|
|||||
WAJAALE NEWS
HALKAN KA AKHRI: Magacyada Laba Qof Oo Haysta Dhalashada Holland Oo Fuliyay Weerarkii Hotel-Ka Central
February 22, 2015 - Written by Editor:Muqdisho(Wajaalenews) Warka soo baxay Sirdoonka Somalia ayaa lagu shaaciyay Magacyada labada qof ee isku qarxiyay Jimcihii Hotel-ka Central ee Badhtamaha Muqdisho.labada qof ayaa ka mid ahaa Shaqaalaha Hotel-ka waxayna ahaayeen laba qof oo la sheegay inay xidhiidh dhaw lahaayeen. Sirdoonka Somalia ayaa rumeysan in labadan qof oo wiil iyo gabadh kala ahaa ay haysteen dhalashada dalka Netherlands ama Holland, waxaana hay’adda sirdoonka Soomaaliya ay magacyadooda u kala sheegtay Ismaaciil Muuse oo ahaa Qofkii gaadhiga qarxiyay iyo Luula Axmed Daahir oo ahayd haweeney goor dambe is-qarxisay. “Gabadhu waxay muddo afar bilood ah ka shaqeynaysay Hotel Central,” ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda nabadsugidda Somalia, iyagoo intaas ku daray. “Wiilka iyo gabadhu waxay ahaayeen laba qof oo uu xidhiidh ka dhexeey. lama hubo inay is-qabeen balse waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow.” Weerarka Jimcihii waxaa ku dhintay ugu yaraan 25 Qof, waxaana ku dhaawacmay inka badan 40 Ruux. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba waxaa ku jira Masuuliyiin dawladeed, Saraakiil Ciidan iyo Shaqaale Dawladde iyo waliba dadweyne kale. Dadka loo qabtay Tuhunka weerarkan waxaa ka mid ah 12 Qof oo shaqaalaha Hotel-ka ah, waxaana ku jira laba Masuuliyiinta Hotel-ka ah.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|