|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl oo Maanta ka qaybgalay Furitaanka Guriyo cusub oo loo dhisay Dadka barakacayaasha ah,SAWIRO
February 1, 2015 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews) Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ka duulaya sinaanta iyo cadaalada shacbiga somaliland, waxa uu maanta boqasho ku tegay Xaafada barakacayaasha ee Ayaha 4 ama Sheekh Sancaani. madaxweynaha oo ka qaybgalay xaflada furitaanka 350 Guri oo cusub looguna talogalay dadka danyarta ah ee degan qaybka mida caasimada Somaliland ee Hargeysa oo 8aad goobood laga soo raray loona qaybiyey 350 ka guri oo ay iskood u yeelan doonaan dadkaasi laga bilaabo maanta, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Kayd biyood oo xaafadaasi loo sameeyey. talaabadan oo noqondoonta mid dhiirigelindoonta guud ahaan danyarta dalka ayuu madaxweynuhu goobjoog ka noqday, una mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay dhismeyaashan iyo deegaamaynta dadka danyarta ah Wasiirka Wasaarada Dib U Dijinta Axmed Cabdi Kaahin Oo Isna Munaasibadaasi ka Hadlay Ayaa Waxaa Uu Ka Sheekeyey Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Mashruucani Soo Maray Waxana Uu Yidhi “Waxaan Dadweynaha U Sheegaya Aniga Oo U Mahad Naqaya Hayaadihii Nalagala Qeyb Qaatay Mashruucan In Aan Halkan Oo Qudha Waxba Laga Dhiseyn Balse Gobalada Somaliland Oo Dhan Laga Dhisaayo Siyaasadaasina Ay Tahay Siyaasadii Uu Madaxweynuhu Noo Dhigay Ee Uu Yidhi Danyarta Wax Ha Loo Qabto Waxaan Idiin Leeyahay Kuwa Bari Toole Idiin Odhanaya Waxba Dawladu May Dhisin Waxaad Ku Tidhaahdan Beenalayaal. Hayada WFP Waxay Balan Qaaden In Ay Wadada Xafadan U Dhisaan Iyo In Ay Raashinka Siyaan Xaafdan Ee Taasna Ogaaada Jidkii Dhibaatadu Ka Jirtayna Waa Laydiin Dhisayaa Ee Taasna Ogaada” Ayuu Ku Soo Koobay Hadalkisi Wasiirka Wasaarada Dib U Dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin Oo Munaasibadaasi Ka Hadlay . Ugu Danbeyntiii Madaxweynaha Somaliland Oo Munaasibadasi Ka hadlay Soona Afmeeray Xaflda Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Ay Aad Uga War Heyn Doonan Dadka Danyarta Ah Isla Markaana Ay Ku Daadali Doonan Ka Xukuumad Ahaan In Ay Ka Soo Baxaan Wajibka Ay Ku Leeyahiin Dadka Danyarta Ahi Waxaana Uu Yidhi “Dadweynaha Halkan Isugu Yimid Ee Qiimaha Iyo Qaayaha Leh Aad Iyo Aad Baan Idiinka Mahad Naqayaa Sida Wacan Ee Dhaqanka Idiin Ah Ee Aad Noo Soo Dhaweyseen Waxaan Leeyahay Halkan Aynu Joogno Ee Aynu Ugu Dabaal Degano Isla Markaana Aynu Dajineyno Dadkii Qaxoontiga Ahaa Oo Aynu Dooneyno In Meel Fiican Iyo Wax Wanaagsan Ku Nooladaan Waxaana Weeye In Aynu U Mahad Naqano Dawladihii Iyo Hayaadahii Ka Qeyb Galay Aad Iyo Aadna Waan Ugu Mahad Naqayaa. Waxaan Idiin Cadeynayaa In Hadii Aynu Nahay Xukuumada Somaliland In Aanu Diyaar U Nahay Oo Qeyb Libaax Leh Ka Qaadan Doono Waxii Dadka Dantiisa Ah Umdaas Qaxoontiga Ah Waajibka Naga Saaran Aanu Ka Soo Baxano” Ayuu Ku Soo Koobey Hadalkiisii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo).
Related posts:Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Dhismaha Xarunta Agoomaha Oo Kuwait Ka Hirgalinayso ... Madaxwaynaha Somaliya Oo Sheegay In Ay Ku Hawlan Yihiin Sidii Laysku Waydaarsan Lahaa Maxaabiistii l... DAAWO;-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo ka Hadlay Arinta Kasoo Cusboonaatay Gobolka Sanaag Iyo Fariinta U... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|