Jawaab Daahir Calasow Tafatiraha mareegta Waaga cusub oo Somaliland ku eedeeyay in ay ku lug lahayd qarraxii Muqdisho Hotel Central. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jawaab Daahir Calasow Tafatiraha mareegta Waaga cusub oo Somaliland ku eedeeyay in ay ku lug lahayd qarraxii Muqdisho Hotel Central.
February 23, 2015 - Written by Editor:

( Qalin Maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim) phone 4442363

FG: qoraalka Daahir Calasow oo dhaammaystiran hoos ka akhri “qoraalkan inta aan calaamadda madow u sameeyay waa meelihii aan is lahaa gefef baa ku jira ayaan suntay, siday iila muuqatayna waan ku hor qoray”, waxaan codsanayaa wixii gef qoraalleed ah inaan la ii raacin aniga, waxaan ku soo min-guuriyay sidii ay ugu qornayd degalka www.waahacusub.com,

Waxaan soo akhriyay laba maqaal oo is burrinaya, iskana hor imanaya oo uu qoray suxufi isku sheegga qoraalkiisu ku dhisan yahay hayb-ceyb ka Daahir Calasow. Labada qoraal labadaba wuxuu adeegsaday haddallo meel ka dhac ah.                 Isku soo wada xoori oo waxa qoraalkiisa ka soo burqanaya, hunguri xumo, Somaliland nacayb iyo been abuurad.  Waxaana ka mida:-

Hotel-ka waxaa la sheegay iney iibsatay Xaaska Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris Maxamud Jirde:- siduu qoruhu sheegay Aamina Waris oo ah Marwada kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hudheelka Central iibsatay. gef iyo meel ka dhac weyn weeyaan in Aamina waris oo hooyadii Qaranka Somaliland ah oo ixtiraam iyo karaamo dhammaanteen naga mudan in Daahir calasow ku eedeeyo wax aanay kaba war qabin, arrintanna wuxuu uga jeedaa bahdilaad iyo in marwadu musuq-maasuq samaysay oo hudheello ay iibsatay. Hore wuxuu qoruhu maqaalkan ugu sheegay in qarax Somaliland laga soo agaasimay, waxaa kale oo uu sheegay in Aamina waris ay hudheelka iibsatay, waxa iyana uu inoo sheegay in Somaliland cadaawad ay somaaliya u qabto darteed uga soo hor jeedo amni iyo xasilooni ka suurto gasha muqdiso soomaaliya. Intuba waa been aan sal iyo raad lahayn.

 

  • Sikastaba ha ahaatee weerarka Muqdisho ka dhacay wuxuu ahaa mid laga soo abaabulay Hargeysa ,waxaana la rumeeysan yahay inuu qeyb ka yahay cadaawadda Maamulka Somaliland ku burburinayaan deganaanshaha Muqdisho:- waxaa masiibo weyn ah in suxufi soomaali ah qoraalkan oo kale uu qoro, wuxuu ku bilaabay haddalkiisa (si kastaba ha ahaatee) waa meeris ay diin-laaweyaashu adeegsadaan, qofka muslinka ahi wuxu aaminsan yahay in ay tahay uun siduu rabbi qadaro iyo siduu rabbi doonno ee aannay ahayn si kastaba, Daahir Calasow, wuxuu sheegay in qaraxanni ahaa mid laga soo abaabulay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeisa, qoraha waxaan xasuusinayaa in Somaliland aanay ahayn hoyga aragagixasada ee ay tahay hoyga nabadda-dagannaanshaha-walaaltinada iyo jaar wanaagga, Somaliland iyadaa kharashka ugu badan ku bixisa la dagaallanka Argagixisada iyo Amni-darada, Argagixisadu Somaliland lafteeda ayay qarxiyeen maalin iyo habeenna isku dayaan inay qarxiyaan, waxaanan kaga badbaadnaa illaalada rabbi, dadaalka xukuumaddayda, ciidanka Qaranka iyo shacabka reer Somaliland oo is kaashada.

 Isla kudladda haddal ee uu qoruhu qoray ayaa iska hor imanaysa, halka hore wuxuu ku sheegay in weerarkan laga soo agaasimay Hargeisa, haddana dhammaadka wuxuu ku qoray waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay cadaawadda maamulka Somaliland ku burburinayo degannaanshaha. waxaa is waydiin mudan,

Yaa caddeeyay?

Yaa rumaysan?

Yuu qoraalkan ka soo xigtay Daahir calasow?

Muxuu ku caddayn karaa in Hargeisa laga soo agaasimay qaraxan?

Intaaba isagoon ka jawaabin ayuu si indho la’aan ah wax u qoray. waxaannu ka baxay dhammaan xeerarkii iyo qawaanniintii saxaafadda iyo qoraalka. intaaba marka laga yimaado inanka qoraalkan qoray, hadduu ii yimaaddo seddex bilood waxaan bari lahaa sida Af-soomaaliga wax loogu qoro. waayo wuxuu qoray maaha wax la odhan karo suxufi ayaa qoray.

Aan ku soo laabto in ay jirto cadaawad iyo nactoonyo Somaliland iyo Somalia ka dhexeeya, waa been aan sal iyo raad lahayn, Somaliland waxaa degan, dad aad u badan oo asal ahaan ka soo jeeda koonfur. dad kaasi waxay ku jiraan dabaqad kasta oo nolosha ka mida, Ganacsiga, waxbarashada, Ururada, kooxaha kubbadda, Fanka iyo meel kastaba.   xukuumad iyo shicib ma jirto cid u muujisa xumaan, waxaa la tusaa walaalnimo iyo wada dhalasho, markaa haddii ay cadaawaddi jiri lahayd halkaa ayay ka muuqan lahayd.

Waxaan hubaa anigoo muwaadin reer somaliland ah haddii uu wiil muqdisho ku dhashay kana soo jeeda deegaan ahaan koonfur uu tilifoonkayga gacanta igu qabsado oo aan saldhigga is la tagno, in taliyuhu saldhiggu mudnaanta koowaad siinayo wiilka reer koonfureed, waxaasi waa illaalinta walaalnimada.

 Nabadsugida iyo Sirdoonka Somaliya ayaa ku fashilantay hawshii umadda Soomaaliya ka sugeysay:- haddii nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ku fashilantay, aduu xogtahan aad leedahay waa la xaqiijiyay xageed ka keentay?           “Ma waxaad noo sheegaysaa in shaqaalaha mareegtaadu ka war sugan yahay kana war badan yahay ciidanka sirdoonka Qaranka soomaaliya?!”

 Ninkaan oo aan ka gaabsanay faafinta magaciisa ,heeystayna dhalashadda Ingiriiska,kana tegay Magaaladda Cirdiff ee dalka Ingiriiska ayaa wax badan deganaa Hotelka ,wuxuuna qaraabo la ahaa Reerka iska leh Hotel-ka ee Ilma Jirde Xuseen:- masiibo weyn ayaan u arkaa inaad tidhaa nin ummadda xasuuqay magaciisa ayaan ka gaabsanayaa, taasina waa fallaadh muujinaysa inuu jiro xidhiidh idinka dhexeeya adiga iyo Argagixisada waayo haddii aanu jiri lahayn kamaad gaabsateen inaad magacooda soo qorto.

         Tanna waxay muujinaysaa in aanad aduu ka madax bannaanayn iyaga.waxaa kale oo wax laga naxo ah in Ganacsato caan ah oo Somaliland- Ethiopia- Djibouti iyo Somalia intaba sumcad ku leh inaad tidhaa qarax ayay lug ku lahaayeen, taasina waxaan u arkaa uun inaad shilimaan kaga rabto Ganacsatada, horrena waxaanu taariikhda ugu haynay inaad shirkaddo laga leeyahay Somaliland dabagashay oo dacaayddo badan oo aan sal iyo raad lahayn aad ka qortay tanna kama duwana Nactoonyo qofeed ee kugu jirta oo kaa soo burqanaysa waxaanad jeceshahay in aad canbaarayso cid kasta oo Somaliland ka soo jeedda, waxaa iga war-galin ah inaan qalinka iskaga kaa celin doonno, haddii wakhtigu ku taageero waxba ha la hadhin. Waxaan ku ogaysiinayaa in Qalin maallada reer Somaliland dhan uga soo wada jeedsandoonaan hagar daamada aad Dalkayga iyo dadkayga ku hayso.

 Ninka qaraxyadda sameeyay waxeey saaxiibo ahaayeen Maamulaha Hotel Central Axmed Ismaciil oo loo yaqaan Axmed Buur oo ay isku yaqiineen dalka Ingiriiska:- murti maahmaaheed soomaaliyeed ayaa tidhaa ilaahayow Haa iyo Maya mar ha naga wada yeedhsiin, meeris iyo badhkan waxaad ku sheegtay in nin ka qaraxa fuliyay ay saaxiibbo ahaayeen maamulka hudheelka. isla qayb kale oo qoraalkaaga ka mida oo hoos ku qoran waxaad ku sheegtay in ninka qaraxa fuliyay uu Ganacsade C/rashiid Haybe Dubad Hargaysa tilifoon uga soo diray in qolka laga kiraayo ninkaa. Qoraalkaaga waxaa laga dheehanayaa nin lacag haysta oo qurbaha ka yimiday, oo saaxiibkii oo Muqdisho huteel ku haysta ku soo beegmay, haddana uu u baahday tilifoon in luugu dhammeeyo qol uu dagayo, manaad sheegin aqoon ka dhexaysay ninka aad tidhi Hargeisa ayuu ka soo hadlay oo qol ka kireeya ayuu yidhi iyo Ninka qaraxa fuliyay, e waxaad sheegtay in maamulaha hudheelka iyo nin ka qaraxa fuliyay ayay ingiriiska saaxiibbo ku ahaayeen. Ilamaha yar ee carruurta ah ayaa diidaya, xitaa shirkadaha waaweyn ee filimaanta sameeyaa sida holly wood iyo Bolly wood sheekadan ma qaadan karaan.

 

  • Qaraxii lagu hoobtay Hotel-ka Central Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inuu Agaasimay Ganacsade ka mida Saamileeyda Hotel-ka kaas oo gabadha qaraxa fulisay shaqaaleeysiiyay:- Daahir Calasow waxaa tidhi waxaa la xaqiijiyay inuu ganacsade Cabdirashiid Haybe Dubad ka danbeeyay qaraxii, maad sheegin cidda xaqiijisay, kor waxaad ku sheegtay in ciidanka sirdoonka soomaaliya ay ku fashilmeen inay arrintaa wax ka ogaadaan, maad sheegin in awaadaha ciidan ee kale ee dalka jooga sida Amisam oo kale ay xaqiijisay, waraaqdii lagu xajiiyay lifaaqeeda maad soo raacin qoraalkaaga, iskaba daa wax caddayn ah e xitaa cid aad is leedahay ciddaa ayaa xaqiijisay ma jirto oo haddalkaagu wuxuu u dhigan yahay sidan “waxaa la xaqiijiyay”

 

Ma ciidan sirdoon oo gaar kuugu shaqeeya ayaa jira oo soo xaqiijiyay?

Maxaannu kaa qornaa?

Sideennu kuu aaminnaa?

Miyaanad is lahayn dad waxbartay ayaa qoraalkaaga akhriyaya e waxa maan gal ah u qor?!.

Waa markii ugu horreysay ee aan maqlo nin mulkiile ah oo hoteelkiisii qarxinaya, siduu sheegay wariyaha Daahir calasow. sideed dad ka ehelu caqliga ah uga dhaadhicin kartaa inuu qof hantidiisa burburiyo?!

 Cabdirashiid Heybe oo ah Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed wuxuu Central Hotel ka mamnuucay in Khaat lagu cuno,sigaar lagu cabo ama Music laga dhex shido:- ka Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim ahaan aqoon badan ayaan u leeyahay Ganacsade Cabdirashiid Haybe Dubad, oo aan filaayo in qoraha maqaalkanni aanu waligii la kulmin Ganacasade Cabdirashiid, waa nin Qofnimo beel-daajiso ah ku sifoobay, waa waayo arag, bahda dhaqanka-Afka qoraayada iyo abwaannada ayuu dad ka ugu jecel yahay.

 Wakhtigiisa ugu badanna iyaguu la qaataa, guud ahaan da’yarta reer Somaliland meel kasta oo ay dalka ka joogaan waxay ka marrag kacayaan in waxaa u suxufi Daahir Calasow ku sheegay ka madhan yahay C/rashiid. inta badan arrimaha uu dhallinyarta kala hadlaa waa inay ganacsiga ku soo dhiiradaan, wuxuu khudbaddo arrintaa ku saabsan ka galay Maroodi jeed, Saaxil Awdal iyo Tog-dheer khudbaddihii uu Jaamacaddaha ka galay ee uu kula hadlayay da’yarta jaamacadaha ka baxday, wuxuu kala hadlayay seddex arrimood

1) in aanay tahriibin ee ay dalkooda aaminaan.

2) in ay Guurka ku dhiiradaan.

3) iyo in ay ganacsiga ku dhiiradaan.

Khudbadihiisa qofkii u baahdaa waxuu ka heli karaa Youtube, ilaa Djbouti saaxiib dhow baannu ahayn wali wax la mida waxaa kuma maqal, inta badanna arrimaha bulshada ayuu ka hadlaa da’yarta. Cabdirashiid Guud ahaan Dhallinyarada Somaliland way ka xun yihiin canbaaraynta uu kugu la dul dhacay nin ka cayda la daalaa-dhacaya, mana aha mid kugu kooban e waxuu la col yahay Ganacsade kasta oo deegaan ahaan Somaliland ka soo jeeda.

 Axmed Ismaaciil Xuseen Gaane {Axmed Buur} markii uu yimid ayuu Hotel-ka suuq yeeshaymaxaa yeelay wuxuu u fasaxay wax walba iney macaamiisha si xora ugu isticmaalaan” ayuu yiri qof ka tirsan hoowlwadeenada Central Hotel:-   waxaad noo sheegtay in labada mulkiile ee kala ah Cabdirashiid Haybe Dubad iyo Axmed Isaaciil Xuseen Gaane ( Axmed Buur) uu Cabdirashiidna goortii hudheelka uu maamulaha ka ahaa uu diiday isku wada gee oo waxa la yidhaa Maandooriyeyaasha in hudheelka lagu dhex isticmaalo. Taadaba haddaan kuu raaco qofka muslin ah ee xumaanta meesha uu masuulka ka yahay u diida haddaad u taqaan argagixiso kullama qabno, caddayna ma noqon karto taasi, dhammaan mulkiila-yaasha hudheelada waaweyni way u diidaan hudheelkooda in lagu dhex istimaalo maandooriye, muusik iyo meel la jiifsanno ama shirar ka socdaanna meel ma wada gali karaan, haddaanay meeshu (Night Club) Hudheelka mar hore iyo mar danbe midna ma suurto galin in maandooriye lagu dhex isticmaalo ama Axmed Maamulka ha hayo ama Rashiid. Dad ka hudheelka iman jiray laftooda ayaad meel kaga dhecday oo waxaad ishaartay in haddii aanay meesha dhilo iyo muusik jirin ama maandooriye jirin in aanay macaamiishu imanayn, waanu ka raali galinaynaa gefkaa ummadda hudheelka isticmaali jirtay dad wanaagsan baad ahaydeen, masaajid baa meesha idiinku dhex yaalay shanta salaadood ayaad tukan jirteen maydaan ahayn siduu daahir Calasow sheegay dad Muusik iyo maandooriye haddii ay waayaan ka ordaya hudheelka.

 

  • Cabdi rashiid Heybe oo ka tirsanaan jiray dagaalyahanadii Al Itixaad ee Barigga Puntland kula dagaalay Cabdullahi Yusuf Axmed:- in C/rashiid Haybe Dubad ka tirsanaan jiray jabhaddii Al-itaxaad, waa been abuuradkii ugu weynaa ee uu Daahir Calasow sameeyo, wakhtigaa C/rashiid dalkaba ma joogin, wuxuu ku maqnaa yurub.

 

  • wuxuu kiiska ku aruuray Cabdirashiid heybe oo ka mida Saamileeyda Hotel-ka,waxaana leeys weeydiinayaa sida ninkaas xasuuqy waxgalkii ummada loo horgeyn doono Cadaaladda maadama uu Hargeysa tegay:- qoruhu isagaa kaaxin ah isagaa garsoore ah isagaa markhaati ah isagaa dhibbane ah isagaa dhagayste ah, gal dacwaddeed ayuu furay, xukunkiina uu riday, markuu leeyahay wuxuu kiisku ku soo urruray Cabdirashiid, yaa baadhitaanka sameeyay.

Cabdirashiid halkuu joogaa?

Intuu ka maqnaa muqdisho?

Ma markuu qaraxu dhacay ayuu ka soo duulay mise muddoba Hargeisa ayuu ku sugnaa?

Siduu Daahir calasow isagu xukunkii waa riday sababta ugu weyn ee kiiska intaa leeg xukunkiisa uu ugu dagdagay waxaan u malayn keliya in ay maan-gaabnimo tahay. Laakiin sirdoonka qaranka soomaaliya iyo Nabad-suggiddu wali waa mashquulsan yihiin baadhitaanka arrintan, waxaanan aaminsannahay in dad ka arrintan loo xidhay ciddii danbe cad lagu helo maxkamadda la hor geyndoono, ciddii danbi lagu waayana xorriyaddoodii loo soo celin doono. Mana ah in cidna ka hor dhacdo baadhitaannada iyo dadaalada socdo oo lagu ogaanayo ciddii gargaartay danbiileyaashii-dhagar qabeyaashii argagixisada ahaa ee dadka muslinka ah ee salaadda jumce ka soo baxay xasuuqay.

Gunaanadka: – waxaan ku soo af-meerayaa qormadan inaan ogaysiiyo dhammaan shacab weynaha reer Somaliland in ay iska jiraan kana fiirsadaan qoraallada been-abuuradka ah ee lagu liidayo sumcadda iyo karaamada xukuumadda Somaliland-madaxdeeda iyo ganacsateeda, gaar ahaan qormooyinka uu soo qoro degelka waagacusub, iyo mareegaha la hal-maala.

 

Waxaa kale oo aan war-galinayaa dhammaan jaaliyaddaha reer Somaliland ee Yurub iyo Maraykan ku nool in ay dacwad ku furaan waxna ka waydiiyaan Eedaymaha noocan oo kale ee uu ku sumcaddilayo Qaranka iyo Masuuliyiinta Qaranka nin la yidhaa Daahir Calasow.

 

Wuxuu ku xad gudbay sharafta iyo karaamada Qaranka sidoo kale wuxuu meel kaga dhacay sharaf milgaha 1) Marwada kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland oo iyadoo markaste hormuud ka gooni u goosinimada Somaliland ayuu ku tilmaamay in ay qiyaamo qaran sammaysay oo aay hudheel ka iibsatay Muqdisho, 2) ganacasade C/rashiid Haybe Dubad oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo uu sharaftiisa meel kaga dhacay

 

 

 

 

Waagacusub.info- Qaraxii lagu hoobtay Hotel-ka Central Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inuu Agaasimay Ganacsade ka mida Saamileeyda Hotel-ka kaas oo gabadha qaraxa fulisay shaqaaleeysiiyaGanacsadahaan oo lagu magacaabo Cabdirashiid Heybe una dhashay Beesha Isaaq ,Garxajis ,Ciidagale wuxuu astaan u noqday xagjirnimo maalmahii uu Central Hotel joogay.

Cabdirashiid Heybe oo ah Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed wuxuu Central Hotel ka mamnuucay in Khaat lagu cuno,sigaar lagu cabo ama Music laga dhex shido,iyadoo fikradaas ay ka sinaayeen naagta uu shaqaaleeysiiyay ee Luul Axmed Dahir.

Shaqaalaha qaraxa ka badbaaday iyo qaar ka mida macaamiishii deganeed Hotel-ka ayaa sheegay in maalmahii Cabdirashiid Heybe joogay laga wada yaacay Hotel-ka kadib markii loo adkeeysan waayay Awaamiirtiisa xagjirnimada badan.

“Gabadha isqarxisay isagaa keenay,Hotelka oo dhan waa laga guuray,wuxuu noqday cidlo maalmahii uu shaqada waday laakiin Axmed Ismaaciil Xuseen Gaane {Axmed Buur} markii uu yimid ayuu Hotel-ka suuq yeeshay maxaa yeelay wuxuu u fasaxay wax walba iney macaamiisha si xora ugu isticmaalaan” ayuu yiri qof ka tirsan hoowlwadeenada Central Hotel.

 

Cabdirashiid Heybe oo Hargeysa u baxay ayaa telefoon ku soo amray in qol la siiyo nin u dhashay beesha Habarjeclo oo lagu magacaabo Cabdi ismaaciil.

Cabdi Ismaaciil oo ka yimid Dalka Ingiriiska gaar ahaan Cardiff wuxuu ka shaqeeyay agabka qaraxyada ay isku qarxiyeen Luul Axmed iyo Ismail Muse kadibna Hargeysa ayuu u dhoofay.

Baarista aan sameeynay waxaan ku xaqiijinay in Axmed Ismail Hussein oo u dhashay beesha Habaryoonis wax badan kala socon gabadha  iyo qaraxa hasse yeeshee ninka abaabulay qaraxa lagu halaagmay uu yahay Cabdi rashiid Heybe.

Cabdi rashiid Heybe oo ka tirsanaan jiray dagaalyahanadii Al Itixaad ee Barigga Puntland kula dagaalay Cabdullahi Yusuf Axmed wuxuu heeystaa Baasaboor Jibouti.

Sikastaba ha ahaatee,wuxuu kiiska ku aruuray Cabdirashiid heybe oo ka mida Saamileeyda Hotel-ka,waxaana leeys weeydiinayaa sida ninkaas xasuuqay waxgalkii ummada loo horgeyn doono Cadaaladda maadama uu Hargeysa tegay.

Waagacusub.info- Qaraxyaddii mataanaha ahaa ee lagu qaaday hotel Central ee lagu qaarajiyey Gudoomiye ku xigeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Mr Caanageel, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa la sheegayaa inuu fuliyey nin hoteelka degenaa mudo ku dhow 6 bilood.

Ninkaan oo aan ka gaabsanay faafinta magaciisa ,heeystayna dhalashadda Ingiriiska,kana tegay Magaaladda Cirdiff ee dalka Ingiriiska ayaa wax badan deganaa Hotelka ,wuxuuna  qaraabo la ahaa Reerka iska leh Hotel-ka ee Ilma Jirde Xuseen. .

Gabadha koowaad ee isqarxisay oo lagu magacaabo Luul Axmed ayaa isku qarxisay masuuliyiinta,waxeeyna gabadhaan oo ka shaqeeyn jirtay qeybta Reception-ka heeysatay dhalashadda Holland ama Netherlands .

Hotel-ka waxaa la sheegay iney iibsatay  Xaaska Madaxweyne Siilaanyo Amina Waris Maxamud Jirde hasse yeeshee lama helin cadeeyn .

Dhagarqabahaan qorsheeyey qaraxyada lagu hoobtay ayaa ka baxsaday  Hotelka  kadib markii uu baabuurka kusoo habeeyey waxyaabaha qarxa soona dhigay Parkinga hoteelka, baabuurkaa oo ku qarxay Gudaha Hotelka.

Ninka qaraxyadda sameeyay waxeey saaxiibo ahaayeen Maamulaha Hotel Central Axmed Ismaciil oo loo yaqaan Axmed Buur oo ay isku yaqiineen dalka Ingiriiska.

Axmed Buur oo ka mid ahaan jiray Saamileeydii Xawaaladda Qaran wuxuu u dhashay Beesha Isaaq gaar ahaan Habaryoonis,Sacad Yoonis.

 

Dhagarqabahaan oo aad u isticmaalayey lacago fara badan ayaa wadan jiray istaafka hotelka marka uu aadayo meelo kamid ah magaaladda Muqdisho.

Istaafka raaca marka uu aado xaafado kamid ah magaalada wuxuu siin jiray lacag dhan 100$, taasoo keentay in ilaaladda Hotelka ku tartamaan shaqsiga u raaci lahaa xaafadaha uu aado, Xaafadaha uu aado marka uu galayo ayuu inta badan waardiyaha banaanka ku reebi jiray, halka uu gudaha isagu la geli jiray Baabuurka.

 

Dhagarqabahaan baray ilaaladda hotel central lacagaha farabadan ayaan marnaba la baari jirin baabuurkiisa marka uu kasoo laabto xaafadaha kala duwan ee uu soo booqdo. Dhagarqabahaan ayaa qolka uu ka degenaa hotel Central xiran jiray mararka qaar uu ka baxo magaalada Muqdisho, safarkiisii ugu danbeeyey ee uu dhowaan kasoo laabtay wuxuu ku tagay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Naagta qaraxa koowaad la beegsatay  Masaajidka iridiisa ayaa la sheegayaa iney qaraxyada iskula soo xirxirtay qolkii u xirnaa dhagarqabahaan, sidoo kale mid kamid ah ilaalada hotelka Central ayaa la sheegayaa inuu rasaas ku dhamaystirayay masuuliyiinta Dawladda kuwaas oo ay toogteen Ciidamada Dawladda Somalia oo gurmad usoo fidiyey Central Hotel.

Rasaasta mudada ka dhex dhaceysay gudaha Hotelka ayaa la sheegayaa inay ahayd mid kamid ah ilaalada hoteelka oo dhamaystirayey dadka ku dhaawacmay labada qarax.

Dhagarqabihii soo abaabulay qaraxyadaan mataanaha ah ayaan la ogeyn meel uu ku sugan yahay, ninkaan ayaan la arkin 4tii maalin ee ugu danbeysay. Nabadsugida iyo Sirdoonka Somaliya ayaa ku fashilantay hawshii umadda Soomaaliya ka sugeysay.

Sikastaba ha ahaatee weerarka Muqdisho ka dhacay wuxuu ahaa mid laga soo abaabulay Hargeysa ,waxaana la rumeeysan yahay inuu qeyb ka yahay cadaawadda Maamulka Somaliland ku burburinayaan deganaanshaha Muqdisho hasse yeeshee waxaa muhiima in Cadaaladda la horgeeya Maamulaha Hotelkaas Axmed Ismail {Axmed Buur} oo heysta dhalashada Ingiriiska.

Somali Dutch detonated herself in Central hotel

Waagacusub Media has learnt that a Dutch citizen who happened to be the one of the receptionist of the hotel was the female suicide bomber who carried out the attack.

The female who blows up the Central Hotel Mogadishu named Lul Ahmed.

The man that have filled  the  Improvised explosive devices  is a British-Citizen and traveled to Hargeisa before the explosion

More than 25 people were killed including members of parliament and scores of others among them senior government officials wounded.

Credible source has revealed to Waagacusub saying more investigations are going on.

Meanwhile the staffs of the ill-fated hotel were arrested by Somali Intelligence to help in the investigation.

Central Hotel of Mogadishu owns  Jirde Hussein, a former business man from Somaliland

Central Hotel manager,Ahmed Ismael, who is Somali British national was a friend of the attacker that escaped after the explosion.

Business man Ahmed Ismael lives in Hargeisa and he hails from Isack Clan of Habaryonis Sub-clan.

 

dahir.alasow@waagacusub.net

 

COMMENTS
LINKS