaan degay horeyna loogu sii sahamiyey. Dhinaca kale Sisi ayaa markale beeniyey cajalad cod ah oo dhawaan telefishin u yaal Masar laga siidaayey, cajaladaasi oo laga maqlayey Sisi iyo gacanyaraashiisa oo dhaliilaya dalalka Khaliijka ee hore taageerada dhaqaale u siiyey wadanka Masar. Sisi ayaa fadeexadaasi kadib ku khasbanaaday inuu khadka telefonka kula hadlo dalalka Khaliijka hogaamiyayaashooda si uu ugu muujiyo taageeradiisa. Waxaa hore u jiray hadal heynta in laga yaabo in isbaheysi ciidan ay wada sameystaan dalalka Masar, Kuwait, Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, walow aanay dalalkaasi weli si rasmi ah ugu heshiin ciidamo ay ku mideysan yihiin.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|