|
|||||
WAJAALE NEWS
Mareykanka Oo Ka Hadlay Xayiraada Lagu Soo Rogay Xawaaladaha Somalida
February 13, 2015 - Written by Editor:Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Jen Psaki Oo Qabatay Shir Jaraaid Ayaa Sheegtay Inay Aad Uga Welwelsan Yihiin Washington(Wajaalenews):- Dowladda Mareykanka Ayaa Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Bankiyada Dalkeeda Oo Xiriirka U Jaray Xawaaladaha Soomaalida Ee La Marin Jiray Lacagaha Ku Socda Soomaalida Ku Nool Gudaha Dalka, Taasoo Siyaabo Kala Duwan Ay Uga Hadleen Xildhibaanno Mareykan Ah. Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Jen Psaki Oo Qabatay Shir Jaraa’id Ayaa Sheegtay Inay Aad Uga Welwelsan Yihiin Joojinta Lacagihii Soomaaliya Loo Diri Jiray. Waxayna Ay Intaas Ku Dartay Inay Arrintan Kala Hadlayaan Madaxda Jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka Iyo Bangigii Xiriirka U Jaray Xawaaladaha. Sidoo Kale, Haweeneydan Ayaa Xustay In Dowladda Mareykanka Ay Si Rasmi Ah U Billaabayso Dadaallo Dib Loogu Fasaxayo Xawaaladaha Soomaalida Inay Lacagaha U Diri Karaan Soomaaliya. Si Ay Dadka Gudaha Ku Nool U Helaan Biil Ay Noloshooda Ku Maareeyaan. Dhawaan Ayey Aheyd Markii Qaramada Midoobay Ka Hadashay Saameynta Ay Yeelan Karto In La Xiro Xawaaladaha Soomaalida
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|