Hiil Bay Ubaahan Yihiin Hooyooyinku.!!W/Q Zakariye Jaylaani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hiil Bay Ubaahan Yihiin Hooyooyinku.!!W/Q Zakariye Jaylaani
February 24, 2015 - Written by Editor:

Tan iyo maalintii ay bur burtay Dawladii dhaexe ee somaliyeed deegaanada kal duwan ee soomaalida waxa lagu arkaa hooyooyin badan oo dayacan Kadib markii ay ragii gabeen kaalintii masuulnimada qoyska ee ilaahay (SWT)ku waa jibiyey .

IMG_1657

Waxa hooyooyin badan oo soomaliyeed ay la balaqsadaan sidii ay dabari lahaayeen nolosha caruurta ay dhashay oo ah kuwo masuuliyadoodu dhakada ka fushay markii abahood uu ku geeryooday dagaaladii aafeeyey somalida am uu noqday mid isaga ay la hadhay balwadi oo uu gabay kaailintii uu ku lahaa qoyska noqdayna mid wax cuna seexda qayilana.

Hooyooyinka somaliladu waxay kaalin wayn ka qaataan korinta ubadka ay dhalaan iyaga oo nolosha ama quutal daruuriga caruurahooda ka soo saara meelo badan oo qaarkood halis yihiin, waxaanay Goobaha shaaraca ah iyo suuqyada ku iibiyaan badeecado kala duwan oo qaarkood ay kala kulmaan dhibaatooyin badan Sida qaadka.

Qaad (Jaadku) Waa ganacsiga ugu badan ee hooyooyinka soomalidu iibiyaan si ay uga soo saaraan noloshooda ama quutal daruuriga ay siiyaan caruurta abayaashood Hagradeen ama hoga Aakhiro kaga horeeyeen waxaanay kala kulmaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay damaca raga iyagu Qaadka (Jaadka ka iibsada) .

Inta badan magaalooyinka ay somalidu dagto ha yaraadaan ama ha noqdaan kuwa caasimadaha ah ee waa wayn waxa aad ku arkaysaa goobaha laamiyada ama suuqyada magaalooyinka hooyooyin somaliyeed oo duruufo ay fadhiisyeen meel aan ka fogayn halka uu maro taayirka gaadhiga oo ay ku qabaan darxumo iyo dhibaato wayni taasi oo ay usamaynayaan ubadka ay dhalaan awgood oo ay ku iibiyaan ganacsi uu qaadku ugu wayn yahay.

Waxa Did usoo ifbaxay in deegaanada somalidu ay ka soo kabanayaan dhibatooyinkii adkaa iyo burburkii ka soo gaadhay dagaaladii dabada dheeraa ee ka dhashay dawladihii hore ee somalida xukumi jiray waxaana ay hooyiiyinkaasi ubaahan yihiin taageero iyo taakulo awoodeed iyo mid dhaqaale oo ay ka helaan dawladaha ka dhalashay deegaanada somalida.

Marka laga Yimaado iibinta qaadka oo iyadu ah dhibaato wayn oo haysata hooyooyinka somalida waxa jira qaybo kale oo iyaguna caruurahooda ka biiliya iibinta khudaarta (Tamaandhada ) oo fadhiista suuqyada lsariibadaha oo awoodood dhaqaale iyo tooda shaqsiyadeed ba ay ubaahantahay taageero si   ay uhelaan dhaqaale ay ku dabaraan caruuraha isagu jira agoonta iyo kuwa gabeen aabayaashood ee ay iyagu cid iyo ciirsigaba u yihiin.

Qofkasta oo garaad leh oo maskadiisu shaqaynaysaa waxa uu ka xumaadaa marka indhihiisu qabtaan goob hooyo ka mid ah hooyooyinka somalidu ay ku iibinayso ganacsi uu ka mid yahay Qaadku iyadoo ka soo saaraysa Nolol maalmeedka caruurta ay aabayaashood haleysay balwadu.

Hooyadu waxay noqotay tiirka kaliye ee udub dhaxaadka unoqday nolosha badi qoysaska somaalida waxaan la soo gaadhay xiligii la nasin lahaa ee ay dib ugu noqon lahayeen guryahoodii ay darxumadu ka soo saartay.

Suxufi:- Zakariye Sh Mohamed Abdi (Jaylaani)

Tafatiraha Shabakada Wararka Ee Oodweynenews

Contact Us :- Boqore2030@gmail.com

Facebook :- Zakariye Jaylaani

COMMENTS
LINKS