|
|||||
WAJAALE NEWS
Ma Dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Badhasaabka Awdal U Magacaabayo Ramaax Oo Ah Badhasaabka Sanaag?
February 7, 2015 - Written by Editor:
Badhasaabka gobalka Sanaag Md. Maxamuud Cali Saleban (Ramaax) ayaa la filayaa inuu noqdo badhasaabka cusub ee gobalka Awdal oo uu xilka kala wareego badhasaabka wakhtigan Cabdoo Axmed Aayar. Lama garanayo in Mr. Aayar loo wareejin doono gobal kale iyo in xilka laga qaadi doono. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xilalka ka qaadi doonaa madaxda hay’adaha madaxabanaan ee dawladda qaarkood oo la filayo in loo magacaabo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Awdal oo ay dhawaan madaxdhaqameedkiisu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen tabasho dhinaca saami qaybsiga ah. Isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista madaxweyne Siilaanyo oo ay bulshadu isha ku hayso ayaa la filayaa inay toddobaadkan soo baxdo. Related posts:Qaar Ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo Kulan Kadis ah La Yeeshay Aqoonyahan Maxamed Cali Bi... Daawo: Faysal Cali Waraabe Oo Faah-faahin Ka Bixiyey Kulankii Ay Maanta Wafti Ka Socday Ingiriisku L... Qoyska Sarkaalkii Lagu Diley Deegaanka Goroyo Cawl Marxuum Cabdirasaaq Dalmar Oo Sheegay In Madaxyn... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|