KUMUU AHAA AQOONYAHAN CABDIXAMIID MAXAMUUD GADHLE OO MAANTA KU GEERIYOODEY QARAXII HOTEL CENTRAL EE MAGAALADA MUQDISHO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
KUMUU AHAA AQOONYAHAN CABDIXAMIID MAXAMUUD GADHLE OO MAANTA KU GEERIYOODEY QARAXII HOTEL CENTRAL EE MAGAALADA MUQDISHO
February 21, 2015 - Written by Editor:

CABDIXAMIID5
Waxaa Maanta Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Gaar Ahaan Hotel Centeral Ku Geeriyooday Allah ha u naxariistee Cabdixamiid X.Maxamuud Cumar Axmed (Cabdixamiid Gadhle) oo ka mid ahaa Haldoorka dhalin yarada Somaliland .

Cabdixamiid waxa uu ku dhashay Magaalada Gabiley bishii labaad ee sanadkii 1982 halkaas oo uu ku soo barbaaray waxbarashadii hoose, dhexe iyo sare waxaanu dhamaystay dugsiga sarre ee timacade sanadkii 2004 tii isagoo ahaa radyagii kaalinta labaad galay dhamaan ardaydii somoliland ee u fadhiisatay imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sarre ,waxbarashadii Jaamacaded ee degree ga ahayd waxa uu ku soo qaatay wadamada Kenya iyo Uganda .

kadib waxa uu kusoo noqday S.land ,waxanu ka shaqeeyay Hayado badan oo wadanka dagan Sida Save The Children , sandkii 2012 ka ayuu waxbarsho sare ee Master ta u tagay wadanka Austeria magaalada Viena halkaas oo uu ku soo qaatay shahaadada Master degree (MBA) .

alle ha u naxariistee aqoonyahan cabdixamiid maxauud gadhle waxuu ahaa haldoorka dhalinyarada aqoonyahanka ah ee somaliland islamarkaana waxaa lagu yaqaanay dhaqan hufan iyo dadnimo heersaraysa waxuu ahaa nin hami durugsan iyo hilaad fog oo leh inta hal ee rag lagu qiimeeyo waxuu ahaa shaqsi saaxibal cibaado ah oo salaad aan salaad ku dari jirin, waxuu ahaa nin afkiisa iyo adinkiisaba ay ka amaan helaan umada islaamkii

Cabdi xamiid Allah ha u naxariistee waxa uu imika ahaa Masuulka ugu sareeya hayada American Refugee Council (ARC) u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland waxanu xafiis ku lahaa magaalada Muqdisho .

Allah ha u naxariistee Cabdi xamid shalay ayuu ka tagay Magalada Hargeysa isaga oo maantana lagu dilay Magaalada Muqdisho. isagoo tukanaya salaadii jimce .
Guud ahaan Gobolka gabiley ayay caawa u tahay habeen madaw iyada oo aad loo hadal hayo geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuum Cabdixamid Gadhle .

Waxaa la filyaa In Maalinta Axada maydka marxunka la keeno Somaliland oo halkaas lagu aasi doono Inaalillah wa inaa elleyhi raajicuun .
CABDIXAMIID 1

CABDIXAMIID 4

CABDIXAMIID2

CABDIXAMIID3

CABDIXAMIID5

CABDIXAMIID6

COMMENTS
LINKS