|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyn-ku-xigeenka Iyo Xubno Wasiirro ah Oo Maanta Aqalkiisa Ku Booqday Wasiirkii Shaqada Oo Muddo Xanuunsanayey
February 20, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo xubno wasiirro ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta aqalkiisa ku booqday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre(garaad) oo muddo xanuunsanayey. Xubnahan, ayaa salaam iyo duco ugu tegay wasiirka Xanuunsanaya, waxana ay u rajeeyeen inuu eebe siiyo caafimaad sareecan ah, waxana ay tuseen sida ay u garab taagan yihiin xaalkasta oo uu ku sugan yahay. Wasiir garaad, ayaa sida la sheegay u mahad celiyey Madaxweyne-ku-xigeenka, waxana uu sheegay inuu haatan dareemayo kasoo rayn muuqata. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo kamid ah Wasiirrada ugu da’da weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa in muddo ah xanuun loo tirinayey, waxana uu dhawaan kasoo laabtay safar Caafimaad oo uu dalka dibadiisa ugu kacay, balse wali xanuunkii kama uu wada tegin. Related posts:Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiradadii Ugu Badnayd Ee... DAAWO:MAAMULKA TOG-WAJAALE OO MAANTA BILAABAY WADADII UGU BALAADHNAYD EE LAGA HIRGALIYO MAGAALADA TO... Muwaadin Cabasho Ka Muujiyay Dhul Uu Leeyahay Oo Wado Lagu Soo Duway Iyo Fariinta Uu Udiray Maayark... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|