|
|||||
WAJAALE NEWS
Ma dhab-baa in Xukuumadda Somaliland Qayb ka Tahay Daraasad Qarsoodi ah oo laysugu soo Dhawaynayo Wada-Xaajoodka Soomaaliya?
February 5, 2015 - Written by Editor:Wargeyska Himilo Ayaa dabagal ku sameeyay warbixin daaha kafayday oo ay dhawaan qortay shabakada caalimaga ah ee WAJAALENEWS Soona bandhigtay haayado dalka dhexdiisa ka wada fikirka federalka hormuudna ka tahay CDI Hadaba halkan ka akhri Xog-waraysi la yeeshay Madaxda Hay’adda Daraasadda Samaysay Nairobi, (Wajaalenews)- Hay’ad lagu magacaabo Conflict Dynamics, ayaa dhowaan soo saartay daraasad ku saabsan qaabka ugu habboon ee xalka u noqon kara is-afgarad laga gaadho wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyadaa oo aan ilaa immika si madax-bannaan loo soo bandhigin daraasaddan. iHordhac ku saabsan Daraasadan oo hay’adda CD shaacisay, ayaa lagu sheegay in Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ay u taalo hawl muhiim ah oo la xidhiidha dhismaha dawladeed si xal looga gaadho wada-xaajoodka labada dhinac, taas oo ka dhalan karta isla markaana dhiirrigelin ka helaysa nidaam ku salaysan dhaqanka Soomaaliyeed ee ay wadaagaan. Inkasta oo hay’addani ujeeddada daraasada ku sheegtay mid ku kooban bixinta fikrado wax ku biirinaya wada-xaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana aanay ahayn mid talooyin loogu jeedinayo, ayaa wargeyska HIMILO si uu faahfaahin dheeraad ah uga helo muhiimada daraasadan iyo macluumaad la xidhiidha, waxa uu xidhiidh la sameeyey Agaasimaha hay’adda Conflict Dynamics Mr. Paul Simkin oo aanu weydiinnay ujeeddada daraasadda iyo haddii ay u bandhigeen madaxda Somaliland ama Soomaaliya. Mr. Paul Simkin waxa u u sheegay inaanay sharciyan awood u lahayn inay la wadaagaan bulshada hawlaha ay la wadaagaan masuuliyiinta Somaliland iyo Soomaaliya maadama ay yihiin kuwo qarsoon. Sarkaalkani waxa uu gebi-ahaanba ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka faahfaahin ka bixiyo nuxurka ay xambaarsan tahay iyo ujeeddada ay ka leeyihiin, isaga oo ku dooday in hawshoodu tahay mid qarsoodi ah oo ka dhaxaysa cidda ay xidhiidhka ka leeyihiin, waxaanu yidhi, “Taageerada hay’adda Conflict Dynamics ee hawshan waxaanu u samaynaa qaab qarsoodi ah, suurtagalna maaha inaan idinla wadaagno fikradaha dhinacyada aanu la shaqeyno.” Mr. Simkin waxa uu sheegay in ka hadalka arrintani ka go’do oo kaliya madaxda Somaliland ama Soomaaliya oo uu dhinacooda isaga riixay, waxaanu yidhi, “Hadii hogaamiyeyaasha Somaliland ama Soomaaliya jecelyihiin inay idinla wadaagaan fikradahooda, waxaan kugula tallin lahaa inaad toos ula xidhiidho iyaga. Xal waara waxa uu ka iman karaa keliya shacabka iyo hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.
XIGASHO WARGAYSKA HIMILO COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|