|
|||||
WAJAALE NEWS
Kooxda Daacish Oo Qoorta Ka Gooyey Wariye Reer Japan Ahaa Oo Ay Hasyteen
February 1, 2015 - Written by Editor:Mousil:(Wajaalenews)-Kooxda Islaamiga ah ee Daacish, ayaa soo bandhigtay Muuqaal ay ku muujinayaan qoorgooyo ay ku sameeyeen Wariye Reer Japan ahaa oo ay gacanta ku hayeen. Ninkan lagu magacaabo Kenji Goto, ayaa ka dambeeyey markii ay dhaamatay muddo 72-saacadood ahayd oo u qabteen sii dayntiisa, iyadoo ay xukuumadda Japan si toos ah uga jawaabi weyday Dalab kooxdu ku xidhay Nolosha Wariyahaas. Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa si kulul u cambaareeyay falkan argagaxa leh, isagoo ku tilmaamay ficil argagixiso ah, wuxuuna cadeeyay in caalamka ay iskala kaashanayaan sidii ay cadaalada loo horkeeni lahaa kuwii falkan ka dambeeyay. Mr Abe ayaa sheegay inaanu marnaba cafin doonin kuwii ficilkan geystay, wuxuuna xusay in aanay isu dhiibi doonin argagixisada. Daacish ayaa goor sii horeysay gowracday Haruna Yukawa oo ahaa qandaraasle milateri, markii ay dhamaatay 72-saacadood oo ay dowladda Japan u qabteen inay ku bixiyaan lacag madax furasho gaadheysa ilaa 200 milyan oo dollar. Wariye Kenji Goto ayaa ahaa nin aad looga qadariyo Japan, waxaa bishii October ee sanadkii hore laga qafaashay magaalada Kobane ee dalka Suuriya, halkaasoo uu ka soo tabinayay dagaalada ka socday. Daacish ayaa doonayay in wariyahan u dhashay Japan iyo duuliyihii reer Jordan ee lagu magacaabayay Mucaad Kasasbah ay ku bedeshaan haweeneydii ku fashilantay weeraradii ismiidaaminta ee ka dhacay caasimada Camaan ee Jordan sanadkii 2005 ee lagu magacaabo Sajida Al-Rishawi oo ku jirta xabsi kuna xukuman dil. Haweeneydan oo u dhalatay dalka Ciraaq ayaa iyada, ninkeeda iyo ruux kale ay ka dambeereen weeraradii ka dhacay Jordan sanadkii 2005, kaasoo ay ku dhinteen ilaa lixdan ruux, inkastoo Sajida intii ay dooneysay inay si qarxiso aanu bamkii ku xirnaa u qarxin, sidaasna ay ciidamada ammaanka ku qabteen. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|