HOT.NEWS:Xoogaga Boko Haram oo ka tallaabaday Xuduuda Nigeria iyo Cameroon, Una Gudbay Waqooyiga Cameroon | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HOT.NEWS:Xoogaga Boko Haram oo ka tallaabaday Xuduuda Nigeria iyo Cameroon, Una Gudbay Waqooyiga Cameroon
February 4, 2015 - Written by Editor:

nigeria(W.N):Xoogag hubeysan oo ka tirsan Boko Haram, ayaa waxay Arbacada maanta ah ka tallaabeen xuduuda Nigeria la wadaagto Cameroon, ka dib markii Ciidanka Militariga Chad ay gudaha u soo galeen dalka Nigeria, si ay ugula dagaalamaan Boko Haram.
Xoogaga Boko Haram, ayaa waxaa Waqooyiga Cameroon lagu arkay iyagoo wejiyada soo qarsaday, lamana garanaayo waxa uu hadafkoodu yahay. Waxaase laga cabsi qabaa in gumaad ka geystaan.

Umar Babakalli oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Fotokol ee Waqooyiga Cameroon, ayaa sheegay in Xoogaga Boko Haram, ay tiro dad ah ku dileen deegaankaasi, tan iyo markii ay gudaha u soo galeen.

Boko Haram, ayaa waxay u muuqataa mid diyaar u ah inay waxyeelo ka geysato dalalka kale ee ku yaala Galbeedka Afrika.

Nin khabiir ah, ayaa sheegaaya in Boko Haram ay damacsan tahay jawaab ay ka bixiso tallaabada dalalka Galbeedka Afrika, ay ku soo fara-gelinayaan dalka Galbeedka Afrika ku yaala.

Toddobaadkaan, ayaa waxay Madaxda Wadamada Midowga Afrika ay isku raaceen in ciidan ka socdo Wadamada Afrikada Galbeed loo diro Nigeria, si dagaal loo dhan yahay ay ugula galaan Boko Haram.

COMMENTS
LINKS