|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Shacabka Djabouti Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Guddoomiyihii Baarlamaanka Dalkaasi
February 12, 2015 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Golaha Barlamaanka Jabuuti, Dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, iyo Shacbigeeda oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Gudoomihii barlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, Golaha barlamaanka, guud ahaan laamaha dawlada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Jabuuti ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo masuulkaasi ka baxay ummadda Jabuuti.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Naasir Yuusuf Daahir Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL. Related posts:“Qarankani Cid Buu Doortay, Hawl Walba Cid Buu u Doortay, Madaxweynaha Iyo Ciddii Uu Talo Moodo Aya... DAAWO;Profesor Axmed Smaciil Samatar muxuu ka yidhi khilaaf ka dhashay Fagaare uu Qadiyada Somalilan... Munaasibad Qasriga Madaxtooyada Caawa Oo Lagu Qabtay Wufuudii Kasoo Qaybgalay Xuska 18may Ee Qarann... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|