|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo shaacisay inay bilaabayso isticmaalkooda Dekedda Berbera iyo Caqabado ay farta ku fiiqday, Maxay-se Somaliland ka tidhi?
February 14, 2015 - Written by Editor:Maxay yihiin Badeecadaha dawladda Itoobiya wakhtigan kala soo degayso Dekedda Berbera? “Tacriifaddu waxay ku jirtaa heshiiska waana mid ka jaban ta Dekedaha dariskeenna, oo u suurta-gelinaysa Itoobiya inay…..” Xog-waraysi: Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor “Dhinaca fursadda, inkastoo Berbera uga dhawdahay dalkayaga, waddooyinku maaha kuwo ku habboon…..” Mr. Alemu Ambaye oo u hadlay Shirkadda Maraakiibta Itoobiya Addis Ababa,(Wajaalenews)- Xukuumadda Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday inay si rasmi ah u bilaabeen isticmaalkooda Dekedda magaalada Berbera ee dalka Somaliland, isla markaana badeecadihii u horreeyey oo xaddi badani ka soo degi doonaan maalmaha soo socda, balse werwer ka haysto xaaladda waddooyinka oo wax-ka-qabashadooda ay iskaashi ka leeyahiin Xukuumadda Somaliland. Wasiirka Gaadiidka dawladda Federaalka Itoobiya Workineh Gebeyehu, oo Baarlamaanka dalkiisa Warbixn siinayey, ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii xaddi gaadhaya Boqolkiiba toban Ganacsigooda dibedda kala soo degaan Dekedda Berbera, isla markaana Dekedo kale helitaankooda qorshaynayaan, waxaanu yidhi; “Shan illaa toban Boqolkiiba ganacsigeenna dibedda ka yimaaddaa wuxuu ka soo degi doonaa Dekedda Berbera, balse Dekedda Jabuuti waxay ahaan doontaa ta koowaad.” Dawladda Itoobiya, ayaa ku xidhnaanshaheeda Dekedda Jabuuti ka muujisay taxadir, badhtamahii sannadkii hore, taasoo wakhtigan la sheegayo in isticmaalkooda Dekedda Berbera u noqonayo xal wax ka beddela ku tiirsanaashahoodii Jabuuti. Shirkadda Maraakiibta ee Itoobiya oo 15 Markab oo laba ka mid ahi Shidaalka qaadaan isticmaasha, ayaa sheegtay inay heshiis kula gashay Shirkadda GSK group oo Jabuuti laga leeyahay inay u noqoto wakiilkooda Dekedda Berbera, isla markaana labaatan illaa soddon Koonteenar ay badeedo ku jiraan soo gaadhi doonaan Dekedda Berbera maalmaha soo socda. Shirkada Maraakiibta Itoobiya waxay wakhtigan keeni doonaan Berbera badeecado ganacsi oo suuqyada Shiinaha, Hindiya iyo Sacuudiga ka yimi. “Dhinaca fursadda, inkastoo Berbera uga dhawdahay dalkayaga, haddana waddooyinku maaha kuwo ku habboon.” ayuu u sheegay Alemu Ambaye Wargeyska Fortune. “Qiimaha takaaliifta ee ku saabsan dejinta iyo raritaanka alaabooyinka ee Berbera, ayaa la sheegay inuu ka duwan yahay ka Jabuuti, inkastoo weli aanay khibrad u yeelan..” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Alemu. Agaasimaha Warbaahinta u qaabbilsan Shirkadda waddooyinka Itoobiya Samson Wondimu, ayaa sheegay in waddada isku xidha magaalooyinka Jigjiga iyo Tog-Wajaale ay fiican tahay, hase-ahaatee, waddooyinka dhinaca Somaliland aanay ku habboonayn Gaadiidka Berbera ka qaadaya Badeecadohooda, taasoo uu sheegay in xilligan Xukuumadda Itoobiya ay kala shaqeynayso Somaliland sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu hagaajiyo waddada Berbera illaa Wajaale isku xidhaysa. Itoobiya ayaa sheegtay inay wakhtigan u isticmaali doonaan Dekedda Berbera inay kala soo degaan dhuxul-dhagaxda, sida uu sheegay Tesfaye Chanchissa oo ah Sarkaalka qaabilsan xidhiidhka dadweynaha ee Wakaaladda Dekedaha Itoobiya. Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Workineh, ayaa sheegay in Maraakiibtoodu ku soo horreyn doonaan Dekedda Jabuuti, ka dibna uga sii gudbi doonaan Dekedda Berbera ee dalka Somaliland. “Waxaannu adeegsan doonnaa Dekedo kale, taasoo aan saamayn ku yeelan doonin Dekedda Jabuuti, isla markaana waannu haynaa Xamuul Dekedaha oo dhan hafin kara.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Mr. Workineh. Shirkadda Maraakiibta Itoobiya, ayaa soo gaadhsiin doonta Dekedaha cusub xamuulkooda bishii laba jeer. Xilligan xamuulka Itoobiya, gaar ahaan Koontiineerro gaadhaya toban kun, ayaa yimaadda bishii Jabuuti oo illaa lix boqol oo Gaadiid maalin walba u qaadaan. Dhinaca kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Xukuumadda Itoobiya werwer ka muujisay oo la xidhiidha tayada waddooyinka Somaliland iyo qiimaha takaaliifta oo ka duwan ka Jabuuti. CALI XOOR-XOORng. Cali Xoor-xoor oo Wargeyska HIMILO xalay wax ka weydiinnay xilliga uu billaabmayo isticmaalka Dekedda Berbera ee Itoobiya iyo qiimaha dejinta iyo rarka baddeecadaha ay kala soo dagi doonto Itoobiya Dekeda Berbera, waxa uu ku jawaabay; “Hawshaasi meel fiican ayey maraysaa, balse Dekedda Berbera haatan Itoobiya baddeecadi uma soo marto, laakiinse marka ay u billaabanto waxay yeelanaysaa khad u gaar ah, oo wey ka duwanaanaysaa tan caadiga ah.” “Tacriifaddu waxay ku jirtaa heshiiska waana tacriifad ka jaban ta Dekedaha dariskeenna, oo u suurto-gelinaysa Itoobiyaanka inay baddeecadoodu qiime ahaan iska bixiso, waanannu ognahay qiimaha Dekedda Jabuuti oo waxa aad uga jaban qiimaha Dekedda Berbera, waana waxba kama jiraan warka sheegaya in qiimaha Dekedda Berbera ka qaalisan yahay qiimaha Dekedda Jabuuti, Xaqiiqadu waa in qiimaha Dekedda Berberi ka jaban yahay.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo Wargeyska Himilo weydiintaas uga jawaabay. xigasho himilo COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|