Madaxweynaha Dalka Djibouti oo Maanta magaalada muqdisho safar ku Gaadhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dalka Djibouti oo Maanta magaalada muqdisho safar ku Gaadhay.
February 21, 2015 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

madaxweyne-geelle

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta safar ku tegey magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.

 

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Akadeemiyad Goboleedka Daryeelka afka Soomaaliga, kaasi oo laga dhisayo degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Safarka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii qarax xooggan loo geystay Central Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen illaa 25 qof.

 

COMMENTS
LINKS