Khasaaraha Ka Dhashay Isku-Dhac Dhexmaray Ciidamada Qaranka Iyo Malleeshiyo-Beeleed Taabacsan Kooxda Khaatumo
February 18, 2015 - Written by Editor:
Hargeysa,(Wajaalenews)- Dagaal muddo kooban socday, ayaa duleedka magaalada Horufadhi ee gobolka Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyo-beeleed taabacsan kooxda la magac-baxday Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif.
Ma jiro wax khasaare oo Ciidanka Qaranka ka soo gaadhay isku-dhaca dhexmaray maleeshiyo-beeleed, sida ay xaqiijiyeen wararka aanu ka helnay Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.
Warar waxa uu intaas ku daray in Ujeeddada kormeerka nabadgelyo ee ciidamada Qaranka oo ka baxay laba fadhiisin oo ay ku leeyihiin deegaannad Qurulugud iyo Yeyle, uu ka dambeeyey kaddib ka war-heleen dhaq-dhaqaaqyada ciidan beeleedyo isku urursanaya duleedka magaalada Horufadhi, halkaas oo la sheegay in loogu diyaar-garoobayey soo-dhawaynta nin xil wasiir ka haya maamul-goboleedka Puntland oo doonayey inuu booqdo deegaankaas.
Malleeshiyo-beeleedka hawl-galkooda laga war-helayey, ayay isku-dhaceen Cutub ka tirsan Ciidanka qaranka oo ka tagay degmada Qorulud, kuwaas oo kala dareeriyey maleeshiyaadka oo markii dambe gudaha u galay magaalada Horufadhi.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay deegaannadaas, Ciidamada Qaranka ayaa markii dambe gaadhay isla markaana fadhiisin ka dhigtay magaalada Ceegaag oo dhinaca Woqooyi Bari 10 KM ka xigta magaalada Horufadhi