|
|||||
WAJAALE NEWS
Maantana Ma Dhugad-Baa Aakhiro U Dhaadhacay” Tix Maanso Ah Oo Wariye A.A.Ciidle Ugu Baroor-Diiqay Marxuum DHUGAD
February 10, 2015 - Written by Editor:Shalay oo ahayd Maalin Isniin ah waxaa Geeridii xaqa ahayd ay ku timid Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Ibraahin oo ku magac dheeraa (Dhugad) oo ka tirsanaa odayaashii dhifka iyo nadirka ahaa ee ka sii hadhay odayaashii taariikhda faca wayn ku lahaa halagankii dalkan lagu xoreeyay Aadan cabdi ciidleisla mar ahaantaana ka tirsanaa Golahii dhidibada u taagay magaca galaha faca iyo taariikh wayn ee Golaha Guurtida Somaliland ,geeridu waa xaq oo waa loo dhashaa waxaase qalin ka iyo waraaqda ii geeyay taariikhda faca wayn raganimada iyo geesinimada uu Alla ku manaystay marxuun Dhugad ,waxaanan anigoon magac ku lahayn boga maansada ayaan hadana is idhi haka aamusin inaad ereyo ka idhaa maanso baroor diiq ah oo aan ugu wanqalay maantana ma dhugadbaa aakhiro u dhaadhacay , MAANTANA MA DHUGAD-baa AAKHIRO U DHAADHACAY waana tan maansadii . Waa dharaarba dharaare
Geeri waa u dhalasho o
Dhulka inaynu hoos gali Dhagaha iyo aragaba Waa loo dhur sugayaa In la dhimani doonana Noolahu waa og soonyahay Hayeeshee dhulkaa go’ay Oo dhagahaa diidoo waa geeri Dhugasha le qofka aanad Quudhayn qudhu inay Sudhnaataan ila qaabil odhan laa Dhugadbaa dhintaa dhagaha Iigu duuloo madhabaa warkani tolow Kuye waa dhaboo dhugad aakhiruu tagay oo iilka lagu dhabab dhabaan warkaa uqaatoo Allaylahe qodbaa dhacay gurtidii dhumucda waynayd
taariikhdan noo dhigay geesiyadii dhaxantiyo Dhagar iga xoreeyee magacaygan dheeriyo Sidii dahab dhalaaliyo Dawladnimadan inoo dhigay Geesi dhumucda wayniyo Dhererkiisa lahadhsado Iyo magacii dheeraa Dhugad wuu dhintaydii Dhabay noqotay dheehaw Afartaa dhe taataariikh Baroor diiq aan uga dhigay Waa dhugade ila qora Magaciisa dhugadka ah Dhab u fiirsha garashada Dhugad faalso gaariyo Dhayal inuu ka dheer yahay Idinkuba dhadhamiyoo Saw dhraarcad muu noqon Afartaakalena dhe magac dhigid Iyo dhawr afeefood ukala dhigan U taaliyo isu dhigantan aan wado Ila dhuuxa weeyaan Beend halaalin maayee runta dhuuxa weeyaan garashada dhaaririi lasoomaray iyo daalkii dheeraa dhiigii arlada simay
iyo dhaawacii yiil dhab ragii udagaalamay eecadawga kala dhigay dhugadbaa u hormood ahaa dharaar hoogle iyo nabad wuusoo dhextaagnaa magaciisa dheerbaad raga inuu waxdheeraa dheehaw ka garataa dheerida lafta u dhaladka ah iyo hadalka kala dhigan garashadiisii dheerayd Ee ninka uu dhirbaax Dhulka uu ku dhici jiray Dhagahaan iloobayn Dadku wada dad weeyee Dadka waxaynu dheerayn odayaal dhumucda waynoo Dhererkana laxaadlahaa Dhab ilaahay u caabuda Runtana dhinaca saaroo Beentana aan dharka u xidhan Oo magaca laga dhigay Guurti lagu dhabaan dhabay Dhaylka aan wax u aqoon Dal inaynu noqonay Duubka dheer u qaateen Dhaqaale may danayn jirin Dhawrsanidaa u magac ahayd
Dhibta may dareemayn Dhulkoo wada waraabe Oo siyaasi dhogor lihi kolba dhinac uloogoo Dhankee loo socdaa iyo Dhinac laysku sheehaa Dhulkayagu aqoonbaa Dhoolkaasi noo da ay Dhalasho iyo dhaqaalaba Dhabay ugu dhaqaaqeen Dhiig damiyayaashii Dhulka dabad noo dhigay Geeribaa dhamaysaye Dhawrninoo inoo hadahay Dhugad baw dambeeyoo lagu dhabayabay iilkii marka hore intuu dhalay iyo intaysii dhaleenbaan samirka dhuuqa leeyahay ducada u dhigaan idhi marka xiga dhulkaygiyo qarankeenan dhiganbaan samair oofaha u dhigay marka xigana dheehaw iilkaa uu u dhaadhacay kaad u dhlatay weeyaan rabiyaw hagu dhibin dhabanka roogle raaxiyo barkimada halguu dhigo udgoon aan ku dhibinoo
waxloo dhigaa aralada jirin rabi kuugu dhaadhici naxariista dhuuxa le iilku guguma dhuubtoo dhibna kuuma gaystoo dhabwaxaad u doontana iyadoo aan dheeraan kiiyoo dhita dadag kuugu dhaadhici naartaay ka dheeraw dhinaciisa dhugadoo janadana dhexda u joog dharaartaynu sugaynanayna inta aan dhiba u mudan rabigay hakaa dhigo Een dhididku lagu dhibin kuwa aan dhanaanaan ee nabi maxamad dhexda ugala rabigay hakaa dhigo dhulkii aadka dhimatayee magacaaga dheeriyo dhalashada iyo dhaqashada Aadkuugu dheeraa inaan muuqa gudkiyo dhab u xabaalka mooyee magacaagu anu dhiman baan oo taariikhda lagu dhigo dharaaraha dambeeyaan
dhaarkuugu marayaa dhugad muuqa mooyee magaciisu muu dhiman aqalkaad ka dhimaytayna inuu sii dhisnaadoo sii dhalaalo waligiii oonmagacu naga dhiman dheemaalka diidaan magacooda dhiifka dhulka ayka qaadaan Sharaftooda dhawrtaan hoygii dhaxalka aanu noqon dhab dalka ugu shaqeeyaan dhiig miirta yaaliyo dhaameelquute aanay noqon magacoodu aanu dhiman ilaaahay u dhaarteen iyo shicibka dhawrtaan afartaana dheehaw waano aan dhito u dhigay dhiisha guutida ma ugu shubay gabay dhaanto maahee waabaroor diiiq dhito ahoo dhugad lagu galbiyee dhagtii maqashaay ila qabo dhawr faataxa umara dhugad inuu janada galo dhexdawaafo waligii aamiinta ilaha dhaha
dhamaad
QALINKII A,A,CIIDLE HARGAYSA SOOMAALILAND COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|