Hoos U dhaca Qiimaha Shidaalka Iyo Arxan La.aanta Shirkadaha Korontada Ee Bulshada+ Moganaanta Xukuumada Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoos U dhaca Qiimaha Shidaalka Iyo Arxan La.aanta Shirkadaha Korontada Ee Bulshada+ Moganaanta Xukuumada Somaliland?
February 12, 2015 - Written by Editor:

Bal aynu  Sharaxo waxa jira ee aah koronto qaaliya  xitaa haduu hoos Udhacay shiddaalkii  iyo dhibta ay kuhayaan  alaabta shacabka utaal Guryahooda

HARGEISA(Wajaalenews) Korontada  ay shariikadahani  siinayaan dadka  oo marmar  voltage badan kusoo daaya  guryaha  dabadeed  sababa  in uu dabka qarxo guriga oo uu halkaa dhimasho iyo barabax  keeno  ama tv gubto  ama talaagad ama mobile ama kawiyad   wax magdhow ah ama cawimo ah oo ay siiyaan  dadka dhib ay ugaysteen  na majiraan shariikadaha  iibiya adeega korontadu

Shariikadaha korantada iibiyaa ma sameeyaan  security light  dariiqyada xafadaha  iyo meelaha muhiimka ah ,sidaa daraadeed tuugtaa ku baadhata shicibka lugaynaya

Waxa kaloo sii dheer  lacag ribo ah oo ay kaqaadaan  dadka u macmiisha ah

Hadaad  5kw  isticmaal kaagu yahay  waxay kaa rabaan  15 doller oo udhigan ta 15kw ama isticmaal ama ha isticmaalin  shicibkay utaal   waa nooc kamid ah ribada

Lacag  ay ugu yeedhaan deebaaji oo  shariikadaha korantada  ii biyaa kaqaadaan  shacibka marka ay ugalinayaan guriga .

Dhibta intaa leeg waxa iskuqaba  shicibka  reer somaliland  yaa umaciina talow

Hadaba isku soo wadad duudub xaladan  waxay u bahan tahay   in ay tashadaan cida dhibtanu markaste  hortaalo oo ah  shicibka reer somaliland  waayo labatan sano ayey  haysatay dhibtanu ilaa imikana way tahlilaayihiin  in ay  xitaa wax yar uun  kahadlaan ama  ay diidaanba in ay isticmaalaan  korontadoodaba hadaan loogu adeegayn sida ugu haboon ee uu shacabka  udana  ileen iyagaa bixinaaya  lacagtan

Baada ah ee laga qaadayoo  ,

Hadab waxa muhiim ah inay  dowlada somaliland usamayso sharci haga shariikadaha

Sida gaarka ah loo leeyahay oo ka xakameeya  kutagrifalka  waxa noocan  oo  kale ah ee dadwaynuhu awood ulahayn  sidda  qiimaha korontada . Etc . Oo  ay dowladu ilaaliso dadka iyo dalkaba  sitaxadir leh  waliba waxanu  hadaanu shacabkii nahay  waxaanu leenahay dowladen     hala socoto korukaca iyo hoos udhaca  ascaarta   oo ha  ilaaliyaan  shacabkeena wanaagsan

Iyo waliba quality alaabta inoo timaada iyo  expirt date kooda  waa muhiim  sida dawooyinka  ay keenan shariikadaha  iibiyaa

Waa in ay is ogaadaan dadka shicibka ihi  in la aantood shariikadahani  shaqayn doonin . Shariikaduhuna  waa in ay ilaa shadaad macmiishooda  sida ugu haboon ee uu mabsuud ku noqonayo  macmiilkoodu

Haday sidaa yeeliwaayaan  waxa shacabka lagudboon  in ay    aayahooga ka tashadaan    oo gudiwaliba  kulan joogto ah oo lasocda korukaca iyo hoos udhaca

Waxyaabaha daruuriga ah   lasocoo

 

COMMENTS
LINKS