Madaxweynaha Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Magaaladda Hargeysa Loogu Sameeyay Xildhibaan Dhugad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Magaaladda Hargeysa Loogu Sameeyay Xildhibaan Dhugad
February 9, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (W.N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa Maanta Ka Qaybgalay Aaska Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) oo xalay ku geeriyooday Hargeysa Maanta Lagu Aasay Xabaalaha Naaso Hablood.

Madaxweynaha oo ka hor intii aanu Aaska Tegin tacsi u diray Marxuumka, ayaa hadal kooban oo uu xabaasha dusheeda ka jeediyey marxuumka ugu duceeyey, isla-markaana u rajeeyey in eebe naxariistiisa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay inay saaxiib dheer soo ahaayeen Marxuumka, isla-markaana uu kamid ahaa Odayaashii dhidibada u aasay Nabadda iyo Degenaanshaha Dalka, waxana uu carrabka ku adkeeyey inuu gebi ahaanba qaranka iyo Ehelkii uu ka baxay ka Tacsiyadaynayo.

siilaanyo aaska dhugad
siilaanyo-aaska-dhugad

PHOTO PROFILE: madaxweyne siilaanyo,wasiirka A.Guddaha,G.baarlamanka,Maayir xigeenka caasimaada iyo Sacayb Gaab oo ka qaybgalay aaskii qaran ee xildhibaan DHUGAD

Aaska Marxuumka, ayaa wax aka qaybgalay Xubno Tiro badan oo iskugu jira Golayaasha Guurtida, Wakiillada, Wasiirrada iyo Xubno kamid ahaa Golayaasha Mucaaridka, waxana Dhamaantood ay eebe uga Baryeen inuu Jannadii ka waraabiyo.

Marxuum dhugad oo kamid ahaa Odayaasha ugu da’da weyn Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Habeenkii xalay ku Geeriyooday Hargeysa, waxana maanta Loo sameeyey Aas Qaran.

COMMENTS
LINKS